Urur
Siyaasaddeed Cusub Oo Lagu Magacaabo DAMAL, Oo Uu Hugaamiye Ka Yahay
Prof. Maxamed Cumar Carte Qaalib Oo Lagaga Dhawaaqay Maanta Hargeysa

"waxaynu isticmaalaynaa in ay Somaliland noqoto laydhkii ka baxayay
afrika" Gudoomiyaha Ururka DAMAL.............. Daawo Sawiradda
Hargeysa (TNN)- Urur siyaasaddeed cusub oo la magac baxay
DAMAL isla markaana uu gadhwade en ka
yahay Aqoonyahan Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta lagaga
Dhawaaqay Magaala dda Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda
Somaliland.
Xafladdii lagu daahfuraryay urur Siyaasaddeedkan oo lagu Qabtay
Hotel Maansoor, ee Magaaladd a Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay
Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Madaxdhaqmeedyo, Xildhiba ano, Dhalinyarro,
Haween, iyo Marti sharaf kale aad ufara badan.
Halku dhegyadda ururkan ayaa waxa ka mid ahaa “ Diinta oo loo
gargaaro, dadka oo loo adeego, dalka oo la dhiso iyo dawladdnimada
oo la adkeeyo.” “Hogaan daacad ah, aragti siyaasaddeed oo cusub iyo
Hufnaan shaqo, DAMAL baa kuugu baaqaya”.
Urur siyaasaddeedkan ayaa la sheegay in uu wax ka qaban doono
arimaha Shaqo la,aaneed ee ha ysata muwaadiniinta reer Somaliland,
dayactirka arimaha aasaasiga ah sidda caafimaadka, waxbar ashadda,
nabadgelaydda, sidoo kale ururkan cusub ayaa la sheegay in uu wax
weyn ka qaban doo no Ictiraaf raadinta Somaliland.
Ururkan oo ah mid ay baryahanba socotay Hadalhayntiisu ayaa ka mid
noqon doona Ururrada siy aasadda kale ee dalka lagaga dhawaaqayey
mudooyinkii u dambeeyey, iyada oo la sheegay inuu hogaan ka noqn
doono Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ah wiil uu dhalay nin dalka
magac wayn ku leh, oo taariikhda dalka Baal dahab ah kaga jira.
Ugu horeyn waxa ka hadlay Madashii lagu daah furayay ururkan ka
hadlay C/Fataax Maxamed Da ahir oo ku hadlayay afka dhalinyaradda
waxana uu sheegay in uu ururkani ahmiyadda saarayo dhalinyaradda
reer Somaliland waxana ka mid ahaa hadalkiisii “ururkan DAMAL waa
mid si weyn u taageersan dhalinyaradda, waxana uu ururkani aaminsan
yahay siddii ay dhalinyaraddu u heli lahaayeen waxa ay xaqa u lee
yihiin,ururkani waxa uu doonayaa in xooga la saaro dhalinyaradda
lagana dhiso, waxbarashadda, caafimaadka, shaqo la,aanta iyo in la
fakar galiyo, ururka DAMAL wuxuu aaminsan yahay in la hor mariyo
dhalinyaradda”.
Suldaan Axmed Daahir Warsame, oo madashaasi ka hadlay ayaa si kooban
uga warbixiyay taariikh da Gudoomiyaha ururka “Maxamed Cumar waa nin
mutacalin ah, maxamed waa hormoodka dhalin yaradda, hablo iyo rag
waa hormoodkoodda aniga oo aan ka saarayn dadka cuslaaday, waa nin u
halgamaya in wax weyn la badalo, waa in aynu garano maxaynu xaq u
lee nahay inaga aan ilaawa yn muxuu wadanku xaq inoogu lee yahay
markaa aynu kala fahano labadaas”.
Suldaanku waxa uu sheegay in laga shaqeysto khayraadka wadanka,
waxana uu intaasi ku daray inaan loo baahanayn in la raadiyo
ictiraaf wakhti uu wax soo saarka dalku marayo halkii ugu hoos aysay
“maaha in aynu fuujaan qaadano oo aanu nidhaahno na icitioraafa ee
waa in aynu waxa la soo baxno oo aynu shaqaysano”. “waxan maqlaa
maalmahan dambe waxa laynagu ducoducaynay aa oo la yidhaahdo
dimuqraadiyadd, iyo Gander balse diinteena ayaa ka horaysa”. Isaga
oo hada lkiisa sii watana waxa uu yidhi “Damal waa geed hadhac ah
xisbiga ha loo adeego dhalinyaraddu ha ku soo dhowadaan”.
Ifraax Cali Jibriil oo ka mid ah xubnaha ugu sareeya Garabka
Haweenka oo xafladda wanqalka ayaa usoo jeedisay shacabka Somaliland
in la taageero urur siyaasadeedkan cusub, waxana ay sheeg tay in
wakhtigan dalka laga furay ururo fara badan kuwaas oo dhamaantood
maamulayaan ragu marka laga reebo hal urur siyaasaddeed waxana ka
mid ahaa hadalkeedii “wadanka ururo badan ayaa laga furay, waxana ay
ragu u furtay xisbiyaddan badan, faan, balse dumar baanu nahay oo
anagiii ayaa musharax u taagan, waayo waatuu siyaad barre xiniin na
siiyay oo tii ayaanu la soo baxaynaa”.
Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka DAMAL Cali Xaaji Xirsi oo madashaasi ka
hadlay ayaa si kooban u gua hadlay ujeedooyinka ururkan “waxa uu
udhismay in uu barbaariyo dayarta, kolay anigu kumna jirro
dhalinyaradda waayo waxaan ahay nin weyn, waad ogtihiin wadanku
waddo dheer ayuu soo maray wuu soo kufkufay waxana keenay raga waa
weyn oo isla fahmi waayay, balse dhalinyarad du waxay kaga duwan
tahay waa maskax cusub oo waxbay isla fahmayaan, ururkani waa mid
dhal inyaradda ufurmay, waxana looga baahan yahay in ay si xoog leh
u doortaan ururkan”.
Cali Xaaji Xirsi waxa uu si adag uga hadlay Qabyaaladda, waxana uu
sheegay inaanay qabyaaladdu keenin horumar balse ay keento dib u
dhac iyo burbur.
Aqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaasi ka hadalay ayaa
sheegay in dalku wakhtigan uu u baahan yahay isbadal wanaagsan iyo
maskax cusub oo ku dhisan aqoon iyo maamul wacan “ dalku waxa uu u
baahanahay isbadal, hal abuur, waxaynu u baahanahay isbadal, maanta
haddii la baatan sanno ninkii ahaa wasiir uu doonayo in uu sii
maamul wadankii taasi waa dhib waxa loo ba ahan yahay in jiil cusubi
wadanka yimaado sidda maxamed oo kale” ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal
Cali Xuseen.
Isaga oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu yidhi “Aynu kala daayno
dimquraadiyadd ayaynu nahay iyo qabyaaladda, uma baahni reer hebel
aya doonaya in ay maanta madaxtinimo noqdaan, ee waxa aynu u
baahanahay isbadalk cusub, dalkuna waxa uu u baahan yahay in ay
aqoonyahano cusubi ay dalka yimaadaan”.
Aqoonyahan Jamaal ayaa ku booriyay dhalinyaradda in ay kala eegaan
musharixiinta maamulaysa ururadda cusub, waxana ku waaniyay in ay ka
fiirsadaan siyaasadda ay wataan “Dhalinyaradda waxana ku
gubaabibnayaa in ay ka qayb qaataan siyaasadda waxan ku gubabaainyaa
in ay kala eegeen musharixiinta iyo ka wax qabanaya, waa in ay
eegaan ka ku fashilmay xilka wasiirnimo iyo ka aan waxba qaban Karin
iyo ka wax qaban kara intaba waa in ay kala eegaan” ayuu yidhi Jamaa
cl Cali Xuseen.
Gudoomiye ku meel gaadhka ah ee ururka Damal Pro Maxamed Cumar Carte
Qaalib oo ugu danbey ntii ka hadlay xafladani ayaa sheegay in
hogaanka ugu culus ee la doonayo in dalka laga hagaajiyo ay tahay
Dawladda Hoose, waxana uu sheegay in haddii la hagaajiyo nidaamka
Dawladdaha Hoose ay hagaagayaan waxyaabaha aasaasiga ahi “ marka
dawladda hoose laga hadlayo waa aas aasiga caafimaad, waxbarasho
nabadgelyo haddii ay bixiso dawladda hoose intaas waxa barri ka
maalin adkaanaysa dawladda dhaxe,” ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte,
waxana uu intaas ku daray “waxaynu doonayanaa in aynu u dhiiri
galino dhalinyaradda, oo ay ka qayb qaataan golaha dhaxe, kuwaas oo
aan balan qaadayo inaanay noqonyan magaca u yaal”.
Gudoomiye Maxaed Cumar Carte Qaalib waxa uu sheegay in ay saaxadda
Siyaasaddeed ku soo kordhin doonaan cadaaladda, iyo maamul wanaaga
“’ waxa saaxadda siyaasadda ku soo kordhin karnaa cadaaladd, iyo
maamul wanaag” ayuu yidhi Pro Qaalib.
Gudoomiyihu waxa uu sheegay in dadka maamulka qaban doonaa ay yihiin
kuwo aan ku milmin siy aasaddihii horre ee dalka, waxana uu intaas
raaciyay in ay noqon doonaan dad sharaf iyo cisi ku leh bulshadda “
waa dad aan ku milmin siyaasaddii, ma dhiiri galinyano qof
siyaasadda ku dhiiqoo bay oo aan lala xisbaatamin oo xoolihii umadda
cunay” ayuu yidhi Gudoomiyha Ururka DAMAL.
Maxamed Cumar waxa uu si kooban uga hadlay Siyaasadda Arimaha
Dibadda waxana ka mid ahaa hadalkiisii “maxaa siyadasadda arimaha
dibadda ururkan uga qorshaysan? waxay noqonyasaa wa xay ay dantu
noqonyaso kuma xidhnaanayso waxa aan dan inoo ahayn in aynu ku mee
raysanno, waxaynu doonanayaa jaarkeena nabad ayaynu kula
noolaanayanaa, waxaynu isticmaalaynaa xa aladda dimlomaasiyadddeed,
waxaynu isticmaalaynaa in ay Somaliland noqoto laydhkii ka baxayay
afrika”
Si kastba ha ahaatee Ku dhawaaqista Ururkan Damal ayaa ku soo
beegmaya xilli ay Guddida Diiw aan gelinta Ururada Siyaasaddu ay
shaaciyeen inay laba maalmood ka dib xidhmi doonaan Diiwaan gelin
Ururda Siyaasadda Dalka lagag dhawaaqayo
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office
|