Urur Samo-fal oo lagaga dhawaaqay Xuska Sannad-guurada 1-aad ee Geerida Marxuum Cali-Maarshaal iyo Waxyaabaha Uu Qaban Doono

 

Hargeysa, August 6 2010  (TNN)-Sannad-guuradii koobaad ee ka soo horeegtay Allah ha u  naxariis tee markii uu  dhi ntay Marxuum Cali Muxmed Guuleed (Cali-Maarshaal, ayaa xalay la xusay, isla  mar kaana  Munaasiba ddii xasuusta ahayd ee Marxuum Cali oo xalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargey sa, ayaa lagaga dhawaaqay Urur samofal oo Marxuumka loogu magacdaray, (AL I-MAARSHAAL TRUST).


Rabbi ha u naxariisto Cali Muxumed Guuleed (Cali-Maarshaal), oo sannadkii hore shil baabuur ugu  ge eriyooday duleedka Magaalada Berbera, waxa xalay ay ku buuxday sannad-guuradii koobaad ee ka soo wareegtay geeridiisa, xuskaas oo ay ka soo qaybgaleen shirguddoonka Golayaaha Baarlamanka, Wasiiro ka tirsan xukuumadda cusub, Marwada Madaxweynaha Aamina Xaaji Maxamed Jirde  (Aami na-waris), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, Drs. Edna Aadan Ismaaciil, Xaaskii iyo qoyskii Marxuunka Cali Maarshaal, culimaa’udiin, aqoonyahan, abwaano, ganacsato, qurba-joog iyo marti sharaf kale oo tira badan.

Munaasibaddaas, waxa lagaga dhawaaqay Urur marxuumka loogu magacdaray oo ay aasaastay  Xa askii uu ka tagay Marxuun Cali Maarshaal Marwo Yasmiin Sekali, taas oo noqon doonta mid samofal oo ka shaqaysa wax ka qabashada xannuunka dhimirka, isla markaana daryeel iyo caawimo ka  gays an doonta dadka xannuunkaasi qaba.

Munaasibaddaasi waxa kale oo lagaga yaboohay taageero bulshada Somaliland ka gaysato hano-qa adka iyo bilowga hawsha culus ee hay’addaasi loo aasaasay, waxaana halkaasi lagu ururiyey lacag qadankeedu dhan yahay $24,170 (afar iyo labaatan kun, boqol iyo toddobaatan dollar) oo ay ugu deeqeen qaar ka mid ah masuuliyiintii iyo marti sharaftii ka qaybgashay xafladda.

Munaasibadda oo dad kale duwani hadalo ka jeediyeen, ayaa la isku raacay in qorshaha loo  aasaas ay hay’addan ee wax lagaga qabanayo xannuunka Dhimirku yahay mid aad loogu baahnaa, isla  mar kaana xannuunada maskaxda ku dhacaa yihiin dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dalka ka jira.

Xaaskii Marxuun Cali-marshaal Marwo Yaasmiin Sekali oo iyadu aasaastay hay’addan samofal, ayaa sharraxaad ka bixisay sababta ku dhalisay aasaaska hay’addaasi, waxaanay tidhi; “Ururkani wuxuu igu dhashay ka hor intii aannu geeriyoon marxuunkii, maalin annaga oo wada socona ayaa  waxaan nu aragnay oday maskaxda wax ka qabay oo carruuri shiidayso, kadibna carruurtii ayaanu ka  celin ay, markaas ayuu marxuunkii oo arrintaa aad uga xumaaday gaadhiga soo saaray ninkii maskaxda wax ka qabay, markaa kadib aniguna waxaan go’aansaday in inta aan noolahay xooggayga, xoolaha yga iyo waqtigaygaba sadaqo uga dhigo dadka qaba xannuunka dhimirka. Somaliland waxay ku  jirt aa meelaha ugu sarreeya ee dadka dhimirkoodu wax u dhiman yihiin sida warbixino la sameeyey sheegeen.”

Waxa kale oo munaasibadaasi ka hadlay, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, Wasiirka  Kallu umaysiga Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE Cabdiraxmaan  Cabdiqaa dir, Dr. Edna Aadan Ismaaciil, Sheekh Aadan Siiro, Abwaan Xasan Geney iyo dad kale.Si kastaba, ha ahaatee, dad badan oo ka mid ahaa Masuuliyiintii xuska ka soo qaybgalay, ayaa madashaasi kaga dhawaaqay qaadhaan lacageed oo kala duwan oo loogu tagalay in lagu dhaqaajiyo Ururka  marxuu mka loogu magac-daray, kaasoo wax ka qaban doona ama ka shaqayn doona baahiya iyo  caawima da dadka qaba xanuunka maskaxda ee dhimmirka.

Source:Togaherer