URURKA GAAROODI OO SHAHAADO GUDOON SIIYEY GENRAL C/LAAHI KAAHIN XAFLAD LAGU QABTAY AMABASIDOR HOTEL
 


Hargeysa (Longlivesomaliland News) -Xafladd lagu maamuusayay General Abdillahi Kaahin Yusuf ayaa lagu  qab tay Hotel-ka Ambassador. Xaflad oo ay soo agaasimeen Ururka wadaniga ah ee Haerdo ( Gaaroodi) ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiro Mayer ka Caasimadda Xildhibaano Qurbajoog madax-Dhaqameedyo Ururka Aqoonya hanka  wada niga ah ee Guryosamo Shahaadada la gudoonsiiyey Mudane Abdillahi Kaahin ayaa ahayd doorka wax ku oolka ah ee uu ka gaysto dhinacyada waxbarashda , Caafimaadka iyo ka qaby galka dhamaan camalada Kha yriga ah ee Dalka.

Xafladan ayaa waxa goobjoog ka ahaa hadalana ka jeediyay wasiirka Beeraha Mudane Aadan Dhoolayare  isag oo  she egay in dalku maanta marayo meel wanaagsan dadkuna ku baraarugsan yihiin maamusida dadka wax u qabtay oo ah dariiq wanaagsan.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Ali Axmed Maxamed (Ali Sanyare) ayaa ka  wara may taariikhda wanaagsan ee Abdillahi kaahin ku leeyahay Bulshada , kuna booriyay in lagu daydo dadka  wanaa gsan, laguna dhiirigeliyo waxqabadkooda ummada wax u  taraya, halkii lagu mashquulsanaan lahaa dhaleecayn iyo isku  foog naanta.

Mayorka Caasimadda Hargeysa Eng Xuseen Maxamed Jiciir, ayaa ka warbixiyay doorka ay maanta dadku  mara yaan inuu yahay mid la mahadiyo isagoo sheegay in nabada ay maanta dadku uga lexejecla badan yihiin ayna ogaadeen in cidda wax lumayaan ay iyaga tahay, waana mid lagu faani karo . Isna sidoo kale waxuu ka warbixi yay waxqabadka wanaagsan in la mahadiyo goob iyo goor kasta oo la joogaba.

Dhinaca Hogaamiye Dhaqameedka oo uu u hadlay Caaqil Cabdi Wali Jaamac ayaa waxa hadaladiisa ka mid  ahayad  doo rka Mudane Abdillaahi Kaahin ku leeyahay kor u qaadida hawlaha waxtarka u leh dadka Iyo Dalka inuu sharaf ku  leeya hay meel kasta oo uu joogo Sidoo kale in Odayaal dhaqan ahaan amaan iyo sharaf badan ay u hayaan Mudane C/laahi Kaahin ,Ninka warkiisu ku deeqo weedhiisuna ku deeqdo.


Gabagabadii waxa shahaado lagu maamusayo gudoonsiiyay Generalka Wasiirka Qorshaynta Ali Ibrahim Maxamed , Gud oomiye Kayse Haybe iyo Gudoomiye xigeenka ururka Gaaroodi C/Kariim Ahmed Mooge.

Gabagabadii waxa Ka hadlay General Abdilahi Kaahin oo sheegay in maamuska loo sameeyay uu ka mahad celina yo , waxa uu qabtayna uu yahay oo kaliya in waajibkii saarnaa ee shakhsiyadeed uu fuliyay mahada balaadhan u jeedinayo Ilaahay kadibna shahaadadan uu u qaaday dadka  suurageliyay inay qabsoomaan hawlaha uu u kaco, la’aantood-na aanaysuuro galeen qabsoomidaas.

Dhamaan Dadkii ka hadlay xaflada ayaa ku dheeraaday taariikhdii wax qabad ee Genral Abdilahi Kaahin Yusuf , ha  ah aato Waagii Wakhti Ay jirtay Wixii la isku Odhan Jiray Jamhuuriyadda Somaliya ,Wakhtigii halgankii SNM, dib u dhiskii dalka iyo mashaariicda horumarineed.

Qof kastaa wuxuu Genral Abdilahi u qiray inuu yahay halyay lagu dayan karo, Oday Hogaamiye ummaddeed, iyo abaabule aan daalin.

 

 



By:Maxamed Yusuf