Ururka NOMAD Ee Dalka Holland Garabkiisa Haweenka Ee Hooyo Waa lama-Huraan Oo Deeq Lacageed Soo Gaadhsiiyey Degmeda Geed-balaadh.

 



"Ururka Nomad oo $1500 oo gaadhsiiyey iskuulka degmada Geed balaadh,"Duqa degmada Ge ed balaadh .............. Daawo Sawirro aad u tirro badan


Geed-balaadh (TNN):- Ururka Nomad Ee Fadhigiisu Yahay Dalka Holland Gaar Ahaan Garabka Hooyooyinka Ee (Hooyo Waa Lama-Huraan) Ayaa Deeq Lacageed Soo Gaadhsiiyey Degmeda Geed-Balaadh, Deeqdaasi Lacageed Oo Dhamayd $1500 Oo Dollar Ayaa Ay Sheegeen Inay U gu talo Galeen In Lagu Hirgaliyo Dhismaha Hal Galaas Oo Lagu Kordhinayo Dugsiga Hoose Ee Degmeda Geed-balaadh. Dhanka kale Iyaguna Waxaa Deeq Lacageed Oo Dhan $1300 Oo doll ar Soo gaadhsiiyey jaaliyada Reer Geed-balaadh Ee Ku Dhaqan Dalka Ingiriiska Deeqdaasi Lac ageed Oo Uu Siday Cali Dheere Waxaana Lacagahaasi Si Rasmiya Loogu Wareejiyey Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Black) Oo Isagu Dhamaystiri Doona Wixii ka Dhiman Lacagtaasi Hirgalina Doona Dhismaha Fasalkaasi.

Munaasibadaasi Deeqda Lagula Kala Wareegayay Oo Ka Dhacday Barxada Hore Ee Dugsiga H oose Ee Degmeda Geed-galaadh Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige Oo Kamida Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, Gudoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Daa,uud Axmed faarax, Maayerka Degmeda Gabiley, Shucayb Maxamed Muuse, Taliyihii Hore Ee Qaybta Gobolka Gabiley Ismaaciil rashiid, Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye Oo Kamida Qurba joo gta Gobolka Gabiley Ee Dalka Holland, Cali Dheere Oo Ka mida Qurbajoogta Gobolka Gabiley Ee Dalka Ingiriiska, Xubno Kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmeda Gabiley, Iyo Boqola al Kamida Dadwaynaha Ku Dhaqan Degmeda Geed-balaadh.

Ugu Horayna Waxaa Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey khudbada ka jeediyey ma ayerka degmada geed balaadhan mr cabdi dhiif waxaanu jaaliyada reer Holland ku amaaney sida wanaagsan ee ay marwalba ugu qayb qaataan horumarka degmada geed balaadh,wa xaan jaaliayadaha kale ugu baaqay inay ka qayb qataan horumarka degmada geed balaadh, oo ay ku deydaan ururka NOMAD Ee Dalka Holland.


Xasan yuuusuf warmahey, oo ka mid ah culimadii halkaasi ka hadashay ayaa dadweynaha d egmada geed baladh ku canaatey inay iyaguna ka gaabiyeen waxqabad koodii , qurbajoog degmada geed balaadh u dhalateyna ay ka qaabiyeen, waxaanu u mahadnaqay xaliimo cabdi obsiiye, oo deeqdan lacageed soo gaadhsiisay degmada geed balaadh, waxaanu xaliimo ku am aaney sida ay ugu heelan tahay wax u qabashada deegaankeeda.

Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka daa,uud axmed faarax oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa u mahanqay ururka hooyo waa lama huraa, ee dalka Holland , waxaanu sigaar ah ugu mahadnaqay xliimo cabdi obsiiye oo uu ku tilmaamey rukunweyn ooo usoo kordhay degmada geed balaadh, waxaanu balan qaadey ka wasaarada ahaan inay wixii baahiya ee degmada ka jirta sida ugu dhakhsaha badan uga jawaabi doonaan, waxaanu dadweynaha reer geed balaadh ugu baaqay waxwada qabsi.

Xaliimo cabdi obsiiye oo halkaasi ka hadashay ayaa u mahadnaqadey wasaarada waxbarashada iyo Tascliinta sare ee Somaliland , waxaaney ka dhawaajisay inay deeq lacageed ku wareejineyso maamulka degmada iyo masuuliyiinta, waxaan hadladeedii ka mid ahaa” manta waxaan joognaa degmadii geed balaadh, waxaan ku wareejinayaa deeq lacageed oo ay soo direen ururka Nomad qaybtiisa hooyo waa lama huraan ee dalka Holland, deeqdani waa $1500, waxaanan ku wareejinayaa xildhibaan c/laahi, koley sidii sanadkii hore ma dhisayso fasal ee inta ka dhiman idinka ayaa dhamaystinaya, dhamaan masuuliyiinta dawladana oo dhan, reer geed balaadhna waxana lee yahay muujiya wadjir iyo waxwada qabsi.”


sidoo kalena waxaa deeq soo gaadhsiisay jaaliyada reer geed balaadh ee dalka uk, lacag dh an, $1320, oo loo wakiishay maxamed, isaga oo ku waeejiyey xildhibaan c/laahi iyo maamulka hawshani ay khusayso, waxaanu dardaaran usoo jeediyey dadweynaha reer geed balaadh

Maayerka degmada gabiley shucayba maxamed muuse oo halkaasi ka Hadley ayaa ka dhawaajiyey inay mashaariic horumarineed ka fuliyeen degmada geed balaadh, dhawaan ay kormeer ku mari doonaan degmooyinka gobolka oo dhan , waxaanu u mahadnaqa xaliimo cabdi obsiiye oo deeqdani sidey.

Gabogabdii xildhibaan c/laahi balaaki oo halkaasi kahadley ayaa dadweynaha reer geed balaadh ku canaantey inay baahiyahooda soo gudbin, waxaanu maamulka iyo dadweynaha ka codsadey inay isku duubni muujiyaan waxanu yidhi” maanta farxad weyn ayey ii tahay,inaan deeq lacageed ka gudoomo ururka nomad ee fadhigoodu yahay dalka Holland, runtii waxan u amahdnaqayaa xaliimo cabdi obsiye, oo xilweyna iska saartey horumarinta degmada geed balaadh, wayna ku mahadsan tahay arintaasi, waxaan dadweynaha reer geed balaadh lee yahay qofna adoo meel fadhiya waxa kusiin mayo, ee wixii aad u baahan tihiin usoo gudbiya haayadaha dawlada ee ay khusayso,” ayuu yidhi xildhibaan c/laahi balaki

 


C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland