Ururka UDHIS oo loo wanqalay, Xasan Ciise Jaamac oo sheegay in uu la mideynayo Xisbiga Ucid iyo Miisaanka Siyaasiyiinta ku dh a waaqay oo Culays ku soo Kordhiyay Saaxada Siyaasada ee Dalka


 


“Faysal Cali Waraabe iyo Cali Guray oo soo dhaweeyay wanqasha Ururka Udhis, muuqaalka munaasib adii lagu daah-furay Ururnimada Udhis iyo Weedhihii C/raxmaan Aw-cali iyo Ibraahim dhego-weyne ka jeediyeen Xafladii wanqasha”


Hargeysa(TNN)-Munaasibada loogu wanqalayay Urur Siyaasadeedka UDHIS oo ay ka ku bahoobeen Siyaasiyiin Misaan culus ku leh Somaliland ayaa shalay lagu qabtay Hoteelka Ambasador ee Magaala da Hargeysa.


Munaasibadan oo ay ka dhex muuqdeen Siyaasiyiin aan mudo dheer ka soo daahirin Saaxada Siyaas adeed ee Dalka iyo kuwo ka mid ahaa Ragii xilalka ka soo qabtay Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Somaliland, waxa ka soo qayb galay Aasaasayaasha Ururka Udhis, Madax ka socota Asxaabta Muca aridka ah, Masuuliyiin ka kala tirsan laamaha Dawlada, gaar ahaan Golaha Wakiiladda iyo Xukuumad da, Dhalinyaro, Waayeel iyo Haween tiro badan oo qaarkood ka mid yihiin Aasaasayaasha Ururka q aarna lagu soo casuumay Xaflada loogu wanqalayay Ururka Udhis.


xubno ka mida Hogaanka Aaasaasayaasha Ururka Udhis oo ay ka mid yihiin Muj Ibraahim Dhego we yn, Xasan Ciise Jaamac iyo C/raxmaan Aw-cali Faarax ayaa halkaasi ka hadlay, kuwaasoo ka waram ay Hadafyada Siyaasadeeed ee Ururkan iyo waxyaabaha uu higsanayo, waxaanay tilmaameen in Ur urkoodu isbedel muuqda ka dhalin doono Somaliland hadii ay ku soo baxaan Doorashada Golayaasha Deegaanka ee fooda inagu soo haysa, kana mid noqdaan saddexda Xisbi Qaranka ee dalka u soo ha dhaya.

Siyaasiyiintan Ururka Udhis ayaa sidoo kale sheegay inaanu Ururkoodu ilaa hada lahayn Hogaan si rasmiya loo doortay, balse lagu dooran doono madaxda Ururkaasi Shirweyne loo dhanyahay oo Ur urku yeelanayo wakhtiyada soo socda, kaasoo si cadaalad iyo sinaani ku jirto loogu xulan doono cida Hogaaminaya Ururka iyo Golayaashiisa kaleba.


Muj. Ibraahim C/lahi dhego-weyne oo ka mida Aasaasayaasha Ururka Udhis oo munaasibadaasi ka hadlay, kaasoo ka waramay qorshayaasha Ururka ee dhinacyada Siyaasada iyo waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay Bulshada ku kasbanayaan, isagoo xusay inay wakhti badan ku qaadatay wanqasha Ururkani iyo ku dhawaaqistiisu, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Ururkan UDHIS wuxuu u taagan yahay urur wixii hore wax ka bedela waxaynu u baahan nahay waa sharciga aynu raacnaa, haddii aan ururka sharciyadiisa la sixin dawladnimo sixi maysid. Walaal waxaanu ummadda u soo bandhigaynaa inay sharcigayaga akhriyaan oo ay na soo dhaliilaan intaan shirweynaba aan la qaban.”


C/raxmaan Aw-cali Faarax isna ka mid ah Aasaasayaasha Ururkan Udhis ayaa sheegay inay Ururko oda ku mideynayaan dhamaan Bulsho-weynta Reer Somaliland, waxaanu yidhi”Ururaka udhis waxa uu noqon doonaa mid ay ku midaysan yihiin Bulshada Reer Somaliland oo dhami ee noqon maayo mid cid gaar ahi ku dhawaaqdo, sida Ururada kale ee Magaalooyinka lagaga dhawaaqo oo kale, Waxanan maanta halkan isugu nimid inaynu ku dhawaaqno ururkan UDHIS oo muddo la soo waday oo laga sha qaynayay si uu u noqdo urur taabo-gal ah oo ummadda reer Somaliland u qalma. markaa Ururkan U DHIS ma aha urur qabiil, gobol, mid qof leeyahayna ma aha, ururkani waa mid qaranku wada leeyah ay oo min bari illaa galbeed, dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo dumar waa mid u furan oo aan laga lah ayn.”


Madaxweyne ku xigeenkii labaad waxa kale oo uu sheegay in ururadan badan ee lagu dhawaaqay ay keentay waayo aragnimo la’aan “Inaga nidaamkan axsaabta badani wuu inagu cusbaa oo kaacaaku fkiisa ayuu leeyahay, sadexdii xisbi ee hore eed iyo canaan midna ma leh waayo iyaga ayaa lagu biim eeyay nidaamkan.sidaasi darteed, khaladaad iyo saluug badaniba wuu yimid waayo waxan ayaa wax inagu cusub ahaa. Waa in saluugii xisbiyadii hore laga faa’iidaysto waxyaabihii khaldamay oo ururad an cusubi ay ka baydhaan khaladaadkii hore”.


Waxa isaguna halkaasi ka hadlay madaxweyne ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac, kaasoo sheegay inuu ka mid yahay Ururka Udhis iyo xisbiga Uid, kuna hawlan yahay sidii uu u mideyn lahaa cududa Siyaasadeed ee Xisbiga Ucid iyo Ururka Udhis “Ururo badan oo yar yar ayaa lagu dhawaaqay oo waad ka war haysaan kuwo kalena way soo socdaan, waxaan idin xusuusinayaa hadal aan khayriyada ka idhi dhammaadkii sagaashameeyadii waxaan idhi waagaas niman yahow dhibaatada wadamadan soo koraya haysta, afrika haysta iyo carabtii haysta, sadexdaasi ayaa ma anta dunida ugu liita inaguna sadexdiiba waynu nahay oo sadexdii koob ee adduunka ugu liitay aya ynu isku darsanay. Hawsha ina sugaysaa walaalayaal ma yara. Ururadan lagu dhawaaqay iyo ku wo soo socdaba waa inaynu meel iskugu geynaa, haddii aynu doonayno inaynu dadka iyo dalka waxta rno, ururo tiradoodu badan tahay oo habar-habartu dan bay ahayde qoys qoys hoose ka muuqdo ina anfici maayaan.”


Xasan Ciise jaamac isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waa inaynu ka tashanaa oo meel isk ugu geynaa haddii ALLE yidhaahdo, waxaan soo jeedinayaa oo aan madaxda UDHIS iyo UCID-ba kala hadlay waxaan doonayaa in labadaasi urur hormuud ka noqdaan sidii ururadan yar yar ee badan waynu ku jabaynaaye’e oo dantii qaranku sidaasi kuma jirno,”ayuu yidhi Md. Xasan Ciise waxaanu intaasi raaciyay “Soomaalidu waa ta tidhaahda ninkaad kabo ka tolanaysa kabihiisa ayaa la eegaa, siyaasiyiinta kabahooda lama eego kabaha ugu quruxda badan ayay kuu soo xidhanayaan, waxa la eegaa ficilkoodaa la eegaa oo lagu kala baxayaa oo aad xaqiiqada ka helaysaa dariskii Gumaystihii laga bartay waxay ahayd qeybi oo xukun, waxaan leeyahay siyaasiyiinta qeybi oo xukun waxa gumaystuhu ugu tallo galay inuu inagu naafeeyo laakiin haddii aad tidhaahdo waan qeybinayaa si aan u xukumo ummadaadii jabisay.”ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.


Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta mucaaridka ah ee munaasibadaasi lagu soo casuumay ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu sheegay in Xisbigiisu garab taaganyahay Urur Siyaasaseedkan cusub ee lagu dhawaaqayn, kaasoo uu tilmaamay inay ka dhex muuqdaan Mujaahidiintii Ururka SNM ee dalka xoreeyay, isagoo dhinaca kale Faysal Cali Waraa be tilmaamay in Ururkani Xisbiyada waaweyn ka garbin doono Ururada cusub ee lagu dhawaaqay markii la ogolaaday in Ururada la furo ” Ururkani waa Ururkii Mujaahidiinta, waanan soo dhaweynay na hadii aanu nahay Xisbiga, waxaanan rajeynayaa inuu kaalin fiican ka geli doono Siyaasadda Som aliland” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.


Xafladan loogu wanqalayay Urur Siyaasadeedka UDHIS waxa sidoo kale ka hadlay Siyaasiin ay ka mi d yihiin Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda, Dhalinyaro, iyo Haween door ah, kuwaasoo qaarko od ku hadlayeen garabyada Ururka ee Dhalinyarada iyo Haweenka, qaarna si gaar ah loogu soo ma rti qaaday Wanqashaasi Ururka UDHIS, iyagoo dhamaantood si wada jir ah u soo dhaweeyay Urur kaasi.


Si kastaba ha ahaatee Urur Siyaasadeedkan Udhis ayaa lagu tilmaami karaa Ururka kii ugu facawey naa ee lagu dhawaaqo tan iyo markii la ogolaaday Furashada Ururada Siyaasada Somaliland, marka loo eego Miisaanka Siyaasiyiinta ka dhex muuqda ee ka mid ah Aasaasayaashiisa iyo Muuqaalka ay ku dhex leeyihiin Bulshada Reer Somaliland, iyadoo dhinaca kale la hadal hayo in Ururkani la midooba yo Xisbiga UCID oo hada ka mida saddexda xisbi qaran ee hore dalka uga jiray.


hadii ay taasi rumowdana waxay noqonaysaa waji cusub oo durba ku soo kordhaya sii waaritaanka saddexdii Xisbiga qaran ee UDUB, kULMIYE iyo UCID oo iyagu hore u sheegay inay kalsooni buuxda ka haystaan taageerayaashooda, isla markaana aanay wax culays ah ku soo kordhinaynin ururadan cusub ee la furtay, waxaanay keeni kartaa in kalsoonidii ka lunto labada xisbi ee kale.


dhanka kale marka si dhab ah loo eego miisaanka iyo damac siyaasadeed ee ragan ku dhawaaqay Ururka udhis, lana bar-bar dhigo aragtiyaha ay Bulshada reer Somaliland ka aaminsantahay qaarko od iyo sida aan Saaxada Siyaasadda ee dalka loogu arag sanadihii ugu dambeeyay, waxa muuqata inuu xisbiyada iyo Ururada cusub laftooda loolan adag oo siyaasadeed ku soo kordhiyay, waxaanay bulshada qaar aaminsantahay in Ururkani dib u soo noolayn karo Karaamadii iyo Magacii Ururka SNM hadii uu sidan ku hana qaado, maadaama raga ugu sareeya ee hindisihiisa lahaa u badan yihiin Saraakiishii Ururka SNM, kuwaasoo aynu ka soo qaadan karno Col. Ibraahim Dhego-weyne, Xasan Ciise Jaamac, Xildhibaan C/raxmaan Cumar Xaashi iyo C/raxmaan Aw-cali Faarax (C/raxmaan Tol-waa), kuwaasoo laba ka mid ah xilal ay qabtaan ugu dambeysay Madaxweyne ku-xigeeno, halka aanu Ibraahim dhego-weyne labaatankii sanadood ee Somaliland jirtay wax xil ka qaban Xukuumadihii dalka soo maray.
 

source:waaheen