URURKA ICTRIFAAD-RAADINTA OO LAGAGA DHAWAAQAY DALKA HOLLAND

 


Waxaa magaalada Groningen ee dalka Holland lagu qabtay shir lagu aasaasay ururka la yidh aahdo "Somaliland society in the Netherlands (SSNL) " Kaas oo ka shaqeynaya ictiraaf raadin ta Somaliland (lobby for recognition). 

Shirkani wuxu ka dambeeyey kullammo muddo dheer socday oo lagu baadi goobayey dad aqo on u leh ictiraaf-raadinta oo wakhti u haya sidii looga midho dhalin lahaa arrintaas.

Waxa kullanka soo qaban qaabiyey Haldoorka iyo Aqoonyahannada Bulshada Somaliland ee da lka Holland, kuwaas oo muddo badan ku hawlanaa sidii dadka loogu baraarujin lahaa qadd iyadd da aqoonsi raadinta.

ugu horreyn waxa shirka lagu furay aayado Qur'aan ah, waxaana halkaa laga soo jeediyey wa rbixin ku saabsan qabanqaabaddii iyo heerarkii uu soo maray dhismaha ururkan SSNL.

intaa kadib waxaa la guda galay Ajandihii shirka iyadoo si saraaxad iyo qalbi furnaan ah looga dooday ujeedada loo sameeyey ururkan.  Waxaa shirku si cad hoosta ugu xariiqay in qaddiya d da ictiraaf raadintu aanay ahayn mid ku kooban xukuumadda ee ay tahay mid waajib muq add as ah ku ah qofkasta oo muwaadin Somalilander ah, waxana shirku ku nuuxnuuxsaday in si wa dajir ah looga hawlgalo aqoonsi raadinta, iyadoo laga doonayo in aqoonyahanku xil ga ar ah is ku sii saaraan oo halgankaas iyagu hormood ka noqdaan.

Wuxuu shirku si diirran u soo dhoweeyey aasaasidda ururkan, maadaama ururkani SSNL ka duwan yahay ururadii hore u jiray, oo ujeedadiisu tahay mid ku salaysan sidii dalka aqoonsi loogu heli lahaa.
 
Shirku wuxu baaq u diray bulsho-weynta Somaliland iyagoo caddeeyey in ururkani uu u furan yahay qof kasta oo Somalilander ah, iyadoo dhawaanna la qaban doono shir ballaadhan oo arrimaha ictiraafka lagaga hadli doono.




Gababadii shirka waxa la doortay guddida Fulinta (executive Committee) ee ururka ictiraaf ra adinta hagi lahaa oo ka kooban 5 xubnood oo kala ah:-

1. Ismaaciil Yousuf Farah (Gore)  (Chairman)
2. Abdiaziz A. Mohamoud Ali Shire  (Vice Chairman )
3. Nimo Omar Adan (General Secretary)
4. Fikri Ali  Mohamed (Treasurer)
5. Yakub Adan (Public Relations)


Shirkaas waxaa ka soo qeyb galay qeybaha bulshada Somaliland ee Nederland: sida, aqoonya hannada, wax garadka, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo qaar ka mid ah madaxda urur ada jaalliyadda Somaliland ee gobolada dalka Holland.


Magaca ururka

Somaliland society in the Netherlands (SSNL)
wuxuna xubin buuxda  ka noqonayaa Dalladda guud ee Somaliland societies in Europe (SSE).

Himilada ururka
ujeedada ururku waa ka qeyb qaadashada ictiraaf raadinta 
iyo  in bulshada Somaliland lagu baraarujiyo in doorkooda ay ka qaataan qaddiyadan Aqoon siga.