URUR SIYAASADEEDKA XAQSOOR OO XAFLAD KU QABSADAY WADANKA SUUDAAN

 

 

Khartum (TNN)- Munaasibad loogu talagalay Maalinta Labaad ee ololaha Urur Siyaasadeedka XAQSOOR ayaa ka dhacday caawa magaalada Khartoum ee Dalka sudaan isagoo xisbigan laba dii cisho ee xisbigu lahaa ololaha muujiyay taageero laxaad leh waana xisbiga kaliay ee sameey ey taagero laxaadleh suudaan iyadoo wax xisbiaya anay suudaan ka samayn ololaha lagu taag eerayo musharixiinta gololaha deegaanka . Xafladan oo Farxad iyo Taageero Umuujinta Ururka XAQSOOR ayaa ahayd mid ay Goobta soo buux dhaafiyeen Taageerayaashiisha iyo Marti sharaf kaleba.

Kulankan Dabaaldaga iyo Taageero muujinta ayaa ku bilaabmay Jawi aad u dagan oo ka qayb g alayaasho inuun jeclaayeen inay arkaan barnaaminta uu ku hilan yahay. Waxa ugu horeyn lagu furfuray ayaadka Quraanka Kariimka ah waxana Akhriyay Mohamed Abdirahman. Kadib waxa Kalmada Furitaan Jeediyay shabcaan Mohamed Hersi, isago ugu horeyn uga mahad naqay Siday isku soo Abaabuleen ee ay calamada iyo Astaan Ururka ugu soo labisteen waxana si gaara ugu mahad celiyay Marti sharafta soo maamuustay .

Waxa isna hadlkaasi hadal kooban oo Nuxur qoto dheer ka jeediyay Xog-haya Urur Siyaasadeed XAQSOOR ee Sudan, Mud. Hussein Mohamed Abdillahi, waxana hadalkaa uu jeediyay Koobsanay ay Ururku Horumarka uu sameeyay Mudadii uu Jiray, XAQSOOR IYO Siyaasadiisa Golaayaasha Deegaanka waxa kalo Mr. Hussein ku dul istaagay Waxyaaba uu Urur siyaasadeedka XAQSOOR kaga gaaryahay Urur Siyaasadeedka kale iyo 2 Xisbi qaranba, waxana Mr. Hussein yidhi “Xaqso or waa ururka kaliya ee soo bandhigay Habkii lagu gaadhi lahaa Cadaalad Sugnaata, Maqnaas ha Mushaarikada Deegaamada Barigu waxay kala dhantaalan ka dhigaysaa Midnimo qaranka Somaliland, Taasna XAQSOOR ayaa u diyaarsan Mid dawaynaya”

Waxa kadib halkaa lagu soo bandhigay Gabay aad u xikmad badnaa oo dhaga iyo dareen ka soo qayb galayaasha soo jiitay, kaasi oo abwaan Cali Maarshaal uu u sameeyay XAQSOOR. Iyo projector macno wayn siday oo XAQSOOR iyo guulaheeda laga daalacday.

Waxana isna Si maamuusa loogu soo dhaweeyay Mud. Abdifatah Hussein Jamac oo ah Xoh-hay aha Guud ee ardeyda Soomaaliyeed, oo isna tilmaamay inuu soo dhawaynayaan Taageerada aan qarsoomayn ee Xisbiga XAQSOOR ku dhexleeyahay Ardayda wax kabarata wadanka Suda n. Waxa isna Kalmad qiime iyo qaayo leh kasoo jeediyay Munaasibada Xaflada XAQSOOR, Mud. Jamac Moxamed Adan oo ah Gudoomiyaha Ardeyda Somaliland ee Sudan. Waxa hab maamuus leh loogu soo dhaweeyay Microfonka oo kalmad uu ku nuuxnuuxsada ka jeediyay Gudoomiye Kuxigeenkii hore ee ardayda Somaliland ee Sudan. Mud. Saed Abdillahi oo ah Gudoomiyaha ururka UNUGA WADANIYADA SOMALILAND ayaa isna ku hadlay afka kazoo qayb galayaasha Munaasibad taageeri muujinta Urur siyaasadeedka XAQSOOR.

Dood ku saabsanayd GOOLAYAASHA DEEGAANKA oo su`aalo qiime badan xanbaarsnayd ayaa intaba lagu xaqiijiyay in hadii uu xaqsoor soo baxo macquul ay tahay in Goole taye leh la helayo, sababtana waxa ay sheegeen xisbiga oo soo xulay dad aqoontii magaalo leh.

Gabagabadii Munaasibada waxa soo afmeeray Munaasibada oo kalmad Nuxurkeeda leh soo jeed iyay Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka XAQSOOR ee Sudan. Mud. Abdinaasir Ibrahim Ducaale ( Cawke). Uu ku baaqay inay taageera siiyaan xisbigan miisaamay Bari iyo Galbeedba kazoo ah XAQSOOR, waxa kale oo uu gudoomiye cawke intaa ku daray wax kaliye ee manta ka maqan soomaliland inay tahy ictiraaf , xisbigana waa xisbiga kaliya ee keeni kara ictiraaf waayo waa xisbi lagu midaysan yahy bari iyo galbeed gudoomiyuhu isagoo bartaa ka soo jeediyay kaftan badan iyo waliba ereyo aad loogi riyaaqay ayaa waxa uu ku soo gabgabeeyay duco oo uu in badan u duceeyay musharaxiinta u tartamaya golaha deegaanka iyo waliba xisbiga guud aha an.

Barnaamijka oo uu daadahinayay Yaasin Abdirahman Hassan (Faarax), waxa uu si kal iyo laaba ugu mahad naqay ragii doortka wanaagsan ku lahaa ee suurta galiyay inay munaasibadu qabso omto waxana ay kala ahayeen:

Abdalle Mohamed Yusuf

Mohamed Essa Haybe

Hindi Salaan Abdi

Iyo Ahmed Mohamed Cadaani

Munaasibada ayaa lahayd awood diiran, quluub muujisay tageerada dhabta ah ee lo ohayo Urur Siyaasadeedka XAQSOOR. XAQSOOR ayaa ah ururka kaliye ee ilaa hada maalintiisa ololaha laga dhigay magaalada Khartoum iyadoo aad looga dareemayay goobaha iyo jaamacadaha ardeydu isagu timaado.




Axmed hanad Guray Baqaye
hanad080@hotmail.com
baqaye080@hotmail.com
009677316031532
Aden-yemen Officce