Ururka
Kavyo Oo Qabtay Xaflad Lagu Xusayey Maalinta
Isbadalka Cimilada Adduunka

Hargaisa ..... Waxaa habeenkii
xalay ahaa lagu qabtay xaflad balaadhan oo lagu xusayay maalinta is
bedelka cimilada aduunka (Word Climate Change Day) magalada hargaisa
.
Xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyarada
mutadawicinta ee KAVYO waxaa ka soo qaby galay dad wayne aad u tiro
badan oo ka kala socday ururada dhalinyarada ,ardyada jaamacadaha ,bulshada
rayidka ah ,madaxda dawlada , asxaabta qaranka iyo culimo awdiinka
magaalada.
Hadaba xafladan oo ah mid sanadkiiba hal mar la xuso kuna began
caawa oo ay bishu tahay oct 24 laga xusana daafaha dunida loona \aqoonsanyahay
maalin caaalami ah, xafladan oo lagu qabtay xarunta Ururka SOCSA eek
u taala xaaf ada 26 june ayaa ugu horayn waxaa halkaas ka
hadlay gudoomiyaha ururka dh ali nyarada ee kavyo C/raxmaan
axmed faarah ugu horayn gudoomiyuhu wuxuu u mahadnaqay dhamaan marti
sharafta ka soo qayb gashay xuskan waxaanu uga mahadceliyay sida
qiimaha iyo qadarinta mudan ee ay u soo ajiibeen ka soo qayb galka
xuskan caalamiga ah, sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu ka wa ramay
xafladan caawa ay isugu yimaadeen iyo qiimaha ay leedahay waxaanu
hadal kiisa ku bilaabay (xafladeenan caawa waxaynu ugu dabaal
dagaynaa maalinta loo aqoonsanyahay in la xuso maalinta is bedelka
cimilada aduunka, waxaynu ka wada war haynaa is bedelka ku yimid
cimilada aduunka taas oo manta dunida si wayn looga hadalhayo shirar
farabadana la iska yimid sidii \wax looga qaban lahaa ,waxaana loo
baahanyahay inaga ka Somaliland ahaan in aynu inaguna dhinaceena ka
shaqayno arintaasi).
Gudoomiyuhu wuxuu aad ugu dheeraaday sidii loogu baahanyahay in
dhalinyar adu ay ka shaqayso deeganka waxaanu ku la dardaarmay
dhalinyarada inay u huraan xoogooda sidii ay uga hortagi lahaayeen
dhibaatooyinka lagu hayo dee gaanka kuwaas oo sababi kara in
dhulkani isku badalo lama dagaan iyo saxaare.
Sidoo kale waxaa isna mikirifonka la wareegay agaasimaha waaxda
deegaanka ee hay’ada ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah ee NERAD
Mudane; C/kariin Aadan cumar wuxuuna ka waramay qiimaha ay
maalintani leedahay iyo sida loo gu baahanyahay in la xuso
waxaanu yidhi
(Runtii maaalintani waa maalin aad iyo aad u qiimo badan taas oo loo
cayimay inay tahay maalinta is bedelka cimilada aduunka,xuskan waxaa
loogu talo galay in lagaga wada hadlo dhibaatooyinka ka jira
caalamka manta ee ay sababtay is bedelka ku yimid cimilada aduunka,
waynu ognahay manta dunidii way sii kulula anaysaa qabawguna
wuu sii faro badanayaa waxa u sabab ahina waa biniaad amka
waxaaana loo baahanyahay in arintaas wax laga qabto oo laga wada
had lo sidii looga hortagi lahaa ) waxaanu intaa ku daray oo uu ku
booriyay dawda wynaha reer somaliladn iyo bulsho wanta
caalamkaba in dhamaantood ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta deegaanka
kana foojignaadaan wax alaale iyo wixii dhibaato u keenaya.
Waxa iyana halkaasi ka hadashay gudoomiye ku-xigeenka Dalada
Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Faysa Aw-Cali, waxaanay ka hadashay
sida loogu baahan yahay in kor loo qaado barnaamiyada lagaga
wada hadlayo deegaanka waxa ana ka soo qaybgalayaasha xafladan
kula dardaaarantay in la joogteeyo barnaa miyada lagaga wada
hadlayo horumarinta deegaanka waxaanay ku dheeraatay sida loogu
baahanyahay in la xuso maalintan qiimaha badan ee laga xuso dunida ,sidoo
kale waxay soo qaaday in ururka KAVYO uu yahay ururka kaliya ee
caawa Somaliland ka xusay maalinta n qiimaha badan taasina ay
muujninayso sida dhalinyartan kavyo oo kale ay ugu heela n yihiin
horumarinta deegaankooda waxaanay u rajaysay guul iyo inay
hadafkooda gaadhaan.
Waxa isna halkaasi ka hadlay guleed xasan dirir oo ku hadalayey
magaca ka soo qayb galayaasha, waxaanu ka hadlay sidas loogu baahan
yahay in la xuso maalintan oo kale, waxaanu bogaadiyey ururka soo
qaban qaabiyey xuskan ee KAVYYO, waxaanu yidhi ( runtii waxa wax
ilaahay loogu mahad naqo ah in dhalinyar sida KAVYO ah oo ka
shaqaynaysa horumarinta deegaanka, runtii waa markii ugu horaysay ee
somaliland laga xuso maalintan, waxanan halkan uga mahad naqayaa
ururka soo qaban qaabiyey xuskan)
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Mukhtaar Cabdi Jaamac iyo
Mustafe Maxamed Xasan, waxaanay xuseen sida looga baahan yahay in
dhalinyartu uga shaqayn lahayd hormarinta deegaan ka, waxaanay kula
dardarmeen ka soo qayb galayaasha xuskan inay weeleeyaan aqoonta ay
ka korodh sadeen barnaamijkan.
Waxa xafladan soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta
Reer Miyiga iyo Deegaanka Mudane Jaamac Maxamed C/laahi (hilaac)
waxaanu agaasimuhu si qotodheer uga hadlay qiimaha ay lee dahay
munaasibadani, waxanu yidhi (marka hore waxa aan u mahad naqayaa
ururka soo qban qaabiyey xuskan aynu caawa joogno, runtii markii
iigu horaysay ee aan ka soo qayb galo xus habeen la qabanayo, waxa
manta dunida si wayn looga hadal hayaa is- badalka ku yimid cimilada
adduunka, inakana saamayn wayn ayey inagu yeelatay, waxaana loo
baahan yahay inaynu ka wada shaqayno sidii aynu uga hortagi lahayn
wax yaalaha dhibaataynaya deegaan keena).
Ugu danbayn Agaasimaha ururka KAVYO, Mudane C/risaaq Xuseen Jaamac ,
waxaanu u mahadnaqay Ururka SOCSA iyo ee marti galiyey Xafladan,
waxa kale oo uu u mahdnaqay wargayska Haatuf oo hadh iyo habeen u
heelan sida uu dha linyada u dhiirgalin lahaa uguna soo qori lahaa
waxqabadkooda, sidoo kale agasimuhu wuxuu u mahadnaqay shabakadaha
waraka ee ay ka mid yihiin (Haatuf..net,
Oodweynenews,Hadhwanaagnews,Ramaasnews,Togaherer,Maroodi
jeex,gabiley iyo cidkasta oo ka qayb qaadata inay baahiso wararka
kavyo.
CONTACT:
kavyo.org@hotmail.com
Axmed Maxamed Shaqale
Xafiiska Murtimaal ee Hargaysa
Murtimaalhargaysa@hotmail.com
|