Ururka Samafalka Saaxil Woman UK ayaa xaflad yabooh dhaqaale loogu
ururinaayey Cisbitaaladda Berbera ku qabtay Galbeedka Magaalada
London ( Daawo Sawirada)
London
(TNN)-Waxaa halkaa mahad balaadhan oo
aan la soo koobi-karin looga soo jeediyey Marwo, Hanan Ibrahim , oo
ah Founder Ururka marka la soo gaabiyo (SFSG) in London Uk iyo
Saaxiibadeed Marwo, Sahra oo deeqo farabadan oo hore
gaadhsiiyey,isla-markaana qaar kale oo soo socdaba ku talo-jirta
inay ku wareejis o Ururkan Samafalka Saaxil
Women UK.....
Xil. Ikraan X. Daa’uud (MP).,
Xubin Golaha Wakiiladda Somaliiland ka tirsan ayaa ka hadashay
kulankaasi....
Gabay ku saabsan munaasibadaasi
waxaa soo diray Abwaan Somaliland ah oo
ku sugan cariga Mareykan ka.....
Ka qayb qaata dhakhtarkii berbera yar iyo waayeelba
Ku bixiya maalkiina waa sadaqad dib ugu
aydaane
Ku dhiirada iskaa wax u qabso iyo wada shaqayn
buuxda
ku dadaala dadkii dhimirka waa ina sugaayaane......
...halkaasi waxaa iyaduna gabay
cajiib ah oo ku saabsan munaasabadda ka tirisay abwaanadda
Caasha Luul, isla markaana aad qiimo
badnaa kana hadlaayey Hooyo ilmaheedda ka hadlaysa baahiyihiisa gaar
aaaneed taas oo ula jeedadeedu ku arooraysay ama ku sifeynaysay
hawshan samafalka ee ay munaasibaddu ku saabsanayd....
Waxa habeenkii sabtidii 12March 2011
lagu qabtey galbeedka magaalada London xaflad aad u qurux badan oo
ay soo qaban-qaabiyeen ururka Samafalka Saaxil
Women UK, Kulankan oo ay ujeedadeedu ahayd sidii taa
kuleyn loogu geysan lahaa baahiyaha ka jirta Isbitaalada Magaalada
Berbera,
ayaa Waxaa ka soo qabgalay isla-markaana lagu casuumay in ka-badan
250 xubnood oo ka mid ah haween-weynaha Somaliland UK, kuwaas oo ka
kala socday qaybaha uu ka koobanyahay Carigan Ingiriisku,gaar ahaan
Magaaladda London.
Kulankaasi oo aad u balaadhnaa isla markaana ay soo agaasimeen
Xubnahaasi firfircoon ee Ururka Samafa lka
Saaxil women Uk,kana soo qeyb galeen
Haween-weynaha Qurba-jooga JSL ayaa looga hadlayey sidii gac
an weyn looga geysan lahaa soo kicinta Isbitaalada guud G/Saaxil,
kuwaas oo uu ka muuqdo dayac baahsan ,i sla markaana Taageero
Dhaqaale loogu Fidin Lahaa, si loo Gaadhsiiyo Dadka Jilicsan Ee
Jiifa Cisbitaaladaasi iyo weliba baahiyaha ku xeeran dhismayaasha ay
u hoydaan intaba..
Shirka waxaa furay islamarkaasna daadihaynaayey Marwo,ILhaan Xuseen
Cumar-Joog kana mida xubnaha ururka suurtageliyey qabashada shirkaa
ugu horeyn waxay madasha ku soo dhaweeysey oo ayaado quraan ah iyo
wacdi gaabanba ka jeediyey xubin ka midda haweenkii kulankaasi ka
soo qaybgalay, sheegtayna in ay u hambalyeynayso haweenkii kulankan
iyo hawshan muhiimka ah soo diyaariyey isla markaana ay diyaar u
tahay iyadu lafteedu in ay si weyn uga qayb qaadato ,kana
hawlgaleyso samafalkan ay hormood ka yihiin Ururkan Samafalka ahi.
Intaa dabadeed Waxaa marwo, Ilhaan oo iyadu shirka daadihinaysay ay
ku soo dhaweeysey,Marwo, Naciima Siciid Faarax
(jabali) oo ah Gudoomiyaha ururka Saaxil women UK oo iyadu
ugu horeyn u mahadnaqday hawe enka Qurba-jooga Somaliland ee ka soo
qaybgalay kulankaa iyo aqbalaadii ay ajiibeenba codsigayagiiba
ayu u tidhi, inaad nagala soo qaybgashaan munaasibadan waxaanan
leeyahay haweenka ka soo qaybgalay aad ayaan idiinku
hambalyeynayaa,intaa dabadeed gudoomiyuhu waxay ka hadashay sababta
ama baahida kee ntay in shirkan la qabto,taas oo ay ku
macnaysay inaan ahaano dad gacmaha ishaysta ,isla markaana waxii
baahiyaha jira aan si wada jira uga wada hawlgalno, taas oo ay
faaido badan ugu jirto wadankeena, ayna haboon-tahay in lays
barbartaago hawlaha noocan oo kale ah , waana hawl samafala oo
dhamaanteen ina khuseeya madaama Gobolkastaa oo wadankeena ah waxii
waxtara ee laga sameeyaa yahay wax inaga dhexeeya, Waxaanay sheegtay
ujeedada shirka iyo sababta loogu doortay in shirkan lagu qabto
magaalada London,oo ay tidhi waa barta dadkeena u badan yahay.
Waxaa halkaa mahad balaadhan oo aan la soo koobi-karin looga soo
jeediyey Marwo, Hanan Ibrahim , oo ah Founder
of the Somali Family Support Group (SFSG) in London Uk iyo
saaxibadeed Marwo,Sahra , oo ah hawe enay aad firfircoon isla
markaana ku guulaystay sanadkii 2004 Abaalmarinta ay bixiso Boqorada
ingiriiska dhinaca arimaha Bulshada , (In 2004, Hanan’s hard work
was honored with the Queen’s award for voluntary services in the
community). Marwo, Hanan oo ku deeqday qalab caafimaad farabadan oo
hore la gaadhsiisay Isbitaalada Berbera , isla-markaana qaar kale ku
talo-jirta inay ku wareejiso isla Ururkan Samafalka Saaxil Women UK.
Intaa ka dibna waxaa lagu soo dhaweeyey Marwo,
Foosiya Xasan Xaashi oo halkaasi ka jeedisay muxaadiro
diiniya meello badan taabanaysay gaar ahaana ku saabsan sida
sadaqadu faa,iido ugu leedahay qofka bani,aadamka ah.
Kadibna waxaa madasha lagu soo dhaweeyey Marwo
Nimco Maxamud Good oo ka midda xubnaha Ururka Sa axil
Women Uk ,isla markaana ka mid ahayd asaasihii suurtageliyey
asaasidda ururkan Samafalka Saaxil Wo men UK oo aan ururkani
la,aantood dhismeen, waxayna oo halkaas ka jeedisay khudbad dheer oo
ka hadlaysa ujeedooyinka munaasibadan iyo weliba taariikhdii
dhakhtaradda magaalada G/saaxil ee Berbera ay si kooban uga hadashay
iyo waxyaabaha ilaa hadda u soo qabsoomay ururkooda Marwo,Nimco
waxay sheegtay inay isu xilqameen sameynta ururkan , kadib markii la
arkay baahida loo qabo in wax laga qabto baahiyaha dhinaca
Caafimaadka G/Saaxil , waxaanay ay sheegtay inay marka hore saari
doonaan focuska dhinacyada horumarka iyo baahiyaha jira dhakhtaradda
ku yaalla Magaaladda Berbera.
Marwo Kaltuun Cumar Cali & Marwo, Layla Yuusuf
Shide oo ka midda xubnaha ururka Saaxil Women Uk, ayaa ka
waramay hawsha gudigoodu ay qabteen, ,sababta loo asaasay iyo
baahida keentay ,isla-markaana Waxa sidaasoo kale ku soo bandhigeen
2 cajaladood (video) muuqaal ah oo ay soo kala duubeen kana
waramays ey ama laga soo duubay dhakhtarada ku yaalla G/Saaxil,
waxaanay faahfaahin ka bixiyeen muuqaladaasi ,w ixii ay
indhahooda ku soo arkeen iyo meelaha ay ku saabsanayeen oo dhamaan
khuseeyey arimahan tabaru ca ay wadaan..
Xil. Ikraan X. Daa’uud (MP)., oo Xubin
Golaha Wakiiladda Somaliiland ka tirsan, ugana soo baxday xisbiga
KULMIYE G/Awdal , ayaa ka hadashay kulankaasi ,si aad ahna ugu
mahadcelisay isla-markaana ku amaantay haweenkii ururka Saaxil Women
ee xafladda soo diyaariyey , qirtayna kaalinta wanaagsan ee ay
haweenka Somaliland markasta kaga jiraan bulshadeena, kuna boorisay
haweenkii munaasibada joogay iyo kuwa kalena in si aada looga
qaybqaato hawshan samafalka.
Marwo, Sucaad carmiye Odowaa oo ka mid
ahayd haweenkii ka hadlay kana midda xubnaha guddiga Saaxil Women UK
, ayaa sheegay iyaduna sheegtay in ay tahay muhiim in laga qaybqaato
diiwaangalinta 2011 ee sanadkan (Census 2011) oo 10kii sano mar lagu
qabto wadankan Ingiriiska iyo Waleshka,uuna sameeyo x afiiska
National Statisticcs Uk. ,oo haweenkii goobtaa isugu yimi ku
dhiirigelisay, in marka ay foomka buuxina yaan looga
baahanyahay in aad ku qortaan Somaliland, si loo ogaado awooda ay
shacbiweynaha Qurba-joo ga reer Somaliland ku leeyihiin dalkan aynu
degan nahay ee Ingiriiska,loona cadeeeyo si loo muujiyo cuddada
Somaliland.
Marwo Sucaad waxayn ku buurisey dadkii kasoo qayb galay shirweynaha
in loo baahan yahay in la dadaalo oo gurmad deg deg ah loo gaysto
bulshada ku dhaqan degaanadaas ururku ka hawlgalo iyo guud ahaan
wadankeenaba,waxaana fiican ayey tidhi inaan iska kaashano waxkastoo
aynu qabanayno, tusaale ayey u soo qaadatay haddii aan hirgelino
inaan account isku midda suurta-gelino ,wadajirna wax ku-qabano
waata ugu fiican waayo ayey tidhi marwo, Sucaad waxkasta oo la
qabtaa waxay faai,ido u leeyihiin shicibkii wadankeena ku noollaa.
Waxaa iyadana aanu wareysi gaara la yeelanay Marwo, Ifraax Cheif
Caaqil Jaamac X.Cilmi- oo ka midda Xubnaha firfircoon ee ururkan,
isla-markaa ka qayb lixaadleh ka soo qaadatay Aasaasiddii ururkan,
Marwo Ifraax ayaa ahayd habeenkaasi munaasadu socotay, iyada iyo
Marwo, Seynab Maxamuud Dhoolayare oo iyaduna ka mida xubinaha ururka
(ahna Khasnijiyada Ururka) ayna suurta-geliyeen inay helaan dhaqaale
badan oo ay ugu mahadnaqayaan dadkii ku deeqay habeenka ,Isla-markaana
waxay ku tali-say ku afmeertay hadalkeeddii inay xafladani oo kale
noqoto mid meerto ah kolba halka ku haboon Somaliland .
Gebagebaddii iyo xidhitaankii waxaa marlabaad mahadcelin u soo
jeedisay dadweynihii xafladaasi ka soo qa ybgalay
Gudoomiyaha Saaxil Women UK ,
marwo Naciima ,waxaanay u balanqaaday
dadweynihii xafladaasi ka soo qaybgalay kana qaybqaatay hawlihii
samafalka ee ay wadeen iyo dadkaleba inaan ku tallo-jirno waq tiyada
inagu soo fool leh inaan qabano xaflad tan la midda oo muuqaal leh
oo faahfaahsan , “haddii alle yid haahdo,” oo aanu ku cadeynayno
meelihii ay ku baxeen dhaqaalihii soo xarooday iyo tiradda xadiga uu
noq dayba
Waxaana aanu ku tallo-jirnaa inaanu dirno waqtiyadda inagu soo
foolka leh, wefti u baxa Magaalada Berbe ra soo eega meelaha
ku haboon ee dhaqaaluhu kala galaayo iyo sida ay u kala baahi-badan
yihiin loo gaadh siiyo, waxaanay soo jeedisey in loo
baahanyahay in deeqdaasi la gaadhsiiyo meelaha aasaasiga ah ee u ba
ahan wax laga qabto.
Kulankani ayaa lagu sheegay intii uu socday baahiyaha dhabta ah ee
ka jira Isbitaaladda Gobolkaasi , waxaana Xubnaha ururkaasi ee
kulanka soo qabanqaabiyey soo gudbiyeen in la aruuriyo dhaqaale
taasi oo si guud loogu dayactirayo isla markaana lagu daboolayo
baahiyaha Isbitaaladda Berbera ka jira oo ah mid dhinacyo farabadan
ah,isla markaana lagu sheegay inaan Isbitaaladeena dayactirno oo
baahiyahooda daboolno taasina waxay ku salaysantahay inaan wax
qabsanaa oo isku tashanaa ayey yidhaahdeen xubnihii kulankaasi ka
hadlay.
Kulankan oo khudbadihii laga jeediyey ay aad u farabadnayeen ,,hadana
nuxurka ayaa ku soo arooraayey sidii Dhakhtaradda ku yaalla
magaladaasi oo ay adeegyadooda iyo dhismahooduba aad u liitaan
dhaqaale uruurin loogu sameyn lahaa, oo ahayd xaflad lacag ururin
(fundraising event) loogu talagalay in dhaqaale loogu uruuriyo
dhakharkaasi, xubnahan ka midda ururka Saaxil women UK ee iyagu
munaasibadan qabtay ayaa ahaa haween kadib markii ay soo arkeen
xaalada liidata ee uu ku suganyahay dhakhtardaasi ,Isla markaana ka
dhiidhiyay ,dedaal dheerna u galay inay hawshan dhaqaale uruurintaa
u tafa-xaytaan una soo bandhigaan haweenka Somaliland ee cariga
Ingiriiska kuwaas oo markasta qayb lixaadle ka qaata hawlaha
horumarinta ee wadankooda .
Hadaba ujeedada Munaasibada ayaa ku saleysnayd sidii dhakhtaradda ku
yaalla Magaaladda Berbera loo ho rumarin lahaa, waxna looga badali
lahaa xaaladda hadda ay ku jiraan. Falanqayn iyo dood hore ayaa waxa
laysla gartay in la sameeyo guddi ka shaqaysa horumarinta
Caafimaadka G/.Saaxil.waxaana la aasaasay Badhtamihii bishii May
sanadkii aan ka soo gudubnay 2010,kuwaas oo ugu wanqalay Magaca
Ururka Saaxil Women UK, lagu asaaasay Magaalada London , gudiga ayaa
waxaa ku bahoobay haweenka ka soo jeeda G/Saaxil isla markaana ku
dhaqan carriga Ingiriiska, macnaha weyn loo unkay ayaa ahaa siddii
uu wax uga qabanlahaa baahiyaha caafimaadka G/Saaxil, lakiin dhici
karta mustaqbalka in la kordhiyo si ay, xitaa wax ugu qabtaan
baahiyaha kale ee asaasiga ah ee dadweynuhu u baahanyihiin...
Maamulka Guddida ayaa ka kooban 16Xubnood oo
kala ah.
1. Naciima Siciid Faarax(Jabali)-
Gudoomiye.
2.Layla Yuusuf Shidde –
Gudoomiye-Xigeen.
3. Kaltuun Cumar-
Xoghayn.
4.Khadra Gahaydh-
Khasnaji.
5.Seynab Maxamuud Dhoolayare-
Khasnaji.
6.Sucaad Carmiye Odowaa –
Xubin.
7.Ifraax Cheif Caaqil Jaamac X.Cilmi-
Xubin.
8.Rodda Sh.Maxamuud Gacmo-Dheere-Xubin.
9.Saaddo Maxamed Cali-
Xubin.
10.Amaal Cilmi-
Xubin.
11.Yaasmiin Maxamuud Dhoolayare-Xubin
12.Hibo Axmed Adan-
Xubin.
13.Seynab Ismaciil-
Xubin.
14.Layla Cabdilaahi Ciise-
Xubin.
15.Muna Siciid-Xubin.
16.Nimco Maxamed Good-
Xubin.
Ujeedada gudigan ayaa ah in ay guud ahaan ka shaqeeyaan
horumarinta dhakhtaradda Berbera oo uu
ku jiro Dhakharka Nasashada (Ex- dhimirka) G/ Saaxil.Berbera oo ahaa
dhakhtarka keliya ee Somaliland ka jiray ee xil igii
Ingiriiska , waxaa laynooga baahanyahay ayey yidhahdeen dhamaan
intii kulankaasi isugu timi in aan raadi no dhaqaale lagu
dhiso laguna hagaajiyo baahiyaha ka jira Dhakhtaradaasi .
Waxaa iyana halkaasi gabay cajiib ah oo ku saabsan munaasabadda ka
tirisay abwaanadda Caasha Luul, is la-markaana aad u qiimo badnaa
kana hadlaysey Hooyo ilmaheedda ka hadlaysa baahiyihiisa gaar
aaaneed taas oo ula jeedadeeda ku arooraysay ama ku sifayneyay
hawshan samafalka ee ay munaasibaddu ku saa bsanayd.
"Waxaana aanu ka cudurdaaranaynaa ,inaanay noo suurtagelin inaan
idiin soo gudbino,tixdaa maansada ah ayd qiimaha badan lahayd ee
abwaanada Caasha luul Maxamed Yuusuf ka
tirisay madashaa."
Waxaa iyaduna ka hadashay Marwo, Shuun Adan
oo ka mid ahayd haweenkii ka soo qaybgalay munaasiddaa , taas oo ka
warantahay taariikhdii ay Magaaladda Berbera
soo martay iyo marxaladda ay maanta ku jirto , gaar ahaan dhinacyada
addeegyada bulshadda.
Waxaa kulankaasi gabay ku saabsan munaasibadaasi u soo diray Abwaan
Somaliland ah oo ku sugan cariga Ma reykanka tixdaas oo aad u qiimo
badan , kana hadlaysa hawshan samafalka....
Kelmed muuq leh oo wacan kolkaan anigu
siidaayo
Kaftan maaha ee waa kulayl hadalka aan baanay
kadabkii alle soo diraa, waw diyaar uumiyoo idile
Kuwo debecsan oo Alle(sw)soo diraa kooda meel dhigaye
Kuwo risiqa loo buuxshay, iyo kuwo gaajo la
hagoogan
Kas kuma helaan iyo karti amse garasho roonaane
Waa qayb illaah ku eegayaa adoomaha kii asxaan fale
Kaalmaduna Alle bay u taal oon lagu kadeedmayene
Berbera daayaca ku dhacay waa dhegxumo weyne
Dhedig iyo labood ceebtu waa inaga dhexaysaaye
Dhallinyaro iyo waayeel waa ina dhibaysaaye
Dheg lajaray daloolkaa hadhee aan isku duubnaano
Dhul shisheeye sii dhowrad iyo malaha sii jooge
Dumar iyo dhalaankii berebera cusbitaal mahaystaane
Darxumay lawada tiicayaan tabar la'aaneede
Dadaal bay u wada baahan tahay hagar la'aaneede
Qurbe joogna dumar baa u wacan sebenkan maantahe
Dar alle (sw) talada waafajiyaa wada dadaal weyne
London bay u badan yihiin hablaha tafaha noo xaytay
Saaxil women waa hogaan dumar ka soo mudhaye
Cisbitaalkii berbera waa qaawan yahay dayac daraadiiye
Dib u habayn iyo waxay wadaan inay baahida daboolaane
Dagaal aad culus bay wadaan oon cidi lacag ku siinayne
Derajada allay maalin kale dhereg iyo dheef ka heli xoogle.
Aniguna ducaan idinku ladhay iyo quraanka barakadiisiiye
Waa midaan ku diirsaday dadaalkiinu daacada ilaahe
Dullmi iyo nacayb ilaah idinka dhawr quudhsi iyo ceebe
Diihaal xanuun iyo darxumaa dadkii laysay badidiise
Xanuunada laga bogsoodaa dadkii xaaqay badidoode
Cabiraada dhiiga kolay ku tahay amse macaan sheega
Raajiso malaha iyo dhakhaatiir shaybaarna daaba hadalkiisa
Duray baaba loo dhiman hadaan dadkii daawo lala gaadhin
Hadii gabadh la soo doono oo golaha laysku weydiisto
Oo aqal gal keedii farax iyo ciyaar laga dul boodaayo
Ubad bay filaayeen ee illaah sararahow buuxsho
Sagaalkaa bilood waxay xanuun silicle daaduunto
Wajaafkeeda fooshana kolkay laba bogleeyneyso
Dhakhtar lagu dabiibaa majiro hooyadaa iyo dawo lasiiyaaye
Islaamaa miciinkeedu noqon aan wax tarahayne
Kolkaasay xaawiyo faadumooyda guri waa talo haweeneede
Ka qayb qaata dhakhtarkii berbera yar iyo waayeelba
Ku bixiya maalkiina waa sadaqad dib ugu aydaane
Ku dhiirada iskaa wax u qabso iyo wada shaqayn buuxda
ku dadaala dadkii dhimirka waa ina sugaayaane.
U dadaala berberi waa degel barwaaqeede !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
U dadaala berberi waa degel barwaaqeede !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Abwaan,
Abdirazak yassin Mohamed /USA
Ugu danbayna waxaa shirkii lagu afjaray duco iyo wacdi, waxaana laga
codsaday in haweenkii Qurba-jooga JSL in lays gaadhsiiyo farriinta
ururku in uu helo dhaqaale uu wax kaga qabto baahiyahaas aan kor
kusoo xusnay, ee baahiyaha ka jira xarumahaa caafimaadka, wax
qabadkuna inaga ayuu inagu xidhan yahay waxaana lagu xusay inaan
CIDINA U MAQNAYN, CEELNA U QUDNAYN, markaas loo baahan yahay
in deg deg isagana kaashano si wax looga qabto baahida jirta.
Waxaanu sheegeen in ururinta dhaqaalaha iyagu urur (Xubnaha
Saaxil Women UK) ahaan iska bilaabeen oo hadda gacanta ku
hayaan dhawr kun oo doolar. Waxaanay codsadeen in qofkastaaba uu
baxsho waxii uu awoodi karaayo, si wax loogu qabto dadkaas
tabaalaysan ee aan soo sheegnay.
Kulanka ayaa gaba gabadiisa la isku raacey in si weyn looga qeyb
qaato dayactirka iyo soo kicinta Isbitaala dda ku yaala
Magaalada Berbera, Xubnahan ururka Saaxil Women ee ku nool Dalka
ingiriiska , ayaa ayagu dhowr jeer hore gargaar ah ugu deeqay
Cisbitaalka guud magaalada ee Berbera iyo Xarunta Daryeelka, dad ka
dhimmirka wax ka qaba ee ee xaruntoodu tahay Magaalada
Berbera.,Kuwaasoo Horena Caawimo Wax Ku Ool Ah Gaadhsiiyey
Cisbitaaladda Berbera oo uu ku ks Nasashadda (Ex-Dhibirka) Imikana
Wadanka Uk uga Wadaan OlolahaTaageero ee dhinaca Dhaqaale iyo weliba
Cisbitaalka Berbera, Deeqdahaasi ay direen xubna han haweenka JSL ee
Uk degan ay u soo wakiisheen dad mutawaciina,,isla markaana la
gaadhsiisay ama la gu wareejisay goobihii loogu talo
galay,ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Badhasaabka G/Saaxil ,Gudiga
Caafim aadka G/Saaxil Iyo Maamulka Cisbitaalada Berbera, Waxaana
loogu hambalyeeyey intii ka qayb qaadatay hawshan tabaruca ee ku
saabsan Cisbitaaladda Berbera, qofkastaana Aakhiro iyo Ifkaba waxuu
ku helayaa Ajar iyo xasanaad aan la Qiyaasi karin.
Codsi Samafal:
Fadlan caawi dadkaaga tabaalaysan(
Kuna Jira dhakhtarka)!
Shacabka Somaliland waxaa la gud boon in ay caawiyaan kuwooda
tamarta daran !!
( Hadal lagu yidhaahdo waxaa ugu fiican
SADAQAD la bax,me
el lagu bixiyana waxaa ugu ajar badan dadka tabaalaysan.).
Fadlan ka soo qayb-qaado hadanaad nasiib u yeelan inaad joogto
xafladaas
Ururka Samafalka Saaxil
Women UK
CAAWI
DHAKHTARKAAGA!!!.
DAHABSHIIL account No. HRGD20794.
Fadlan wixii faahfaahin
dheeraada kala soo xidhiidh Teleefanadda UK
07957766576
AMA 07912225289
Warbixinta waxaa sawiradeeda diyaariyey
Shucayb Maxamed
Gurux.
Halka Warbixinta Qoraalkana uu
diyaariyey
Adan Yusuf Elmi,
London
|