Ururka Somaliland Forum oo deeq Lacageed Gudoonsiiyay Hay'ada Wadooyinka Somaliland




Hargeysa October 27, 2010 (TNN)- Ururka Somaliland oo ah ururka ay ku bahoobeen dad qurbo jooga ah oo u dhashay dalka Somaliland ayaa maanta deeq lacag ah gudoonsiiyay Hay’ada  wa dooyinka Somaliland.

Xafladan uu ururka Somaliland Forum lacagta ku gudoonsiiyay Hay’ada wadooyinka Somaliland oo lagu qabtay Hotel Golden Star ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro, Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka, ku xigeenkiisa, Saraakiil ka socotay Ururka Somaliland Forum iyo Marti sharaf kale.

Maxamed C/laahi Ducaale oo ka tirsan Ururka Somalilan Forum iyo sarkaal kale oo ka tirsan  Uru rkaasi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid ay sanadkiiba hal mar qabtaan iyagoo sheegay in sanadkan ay ugu magacdareen Mashruuca Cali Maarshaal isla  mark aana lagu qabanayo in Caalamadaha darawaliinta Haga loogu sameeyo wada isku xidha  Magaa looyinka Berbera iyo Hargeysa, taasi oo ah tii uu ku dhintay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Guuleed (Cali Maarshaal), waxaanay Illaahay uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo.

Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka iyo Maareeyku xigeenka oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay khatarta ay ku hayso wadadaasi dadka, isla markaana ay tani wax wayn ka  ta rayso hamsami u socodka Gaadiidka iyagoo sheegay in Hay’adoodu u hawlgali doonto sidii  day actir iyo dib u dhis loogu samayn lahaa Guud ahaan Wadooyinka Somaliland.

Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Wasiirkaa Hawlaha guud ee  Somalil and oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Shakhsiyadii Cali Maarshaal iyagoo  sh eegay ururka Somaliland Forum ku bogaadiyay sida uu uga qayb qaato Horumarinta Bulshada isla markaana ay tahay mid dhiirigalin ah.
 


Source: HCTV