Ururka Haweenka ee “Hooyo waa Lama huraan” ee Jaaliyadda Somaliland
ee Holland oo Deeq gaadhsiisay Cisbitaalka Dhimirka ee Berbera

Berbera (TNN) Waxa manta deeq caawimo ah soo gaadhsiiyay
cisbataalka dhimirka ee magaalada berbera urur haween Oo kamida
jaaliyada Somaluiland ee dalka Holand ururkan haweenka ah oo lamagac
baxay (Hooyo waa Lama huraan)isla markaana qeyb ka ah urur weyne ay
magaiciisa ku sheegeen(Noomaad)oo ay ku Bahoobeen dhamaan jaaliyada
So maliland ee dalka Holand waxaana ururkan haweenka ah Hogaaminaayay
Agaasimaha guud ee Wasaarada kaluume ysiga iyo khayraadka bada
Cabdiraxmaan Cawil Xassan oo isagu gadhwadeen u ahaa islamarkaana ku
soo dhaweeyay ururkan dalka Waxaanay Ururkan haweenka ahi ugu
deeqeen cisbataalka dhimirka ee berbera lacag kharasha oo ay ugu
tala Galeen in dadkaa ilaahay xiskooda ka qaaday wax loo siiyo oo
dhameyd(2500.$)dollar iyo agabka Cuntada lagu kariyoo iyo weelka
cuntada lagu siiyo oo dhameystiran waxa kaloo ku jiray deeqda ay ugu
Deeqan cisbataalka dhimirka ee berbera ururkan haweenka ahi hal TV
oo ay ugu talagaleen in isna lagu Maaweeliyo waxa kaloo isna deeqdaa
kamid ahaa taagi weyn oo qaada(20 foosto)oo biyaha ay ugu talageen
in loogu keydiyo dadkaa xiskooda ilaahay ka qaaday ee lagu
daryeelayo xaruntaa loogu talagalay ee berbera waxaana deeqdan manta
ay ururkani ku wareejiyeen gudoomiyaha gudida Dhakhtarka magaalada
berbera Sheekh Mustafe Cali Cumar iyo masuuliyiinta cisbataalka
dhimirka ee berbera oo iyaguna goobjoog ahaa.
Haddaba ka hor intii aanay ururkan Hooyo waa lama huraan wareejin
deeqdan ay ugu talagaleen dadka Xiska waxa u ga dhiman yihiin ayaa
waxay kormeer ku mareen dhamaan qeybaha uu ka koobanyahay
Cisbataalka dhimirka ee maga alada berbera waxaana goobkasta ururkan
haweenka ee deeqda usiday Cisbataalka warbixin ka siinaayay
Gudoomi ya ha Gudida Cisbataalada magaalada berbera Sheekh Mustafe
Cali Cuamar iyo masuuliyiinta oo kamida ahaa Dr Cali Aad an Waceys oo
isagu ah maamulaha Cisbataalka dhimirka berbera waxaanay
masuuliyiintaasi ururkan haweenka ee uu horkacaayay Agaasimaha guud
ee wasaarada kaluumeysigu usheegeen in cisbataalkan uu yahay mid ku
furan Kaalama da ay siiyaan dadka ku dhaqan dalka gudihiisa iyo
debediisaba iyaga oo sheegay in ay Kaalamada ugu badanina uga
timaado dhinaca jaaliyadaha debeda ee Somaliland oo uu sheegay
Sheekh Mustafe Cali Cuamar in ay dadka deeqaha uga soo keena debeda
ay ubadan yihiin haween isaga oo intaa kudaray in ay haweenku yihiin
qaar ka naxariis badan raga sababtoo ah ayuu yidhi haweenku Waa
Hooyo hooyaduna waa nolosha asaaskeeda koowaad isaga oo intaa
kudaray in deeqdan ay imika ukeeneen ay tahay mid aad umihiima gaara
ahaana waxa uu ka xusay waxa yaabaha ugu mihiisan taagiga biyaha
waxaanu gudoomiyaha gudida dhakhtarada berbera Mustafe Cali Cumar uu
Umahad Celiyay ururkan haweenka ee ugu soo boqoolay dalka holand
sidii ay deeqdan ugaadhsiin lahaayeen Walaalohooda maskaxda ka jiran
kadibna waxa isna halkaa ugu mahad celiyay ururkan haweenka ee
Noomaad qeybtiisa hooyooyinka ee Hooyo waa lama huraan agaasimaha
Wasaarada kaluumeysiga iyo Khayraadka bada Cabdiraxmaan Cawil Xassan
waxaana hadaladii agaasimaha kamida ahaa:
”Marka hore waxa aan umahad
celinayaa ururkan haweenka ee Hooyo waa lama huraan ee walaaladooda
xanuunsan aya deeqda ugala soo boqoolay wadankaa Netherland ee aynu
ognahay masaafad a uu inoo Jiro waxaanan leeyahay waad ku mahad
santihiin deeqdaa aad walaaladiin ugu deeqdeen waxaanan leeyah ay
halkii ad ka soo saarteen xasa naad ilaahay ha idiinku bedelo waxanan
leeyahay deeqdiina Halkaa haku joojininee wixii aad ugu deeqii
kartaan dadkiina iyo dalkiinaba waa laydiinka fadhiyaa waana waajib
ina wada saaran. Kadibna waxa iyaduna halkaa ku sharaxday deeq dan ay
sidaan ee ay ugu deeqayaaan dadka maskaxda ka jiran gudoomiyaha
ururka haweenka ee Hooyo Waa lama huraan Marwo Foosiya Maxamed
Xassan waxaana hadaladeedii kamida ahaa”Horta waa waajib in keena
Xanuunsanaya aynu caawino wixii aynu kari karnana aynu ugu deeqno
anaguna waxa aanu wadanka Unimi in aanu ka qeyb qaadano deeqaha la
siinayo dadkaa ilaahay xiskooda ka qaaday waxaananu Manta halkan ku
sidnaa dhamaan qalabka maacu unka raashinka lagu kariyo oo
dhameystiran macaa Weelkii cuntada lagu siinayay iyo taangigii
biyaha oo labaatan foo sto qaadaya waxa kaloo iyana aanu Sidnaa hal
television oo aanu isna ugu talagalay in dadkaa lagu maaweeliyo
ileen waa dad iska xidhane Si Aanay xabsi u dareemin waxoogaa
kharashana waanu usidnaa goobtana waxa ka muuqata in ay tahay Meel
aad looga shaqeeyay oo habeysan runtiina marka aanu eegnay
istoodhkooda iyo sida dadka loo darye elayo waa meel dadka lagu
xanaaneeyo oo wanaagsan waxaananu jece lahay in aanu markasta ka Qeyb
qaadanao wixii tabarucaada ee loo geysanayo dadka buka waxaanay ugu
danbeyntii ay gudoomiyaha ururkani Hooyo waa lama huran umahad
celisay agaasimaha guud ee wasaarada Kaluumeysiga iyo khayraadka
bada oo ay sheegtay in aanay la,aantii waxba usuuragaleen. Waxa
kaloo Iyana halkaa ka hadashay Ciba ado Xirsi Warsame oo kamida
ururkan Haweenka ee Hooyo waa lama Huraan iyada oo halkaa waxaanay
sheegtay in caawimada dadka xanuunsanayaa ay tahay waajib iyada Oo
sheegtay in aanu ilaahay caafimaad u waayine laynagu eegayo waxa
kaloo ay intaa kudartay Cibaado In ay deeqdoodani aanay noqon doonin
tii ugu danbeysay ee ay wixii ay karaan ugu soo deeqi doonan
Walaalohooda dhimirka ka buka ugu danbeyntiina waxay Cibaado umahad
celisay agaa simaha guud ee Wasarada kaluumeysiga iyo khayraadka bada
oo ay sheegtay in uu siwaanagsan usoo dhawweyay Mudadii ay dalka
joogeen hawlo badana uu la soo qabtay.
Magacyada haweenka ururkan Hooyo waa lama huraan ee deeqda soo
gaadhsiiyay Cisbataalka Dhimirka ee magaalada berbera.
(1)Foosiya Maxamed Xassan
Gudoomiyaha ururka Hooyo waa lama huraan
(2)Kinsi Yuusuf Nuur
Xubin
(3)Adna Aadan Ismaaciil
Xubin
(4)Cibaado Xirsi Warsame
Xubin
(5)Foosiya Muuse Xubin
(6)Halgan Maxamed
Xubin
|