Ururadii siyaasada oo noqday goobta qabyaalada+kalaqayb sanaanta kutimi shacabka Somaliland


 

 

Ugu horayn waxaan salaamayaa dhamaanba umada muslimiinta ah waxaanan sigaara usalaama yaa dhamaan umada reer Somaliland meelkastoo ay aduunka joogan ,iyo dhamaan saxaafada Somaliland ee markasta kuheelan dar dargalinta fikradaha shacabka.

Hadii aan udiga rogto ujeedada qoraalkayga waxaan saaka qalinka uqaatay in aan wax ka idhaa hdo Ururada Siyaasada ee baryahan danbe hadal hayntoodu ku badantahay shacabka Somalila nd kuwaas oo aad maqlayso iyadoo maalin kasta la hadal hayo qoraalada ugu badan ee ay war baahinti qortaana ay tahay wararka arimaha ururada.

Sida aynu la soconaba madaxwaynaha ayaa ugu balanqaaday in uu ufasixi doono in ay umadu fu rato ururo siyaasadeed balse waxaan odhan karaa waa dhibaato uu u horseeday shacabkiisa ,w aayo waxay iminka isu badaleen arimo Qabyaaladeed kuwaas oo aad markasta maqlayso dhaliny aradii,waayeelkii,iyo dhamanba umada oo ku sheekaysanaysa waxaynu ku biiraynaa Urur Hebel oo waa ina hebel taasina waxay meel kaga dhacaysa sharafii iyo karaamadii umadu haysatay.

Hadaba mudooyinn badan ayaan isku dayay in aan wax ka ogaado arimahan oo aan xqiijiyo waxa anan lakulmay mid kamida dhalinta ugu cad cad Somaliland ,waxaanan waydiiyay ka waran urur adan kee ayaad ku jirtaa wuxuuna igu jawaabay........,oo anigoo inaadeerkay helaaya maxaa me el kale i gaynaaya,waxaan ku idhi xaajadu siyaasad ayay ahayd ee ma Qabiil Qabiil ayaa loo bada lay , wuxuuna k ujwaabay,hadii aad rabto in aad urur ku biirto , doono midka ku xiga.



Waxaan aad ula yaabanahay in umadii ay maanta ku dhex faaftay waxa layidhaahdo qabyaaladu taas ooo curyaamin doonta hadii aany kajoogin ,inkastoo ay hore ujirtay taas ayaa hadana soo xoogaysatay oo noqotay mid aad loo daneeyo,ra yi ahaan waxaan umada u soo jeedin lahaa in ay ka fogadaan hadii ay doonayaan in ay guulaystaan,ayna noqdaan kuwo is garabsada,waao hore ayaa looyidhi:

Dugsi maleh qabyaaladi,

Waxay dumiso mooyaabe

 



Wa bilaahi tawfiiq

 

 

 

 

 

Qalinkii:Nafisa Xaaji {kalgacal}
xaqiijiwadaniyada@hotmail.com