Ururka Suxufiyiinta Mareegaha Somaliland oo Cambaareeyay koox ku hadashay afka ururada saxaafadda Somaliland oo qoraal ay soo saareen ku weeraray wargeyska madaxa bannaan ee Waaheen.

 

 

Suxufiyiinta Ku Bahoobay Ururka Mareegaha Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo (SOA), ayaa soo s aaray war-saxaafadeed ay ku cambaaraynayaan koox ku hadashay afka ururada saxaafadda Somalilan d oo qoraal ay soo saareen ku weeraray wargeyska madaxa bannaan ee Waaheen.

War-saxafaadeed ka soo baxay kulan dhinaca internetka ah oo ay yeesheen xubnaha ururka SOA, kuna saxeexanyahay Xogahayaha Guud ee ururka Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), waxa lagu sheegay in ururku aanu qayb ka ahayn, cidna u wakiilan inay warbaahin kale cambaareeyaan amma taageeraan, iya doo aanay ahayn talo laga midaysanyahay.War-saxaafadeedkaas oo dhammaystirani waxa u dhignaa sidan;

“Anagoo ah Suxufiyiinta ku bahoobay Ururka Mareega Somaliland (Somaliland Online Association), waxaa nnu halkan ku cambaaraynaynaa qoraal kusoo baxay saxaafada Somaliland, kaas oo ku taariikhaysnaa Salaasadii 6 Jun 2011, isla markaana koox sheegatay magaca Ururada Saxaafadu ku canbaareeyeen war lagu qoray wargeyska Waaheen ee kasoo baxa magaalada Hargeysa.

Hadaba qoraalkaa oo lagu sheegay magaca Ururada saxaafada, islamarkaana ay ku xuseen inay raali ge lin ka bixinayaan warkaa. Sidaa awgeed Ururka ay ku bahoobeen Mareega Somaliland ee loo soo gaabiyo (Somaliland Online Association), wuxuu kulan uu maanta oo taariikhdu tahay Khamiis 8 Jun 2011 ku yees hay dhinaca internet-ka ka soo saaray qoraal kooban oo ku cadaynayo in aanay qayb ka ahayn kooxdaa sheegatay inay yihiin masuuliyiinta Ururada Saxaafada, isla markaana aanay cidna u wakiilan inay ku had laan afkooda oo ay canbaareeyaan, ama taageeraan arrin aanay waxba kala socon.

Ururaka ay ku bahoobeen Mareegaha Somaliland ee magaciisu yahay (Somaliland Online Association), isla markaana loo soo gaabiyo (SOA), wuxuu mar labaad Bulshada Somaliland iyo cid walba u xaqiijinayaa in warka kooxdaasi ku canbaaraysay wargeyska Waaheen aanay waxba kala socon, isla markaana aana y u muuqan mid waafaqsan dhaqanka saxaafada, iyadoo ay ahayd in haddii wargeysku daabacay qoraal ama war loo baahanyahay in la saxo loo mari lahaa wado aan ahayn ta ay kooxdan sheegatay masuuliyii nta Ururada Saxaafadu mareen, kuwaas oo aanu u aragno inay arrintii dhextaalay Madaxtooyada iyo Wa rgeyskaa u bedeshay dagaal dhinaca warbaahinta ah oo saxaafada laysugu adeegsado iyo dhaleecayn aan loo baahnayn oo warbaahinta laysigu jawaabayo, taas oo aanu u aragno inay luminayso ujeedadii iyo hadafkii saxaafada loo aasaasay iyo adeegii ay bulshada u haysay.

Sidaa awgeed waxaanu ugu baaqaynaa kooxda sidan u adeegsanay magaca iyo milgaha Ururada Saxaaf ada inay ka waantoobaan oo aanu dhaqankani noqon mid saxaafada dhexdeeda ka abuura fidno iyo khila af, islamarkaana bulshada iyo saxaafada is nacsiiya.

Ururka SOA waxa uu dhawaan qaban qaabinayaa kal-fadhi aan caadi ahayn oo lagaga tashanayo arrima ha ururka.”