Ururka Somaliland ee Qurbejoogta Yurub (EASD) oo ka soo noqday Goob joogenimadii Doorashooyinka Golaha Degaanka oo Xog Faahfaahsan ka bixiyey Siday u qabsoontay



 


London (TNN)-Laba xubnood oo kamid ah Ururka Qurbejoogta Yurub ee Somalilad ayaa wadan ka Ingiriiska ka dhoofay 26/11/2012kii iyagoo u dhoofay Somaliland,si ay uga qaybqaataan Goobjoogenimada Tartanka Doorashooyinka Golaha degaanka ee Somaliland,kadib markii ay Casuumad rasmi ah ka heleen Xukuumada Somaliland,waxayna metelayeen Qurbejoogta
Somaliland ee Yurub iyo ACP oo xarunteedu tahay wadanka Biljam.

Kadib markay dib ugusoo noqdeen Wadanka Ingiriiska maalintii Shalay,inkasta oo aanaan hal kan kusoo koobi karin wixii ay lakulmeen ayay hadana noo sheegeen inay Dawlada Somaliland usoo dhaweysey si niyadsamileh oo aad u wanaagsan,waxayna isla markiiba ku biireen Ha y'a dihii iyo Dowladihii kale ee iyaguna u yimid inay ka war hayaan sida ay u dhacayso Doorashoo yinku.Halkaasoo ay joogeen 18Dawladood iyo Hay'ado badan oo madax banaan.

Hadaba Ururka Qurbejoogta Yurub ee Somaliland oo ay ka wakiil ahaayeen Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Xigeenka Mudane Siciid Cabdi Ducaale iyo Marwo Saafi Faarax siday u kala horeey aan ayaa iyagoo lagu kooxeeyey Wakiilka Madaxa Banaan ee Maraykanka (Independent Emb assy) iyo Sonsef NGO oo ah Hay'ad madani ah.

Meelaha loo xilsaaray inay dusha ka eegaan ee ay kormeerayeen ayaa waxaa ka mid ah maga alooyin badan oo ka tirsan Gobolka Saaxil iyo Maroodijeex sida Lafaruug,Dhubato,Owbarkhadl e,geedka dheenta leh,iyo Dacarbudhuq,

Gudoomiyaha iyo Gudoomiye xigeenkuba waxay sheegeen in Dawlada Somaliland ay si aan Ha krasho lahayn ay u hirgelisey Doorashooyinkaa haday noqoto xaga Ilaalinta Amniga,Joojinta Gaadiidka aan u shaqaynayn Gudiga Doorashooyinka iyo ilaalinta Caafimaadka Dadka codko oda dhiibanaya iyagoo halkaa soo safay Ardayda Jaamacadaha,Ciidamada Bilayska iyo Melete riga iyo Dhakhaatiir iyo Kalkaaliyayaal.

Madaxda Ururku waxay xaqiijiyeen in dhamaan Goobihii ay marayeen doorashooyinku u socde en si aan qoonsimaad lahayn anagoo ku amaanayna dadkii isku hawlay habsami u socodka Doorashada iyo dadka reer soomaliland oo si quruxbadan u codaynayey iyagoo nidaamka iyo kala horaynta cod dhiibashada si samir ka muuqdo u watey.Iyagoo si aad ah ugu khushuuc ay sida shacabka reer somaliland u bislaadeen nidaamka dimuqraadiga ah.

Iyagoo Xubnaha Ururku aad uga fiirsanaya waxay xaqiijiyeen in intii ay Kormeerayeen Dooras hooyinka aanay Goob keliya ku arag wax isdabamarin iyo ku shubashotoona,waxayse ka cud ur daarteen inaanay ka jawaabi karin Gobolada qaar sida Gobolka Sool iyo Selel oo intii ayna kasoo dhoofin Somaliland ay maqlayeen Cabashooyin aan la cadayn karin.Waxay kaloo shee geen inay si wanaagsan ula shaqeeyeen Gudiga doorashooyinka Qaranka iyagoo lagu abaal mariyey Ururka qurbajoogtu inuu Doorasho kasta oo Somaliland ka dhacaysa kasoo qayb gal aan iyagoo ka mid noqondoona Goobjoogayaasha Caalamiga ah.

Waxay Xubnahani intii ay joogeen Caasimada Somaliland si gooni gooni ah ula kulmeen Madax weyne ku Xigeenka Somaliland,Wasiirada Arimaha Dibeda,Qorsheynta,Madaxtooyada,Dibud ejint a iyo beereaha.Waxayna si aan lasoo koobi karin uga mahad celinayeen sidii wadaninim ada lahayd ee ay noo qaabileen.


Ururka Qurbejoogta Yurub ee reer Somaliland waxay iyagoo aad uga xun,si tiiraanyo leh uga tacsiyadaynayaan Eheladii,Qaraabadii,Saaxiibadii iyo dhamaan reer Somaliland intii ku dhim a tay iyo intii dhaawac kasoo gaadhay rabshadihii ka dhacay Hargeysa,iyagoo intii dhimatay ilaah uga baryaya inuu janadii fardowsa ka waraabiyo,intii ku dhaawacantayna ilaah uga bar yaya inuu caafimaad degdega siiyo.

Ugu dambeyntii waxay kula talinayaan Dhamaan Ururada Siyaasada inay u  hogaansamaan Sh uruucda dalka kuna qancaan natiijada ay soo saareen Garsoorka Somaliland,waxay kaloo kula talinayaan Qurbejoogta Somaliland ee Yurub inay ka fogaadaan hadalada Colaad abuurka ah, waana inay meel iska dhigaan kala qaybsanaanta iyo Qabyaalada aan dhamaadka lahayn kun a dadaalaan Horumarinta Dalkoodo hooyo.anagoo xasuusinayna inay qurbejoogtu yihiin kuwo hadalkoodu ku weynyahay bulshdeena ku nool wadankii ayna wanaagsan tahay inay ka shaq eeyaan.isusoo jiidka iyo midaynta danta guud,
 



Bashir Tarabi
sleudiaspora@gmail.com