Ururka Gardo oo Deeq Lacageed oo dhan $75,000 Gudd oonsiiyay Guddida Horumarinta Gobolka Gabiley si loogu dhamaystiro Dhismaha Cisbitaalka Gabiley:-

 


Hargeysa(Timacade News)-Ururka Qurba-jooga Reer Gabiley ee Gardo ee uu fadhigiisu  y ahay Dalka Ingiriska ayaa Maanta Deeq Lacageed oo dhan $75000 ku wareejiyay  Guddi da  Horu ma rinta Gobolka Gabiley si loogu dhiso Qaybta Labaad ee Dhismaha Cisbitaalka  g uud ee  Mag aalada Gabiley. Deeqdan Lacagta ah oo uu siday Guddoomiyaha Ururka  Qur bo-jooga ee  Gar do Dr. Maxamed Cali Hurre ayaa uu guddoomay Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolka Sheekh Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi. Waxana kala Wareega  Laca gtan loo sammeeyay  Xaf lad balaadhan oo saaka lagu qabtay Xarunta Cisbitaalka guud ee Magaalada Gabiley.

Xafaladan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ka soo qayb  gala y Guddoomiyaha  Gobo lka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib), Maayarka Gabiley Aaden Muxumed Badde, ku Xigeenka Maayarka Khadra Xaaji Gaydh, Guddoomiyaha  Gud dida Horumarinta Gobolka  Shee kh Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi, Xildhibaano ka socday Aqalka Wakiilada oo ay ka mid  ahaa yeen Ibraahim Axmed Haybe iyo Xasan Cawaale  Cay naan, koox dhakhaatiir ah oo uu Hor  kac ayay Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali(Culimo), Isku duwaha Wasaarada Caafimaadka ee  Gab iley Dr. Axmed Nuur, Haween ka socday Ururka Wadaniga Haweenka ee Maandeeq, Aqoonya hano iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.


Sheekh Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi oo ah Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolka  Ga biley oo isaguna ka mid ahaa Masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa si wayn ugu wayn  Maha dnaqay Dhammaanba Dadkii kala duwanaa ee ay ka qayb qaatay Hir-galinta  Cisbit aalka guud ee Gabiley, gaar ahaan waxa uu si wayn ugu mahadnaqay Ururka Qurbo-joo ga Gabiley ee Gardo. Waxa kale oo uu yidhi Guddoomiyuhu “ Hadii Horumar loo dhaqaaqo waxyaabaha ugu adag ayay ka mid tahay. Cisbitaalka guud ee Gabiley ayaa mar hadii ay baahidiisu badan tahay ayaanu target-ka koowaad ka dhigana

Dhakhtarka, Jaamacada iyo Biyaha Magaalada. Wax badana waa ku guulaystay

Maraxaldihii kala duwanaa ayaa uu ka waramay, Dalka markii la soo galay, dhakhtarka   w aa burbursanaa waatii oo ay ogaydeen in meesha uu ku yaala Tiin badan. waxa ugu  hor ayn Dhakhtarka qayb ka qaatay , Dallada Maandeeq, Hay’ada UN Habitat oo ay weheliso Dawlada Hoose. Waana Mashruuca lagu fulliyay Dayrka Cisbitaalka. Kaasi oo ay ku  bax day $24413. lacagtaasi $15000 oo ka mid ah waxa bixiyay UN Habitat ayaa bixisay $5000 waxa bixisay  wa xa laga soo ururiyay, $2553 waxa bixisay Dawlada Hoose ayaa ku dartay $1860 Dallada  Maa ndeeq ayaa bixisay.”


Guddoomiyuhu waxa kale oo uu xusay meelo kale oo wax laga qabtay tan iyo intii ay  Gud  dido odu jirtay meelo kale “ Tiinkii ka baxay Goobta Dhakhtarka iyo Dadkii Deganaa oo dhib badan lagala kulmay ka sifayntooda, hawshaasina aad ayaa loogu guulaystay oo waa  ta asi aydun arkaysaan maanta, inkasta oo ay wax badani hadhsan yihiin oo barxada hore ee Cisbitaalkaba in laga hadlo ay tahay hadana, Dhismaha Cisbitaalka waxa xallaaleeyay waa Dayrka.”

Waxaanu intaasi ku daray “ ka dib Ururka Gaardo UK ayaa laba Qol u dhisay Cisbitaalka  kuw aasi oo ay ugu tallo galeen X-RAY(shaybaadh) oo ay ku baxday kharash dhan $3594. ka dib waxa la dhisay Laba Waadh kuwaasi oo ay dhistay Dawladu gaar ahaan Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Hudda Barkhad Aaden lacagtaasi oo ahayd contribution. Waxa ku xigay laba waadh oo kale iyo Xafiisyada Cisbitaalka oo ay bixiyeen kharashkiisa Bisha Cas ee Imaaraadka lacagtaasina waxa uu qadarkeedu ahaa $90.000.”

Sheekh Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi, Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolku waxa uu si kooban u sharxay ujeeda maanta la iskugu yimid “ Mudadaa dheer Cisbitaalka Lacag ayaa loo ururin jiray, Lacagtaasi loo ururinayay ee ay Dadka dibadu ururinayeen ayaa  hawl  bad an ahayd. Maanta Ururka Gardo waxa uu sidaa $75000 taasi oo lagu bixin doona qaybta  laba ad ee Dhismaha Cisbitaalka.”

Guddoomiyuhu waxa uu si wayn ugu mahad naqay Ururka Gardo, Golaha dhexe, Gole  Hoosaad kooda iyo waliba Guddida Haweenka ee Gardo oo dhaxanta iyo Barafka u socon jiray Hadh iyo Habeen oo ginni ginni u soo ururiyay Lacagtan. Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu u mahadnaqay Guddida Cisbitaalka oo iskugu jira Xubno dhallasho ahaan Deegaanka ka soo jeeda iyo Xubno kale oo aan u dhallan oo iyaguna Gaardo ka mid ah. Guddida  Odaya asha Cardiff dedaalkii ay u galeen soo ururinta Lacagtaasi. Guddida Odayaasha Bristol oo iyaguna lacagta ugu  wanaagsa n soo ururiyay. Sidoo kale waxa uu u mahadnaqay  Odaya asha Magaalooyinka Milton Keyne iyo Xaafadaha Wembley Peak iyo Wembley Central. Waxa kale oo uu Sheekh Maxamuud u  ma hadnaqay Jaaliyadaha Reer Somaliland ee ku dhaqan Canada, USA, Sweden,UK iyo shaqsiyaadka kale ee iyaguna dhaqaale ururintaasi ka qayb qaatay.


Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib) oo halkaasi ka hadlay  a yaa si wayn ugu Mahadnaqay Madaxwaynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo  Mar wadiisa Marwo Hudda Barkhad Aaden doorkii ay ka qaateen Hirgalinta Dhismaha  Cisbitaa lka Gabiley. Waxa kale oo uu u Mahadnaqay jaaliyadaha Kanada iyo Swededn, Dr. Saciid oo kalidii  Maray kan lacag ka soo diray isaga oo fagaarahaasi ka sheegay in ay Maamul a haan Shahaadooyin guddoon siin doonaan.


“Guud ahaanba waanu isku duubanahay oo ka midaysanahay horumarinta Gobolkaj, raj ana ka qaba in ay wax waliba hagaagi doonaan. Danta Ummda, dadkii dibadu ayaa gabay oo aan ka hagar bixin in ay gacan ka gaystaan Horumarinta Gobolka.” Ayuu  Guddoomiy uhu yidhi.  Waxa anu intaasi sii raaciyay in qof kastaa uu xor u yahay Xisbiga uu rabo hasa ahaatee, ay muhim tahay in laga midaysnaado dhinaa Horumarka.


Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Dallada Dhallinyarada Somaliland ee Sonyo Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali(Culimo) oo si wayn ugu mahadnaqay dhammaanba cid kasta oo gacan ka gaysatay hir galinta Dhismaha Cisbitaalka. Waxaanu tilmaamay in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin. Dr.Culimo waxa uu xusay in ay muhim tahay in  Cis bitaalka la furo oo aan la isla sugin inta uu ka dhammaanayo.


Guddoomiyaha Ururka Gaardo Dr. Maxamed Cali Hurre oo ah Guddoomiyaha Ururka  Gaar do ahaana Masuulkii Lacagta siday ayaa hadal dheer oo aad u qiim badan halkaasi ka  jee diyay. Waxa uu Dr. Maxamed aad ugu Nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay wax wada qabsigu iyo sida loogu baahan yahay iskaashi laga sammeeyo dhinaca Horumaka. Waxa uu tilmaamay in Dadku ay ku kala duwan yihiin dhinaca wax bixinta oo ay jiraan Dad badan oo u dhashay  Gobo lka waxna aan ku darsan marka loo ururinayo Dhaqaalaha lagu dhisayo Gobolka.  Guddoomiy uhu waxa uu aad iyo aad u ammaanay Guddida Horumarinta Gobolka kaalinta ay kaga jiraan Horumarinta Gobolka. Waxa kale oo uu aad u ammaanay Ururka Gardo sida Xilkasnimada leh ee ay hawshooda u gutaan.



Waxa iyaguna hadalo kala duwan oo iskugu jira Mahadnaq, Ammaan iyo Dhiiri-galinba leh  halk aasi ka jeediyay Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Maayar Gabiley  Aaden  Muxu med Bade, Xildhibaan Ibraahin Axmed haybe, Chief Caaqil Cabdi ciidle iyo Isku  d uwaha  Was aarada Caafimaadka Gobolka Dr. Axmed Ismaciil nuur, waxaanay  dhamma  a ntood ka  waram een faa’iida ay leedahay wax wada qabsigu iyo sida loogu baahan  yah ay in iskaashi dhab ah loo sammeeyo si Horumar balaadhan oo la taabsan karo loogu  tall aabsado. Waxa ay  dhamm aantood u Mahadnaqeen Ururka Gardo iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay Dhismaha Cisbitaalka.

Maalinta bari ah ee Sabtida (manta) ayaa la dhagax dhigi doonaa Qaybta cusub ee Cisbitaa lka.

Source:Gabiley News