Ururka Samafalka ee GARDO oo Dawo iyo Qalab Caafimaad Gaadhsiiyay MCH-ka Geed-Balaadh.
 

 

 

 

Geed-Balaadh (TNN):- Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley isla markaana ah wakiil ka G ARDO ee gobolka Gabiley Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi iyo Ismaaciil Cali Sareeye oo ka mid ah xubn aha ururka Samafalka GARDO ee dalka Ingiriiska ayaa maanta qalab Caafimaad iyo dawo ay ugusoo deeqeen ururka Samafalka ee GARDO soo gaadhsiiyay isla markaana ku wareejiyay MCH-ka magaal ada Geed-Balaadh ee ka tirsan gobolka Gabiley.

Munaasibada lagu wareejinayay Deeqda qalabka Caafimaad ee ururka GARDO ugusoo deeqeen ayaa waxaa kale oo kasoo qayb Galay, Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee GARDO Mukhtaar Maxamed Shiil (Gaboose), Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Geed-Balaadh Cabdi Qalinle Diiriye, Madaxa caafim aadka Dagmada Geed-balaadh Kamaal Dhamal Xasan, Xoghayaha D/HOOSE ee dagmada Geed-balaa dh Maxamed Muuse Shiil, Muna Maxamed Muuse oo ah umuliso dhaqameed tababaran, Aagaasimaha Dhulka ee dagmada Geed-balaadh Ismaaciil Axmed iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley Maxamud Yuusuf Xaaji Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyay qalabka Ururka GARDO ugu deeqeen Xanaanada Degmada Geed-Balaadh, waxaanu sheegay in qalabku iskugu jiro labo qaybood oo kala ah: Boqol iyo Konton (150-Kits) qalabka loo adeegsado umulinta hooyooyinka iyo Boqol iyo Konton Dawooyinka loo isticmaalo dhiig-joojinta.

Maxamuud Yuusuf waxaa kale oo uu Kasoo qaybgalayaasha uga waramay Ururka GARDO isagoo tilm aamay qaybaha ay doonayaan inay wax kala qabtaan MCH-ka Geed-Balaadh, waxaanu yidhi
“Waa urur samafala oo ay smeeyeen dad inaga inalamida oo u dhashay Gobolka Gabiley, taasi oo ay wax soo ururiyaan oo kolba jeebkooda ay wax ka soo ururiyaan, Maadama ayna lacag badan hayn in. Waxaan doonaynaa bal inay wax ka qabato qaybta umulisada oo ah qaybta kaliya ee ugu daran, taasoo khatar ku jirta oo aanay jirin wax qamcaha loo xidho marka qof dumara laga umulnaayo, ta asi oo ay ku isticmaalaan dadka qaar baco qaar kalena ay ku ula tagaan Gamcahooga. Qalabkani Sa ddex nololood ayay mustaqbalkoodii yihiin, oo ay ka mid tahay Ilmaha yar, hooyada, Iyo umulisadii. Seddexdoodiiba khatarbay utahay illahay uunbaa badbaadiya ee meel ay nololi taal maaha. Marka asi waxaan is nidhi boqol iyo konton hooyo iyo boqol iyo konton ilmood iyo boqol iyo konton umuliso aad horta bad baadisaan”

Ismaaciil Cali Sareeye oo ka mid ah xubnaha ururka Samafalka GARDO ee dalka Ingiriiska ayaa isag una ka hadlay muhiimada caafimaadku u leeyahay bani,aadamka, isagoo sidoo kalena ka waramnay taariikhdii sooyaalka ahayd ee ururkaasi sidoo kalena balanqaaday inay marwalba diyaar u yihiin inay gobolka wax ka taraan meelaha ay yaalaan baahiyaha aasaasiga ah.

Ismaaciil Cali Sareeye Waxaa kale oo uu sheegay in ururkoodu yahay mid u taagan wax ka qabasha da xaaladaha caafimaad iyo sidii loo horumarin lahaa Gobolka adeegyadiisa Caafimaad iyo waxbara sho isagoo sheegay in tani ay tahay markii ugu horreysay oo ay deeq qalab caafimaad ah soo gaar siiyaan MCH-ka Geed-Balaadh.

Gudoomiye ku xigeenka Dagmada Geed-Balaadh Cabdi Qalinle Diiriye oo munaasibadaasi ka hadlay a yaa ka xogwaramay baahiyaha haysta Dagmada Geed-balaadh isagoo sheegay inay dagmadu u ba ahan tahay wax yaabo faro badan, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi." Maamul ahaan anagu wixii awoodayada ah waanu qabanaa lakiin Damadu wax yaabo badan ayay u baahan tahay. Dagmadu Malaha cibitaal iyo goobo wax barasho. Waxaa Degmada ka dhisan Saddex Galaas oo la dhi say 1969kii oo ay dawladihii hore dhiseen ayaa dhisan, ardaydiina aad ayay u faro badatay. malaha musqulo, cisbitaal malaha, Umuliso malaha, Saldhig bilays malaha, Dawlad hoose malaha. Ceelashu biyuhu way nagu xun yihiin oo ina loo qodo ayaanu u baahanahay. Markaasi waxaan qurbajoogta iyo Uururka GARDO-ba ka codsanaynaa inay wax nagala qabtaan baahiyaha aasaasiga ah ee haysta Dagmada Geed-Balaadh :" sidaa waxa yidhi Gudoomiye Ku xigeenka Dagmada Geed-balaadh

Gudoomiye Ku Xigeenku waxaa kale oo halkaasi uga mahad celiyay ururka samafalka ee GARDO isag oo sheegay inay qalabkani u baahnaayeen wax badana ka tari doonto baahiyii ka haystay dhinaca caafimaadka gaar ahaan ka umulinta hooyooyinka, Ilaahayna uga baryay inuu maalkooda, camalkoo da iyo caqligoodaba u barakeeyo dadkii kasoo qayb qaatay deeqdaasi.

Ugu danbayntiina Xoghayaha Degmada Geed-Balaadh, Madaxa Caafimaadka Degmadaasi Geed-Bal aadh, Umulisada MCH-ka Degmadaasi ayaa gabogabadii xafladaasi dhamaantood si wada jir ah uga gudoomay deeqda qalabka caafimaad ee ay soo gaadhsiiyeen Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley iyo Xubnaha kale ee ka socday ururka GARDO.

Deeqdan qalabka caafimaad ee ay soo gaadhsiiyeen MCH-ka degmada Geed-Balaadh ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee ururka GARDO soo gaadhsiiyaan, iyagoo hore uga qayb qaadan jiray dhamaan Cusbitaalada Degmooyinka Gobolka sidoo kalena soo ururiyay dhaqaalaha ugu badan ee lagu dhisay Cusbitaalka Guud ee Gabiley.



C/risaaq Axmed Hayaan (ilkacase)
Timacade News Desk
Geed-Balaadh Somaliland
ilkacasenews@hotmail.com