Urur Siyaasadeedka UDHIS Oo Doortay Hogaanka Ururka, Golaha Dhexe, Cayimay-na Saamiga Dhalinyarada & Haweenka

 



Shirweynaha Ururka UDHIS ayaa waxa ay ergooyinkii ka soo qayb galay gacan taag ku ansixiyeen........ Daawo Sawiradda


Hargeysa (TNN)- Urur Siyaasadeedka UDHIS ayaa maanta doortay Hogaanka iyo Golaha dhe xe ee Ururka, iyada oo maalintii shalay u furmay Shirweynihiisii koowaad, isla markaana maa nta ahayd Maalintii labaad ee Shirweynaha koowaad oo uu ka socday Hutel Crown ee Magaa lada Hargeysa, waxaanu sidoo kale cayimay Saamiga ay haweenka iyo dhalinyaradu ku yeel an doonaan Ururka oo ay u codeeyeen ergadii kala duwanayd ee Shirweynaha fadhiday.

Shirweynaha Ururka UDHIS ayaa waxa ay ergooyinkii ka soo qayb galay gacan taag ku ansix iyeen in saamiga ay haweenku ururkaasi ku yeelanayaan uu noqdo 30%, halka saamiga dhali nyaradu ku yeelanayso Ururkaasi uu noqon doono 30%, waxaanay Guddida hogaanka shirwe ynuhu sheegeen in Saamiga ay yeelanayaan dadka Naafada ah iyo Beelaha laga tirada bada n yahay ay dib ka qeexi doonaan saamiga ay yeelanayaan Hogaanka Ururku.

Golaha Dhexe ee Urur Siyaasadeedka UDHIS ayaa tiradooda laga dhigay in ay noqon doonto 42- xubnood.

Ergada shirka ayaa waxa ay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDHIS u doorteen Ibraahin C/Laahi Xuseen (Dhagaweyne), halka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad loo doortay Ibraahim Aadan Gadiid, waxaana Guddoomiye ku xigeenka 2-aad-na loo doortay Md. Qoorseef, iyada oo Xoghayaha Guud ee Ururkaasina loo doortay Siciid X. Axmed.


Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDHIS oo markii la doortaday ka dib halkaasi hadal koob an ka soo jeediyey ayaa uga mahad celiyey xilka ay doorteen ergadu, isaga oo balan qaaday in uu u hawl gali doono sidii ajandaha ururka u hir gelin lahaayeen, waxaana hadaladii Guddo omiyaha ka mid ahaa “aadbaanu idiinka mahad celinaynaa sida aad masuuliyada noo saartee n, waxaananu balan qaadaynaa in aanu hir gelin doono ajandaha Ururka, kuna dedaali doono sidii Ururka loo horumarin lahaa ilaa inta uu Xisbi ka noqonayo”.
 

 


Sacad M. Cabdi
Timacade News Reporter
Hargeysa , Somaliland