Ururka Horumarinta Waxbarashada Somaliland ee Qodaal oo Deeq Qalab
Waxbarasho ah Gudoonsiiyay Tuulooyin ka Tirsan Degmooyinka Gabiley
iyo Geedbalaadh.
Gabiley (TNN)-Ururka Dhalinyaradda iyo Horumarinta Waxbarashadda ee
Qodaal ayaa Saaka Qalab Wax-barasho Gudoonsiiyay qaar ka mid ah
Dugsiyadda Degmooyinka Gobolka Gabiley, Qalabkaasi oo isugu jiray
Buugaag, qalimaan iyo Qalabka ciyaaraha oo ay ku jiraan garamaantii
iyo kubado loogu talo galay ardayda inay ku ciyaaraan Wakhtiga
Firaaqadda.
Ururka Qodaal ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Degmadda Geedbalaadh
halkaasi oo ay kulan balaadh an kula yeesheen Ardayda Dugsiga hoose
ee Degmadda Geedbalaadh oo ay Wehelinayaan Maamu lka Degmadda,
Taliska Booliska Degmadda iyo Madaxdhaqameedka Degmada Geed balaadh,
waxaa nay halkaasi Kula dardaraameen ardayda Dugsiga Geedbalaadh oo
ay ku dhiiri galiyeen inay Xoojiy aan Waxbarashadda ka digtoonaadaa
Balwadaha iyo waxyaabaha hakad galin kara.
Gudoomiyaha Degmadda Geedbalaadh Ciise Cabdi Jaamac iyo Maamulaha
Dugsigaasi C/naasir Axm ed Xasan ayaa mahadnaq balaadhan u jeediyay
ururka Qodaal oo deeq qalab waxbarasho soo gaadhsiiyay, waxaa kale
oo ay maamulka Degmadu sheegeen in Dugsigu aanu ku filnayn fasaladdu
isla markaana qabyo ka muuqato dhismaha dugsiga oo ka kooban laba
fasal iyo hal fasal oo Xafiis ah, iyaga oo xusay in aanu dugsigu
lahay Suuliyo iyo xafiisyadii Maamulka, waxaanay ugu baaqeen
xukuumadda iyo Maamulka Gobolku in ay ka hawlgalaan sidii wax looga
qaban lahaa baahiya dugsiga ka muuqda.
Caaqil Maxamed Aw yuusuf Cumar iyo Caaqil C/raxman C/laahi Cali oo
iyagu halkaasi ardayday uga soo jeediyay dardaaran ayaa sheegay in
ay umahadnaqayaan Ururka Dhalinyaradda ah ee Deeqd an soo
gaadhsiiyay , waxaanay ardayda ku booriyeen in ay Dadaalaan oo ay
Mustaqbalkooda aqo oneed dhisaan oo aanay halkaasi kaga hadhin
waxbarashadda.
Maamulka Degmadda iyo ururka qodaal ayaa sidoo kale Deeqo kala duwan
oo Qalabka Waxabaras ho iyo Agabka ciyaaraha iskugu jira
gudoonsiiyay Tuulooyin hoos yimaada Degmooyinka Gabiley iyo
Geedbalaadh kuwaasi oo ay ka mid ahayd Tuuladda Magaalo Xayd,
Gaashaamo, Boodhley iyo Ijaa ra, kuwaasi oo dhamaantood ay ka
muuqdeen Baahiyo dhinaca Fasaladda Dugsiyadda ah oo aad ugu
cidhiidhi ahaa halka Tuuladda Magaalo xayd ay Ardaydu Geed hoostii
ku dhiganayeen, iyaga oo aan haysan Agabka waxbarasho sida kuraasta,
miisaska iyo Samuuraddaha wax lagu dhigo, sidoo kale Ardayda Dugsiga
Magaalada Gaashaamo ayaa ku dhigta Guri kirro ah oo aan lahayn wax
kuraas ah.
Odayaasha iyo Maamulka Dugsiyaadaasi ayaa si guud uga warbixiyay
Baahiyo Baahsan oo ka muu qday Adeegyadda Waxbarasho ee
tuulooyinkaasi isla markaana Wasaaradda Waxbarashadda ka Codsaday
inay ka Caawiyaan Dhismayaasha Dugsiyadda Waxbarasho ee
Deegaanadaasi, dhinaca kale Ururka Dhalinyaradda iyo horumarinta
Waxbarashada ee Qodaal ayaa Balan qaaday inuu Ka Caawin doono wixii
awoodooda ah isla markaana u gudbin doonaan hayadaha Dawlada iyo
Bulshad da kale ee reer somaliland ee ka qayb qaadan karta
Hirgalinta Dugsiyadaasi qabyadda ah iyo kaabista Waxbarashadda
Degmooyinkaasi.
Mustafe Future
|