Urur Layidhaa UDHIS Oo Maanta Lagaga Dhawaaqay Hargeysa Ayna
Sameeyeen Xubno Ka Baxay KULMIYE
Urur Cusub ayaa maanta lagaga
dhawaaqay magaalada Hargeysa Gaar ahaan Hotel OBAMA ururkan cusub
ayaa waxa ku dhawaaqay rag door ah oo ka tirsanaa Xisbiga KULMIYE
Golihiisa Dhexe Raga ku dhawaaqay ururkan cusub ayaa ah ragii ka
cadhooday shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee ka dhacay
magaalada Burco ee lagu dooranayay musharixiinta uga qayb galayasa
xisbga kulmiye doorashada m/weynaha waxaana ka mid ah Ibrahim
Dhegeweyne , Ciise Curtaage , Cali Xaraaro sidoo kale waxa ka soo
qayb ku dhawaaqista Ururkan Cusub Xildhibaano ka tirsan Golaha
Wakiilada oo ay ka mid yihiin Xil Maxamed Xaaji Maxamud Iyo Xil
Rayte.
Qoraal ay soo saareen Xubnaha Ururkan Ku dhawaaqay ayna ka akhriyeen
Madasha ayaa u dhignaa sidatan.
URURKA DIMOQRAADIYAD IYO HORUMARINTA
ISBADDEL DOONKA SOMALILAND
UDHIS
Ururka Dimoqraadiyadiyo horumarinta isbadal doonka Somaliland waa
urur ka abuurmay dood cilmiyeed dheer iyo baadhis fara badan oo ka
soo maaxatayaqoonyahanada iyo waxgaradka reer Somaliland. doodaas oo
ay ku bahoobeen aqoonyahano,jooga dalka gudihiisa iyo debadiisa,
mujaahidiintii SNM, culimo awdiin madax dhaqameedyo, ururada
bulshada, ururada dhalinyarada, ururada haweenka,ganacsato, garabyo
ka soo go`ay kulmiye,ucid,udub iyo qaar seddexdaba ka madaxbanaanaa.
Doodaas oo mudo dheer socotay waxaa lagaga doodaayey wadciga maanta
uu dalku ku suganyahay oo ay ka dhalan karto xaalad aad u xun oo
micnaheedu noqonayo in raadkii arooryo dib loo raaco. waayo
hay`adahii dawliga ahaa ayaa noqday fadhiid oo shaqayn waayey sida
fulinta ama xukuumada,xeer dajinta,iyo garsoorka, xataa komishanka
oo maanta aynu arkayno halka xaaladiisu marayso.
Dhibtani hadii ay sii socoto waxaa dhici karta burbur baahsan oo ku
yimaada qaranka Somaliland waxaana tacab khasaare noqonaaya
halgankii dheeraa ee ay ummadani u soo martay isku qaranimadeedii
iyo geedi socodkii dimoqraadiyada ee ummadda reer somaliland raacday
kuna heshiisay.
Hadaba maxaa keenay khasaarahan dalka ku habsaday?
1- Nidaamka siyaasiga ah
Waxaa dhacday in ay naan dimoqraadiyadii dhamays tirin waayo waxaynu
samaynay madaxwayne iyo ku xigeen uu awooda qudha leeyahay
madaxwaynahu kaa soo afduubay hay`adahii dawladda ee ahaa golaha
sharci dejinta, xukuumada iyo garsoorka.Tusaale ahaan golahii sharci
dejintu shaqadiisii waxaa is hortaagtay xukuumadii halkii ay shaciga
fulin lahayd,garsoorkii wuxuu gacanta u galay xukuumadii oo
maamusha.Sida saxda ahina waxay ahayd in golaha sharci dejintu uu
sameeya sharciga,xukuumaduna ay sharciga fuliso garsoorkuna sharciga
ilaaliyo iygoo is kaabaya oo kala madax banana.
Asxaabta
Dhibaatadan waxaa asaasi u ah oo khasaarahan keenay seddexda xisbi
ee maanta dalka ka jira sababta oo ah waxay noqdeen sidan soo socota
1-Iney keligood dalku u xidhnaado oo aan xisbiyo kale ku soo biirin
2-Inay taladu u xidhnaato hogaamiyaha xisbiga oo qudha go, aankana
aan cid kale la wadaagin
3-In aan doorasho xalaal ahi ka dhicin xisbiyada dhexdooda sida
hogaamiyaha xisbigu jecelyahayna wax loo maamulo, dantooda gaarka
ahna ay ka horaysiiyaan danta guud.
4-Inay markay doonaan ay isu kordhiyaan iyadoo taasi hore u dhacday
sharcina aanay u lahayn inay arrintaa ku kacaan ayna ahayd mid
sharci daro ah waxaana sharci u leh inay kordhiyaan golayaasha
sharci dejinta.waxaase dhacday inay seddexda xisbi markii xukuumadu
wakhtigeedii dhamaaday u kordhiyeen wakhti ku meel gaadha.
doorshadii dawladaha hoosana daaqada ay ka tuureen oo aan ilaa
maanta la mudaynin meel ay jaan iyo cidhib dhigtayna aan haynin
iyadoo ay sharci ahayd inay ka oo horayso ta madaxtooyada.
5-Xisbiyada iyo xukuumaduba waxay ku guul daraysteen kobcintii geedi
socodkii dimoqraadiyada,wacyigelintii dadwaynaha,iyo dhismihii
xisbiyada iyo xukuumada dhexdooda.
6-Waxay kaloo ku guuldaraysteen inay wax horumar ah dhinacnaba ka
sameeyaan taas sababtay in la waayo waxii loo doortay inay qabtaan
halkaasna ay ku luntay kaalintii loo baahnaa inay ka qaataan u
adeega, kobcinta,iyo wacyigelinta siyaasadeed,bulsho iyo dhaqaale ee
bulshada reer Somaliland.
Dhaqaalahii dalka
Dhaqaalahii dalka waxaa guud ahaanba ku dhacay burbur aad u
balaadhan sababna ay u ahayd waxii lagu heshiiyey ama nidaamkii u
yaalay oo ay xukuumadii jebisay waayo waxaynu qaadanay habka ganacsi
furan oo ah inuu suuqu xor yahay sida;
1-Xoolaha nool oo ahaa lafdhabartii dhaqaalaha dalka oo weligii ahaa
suuq xor ah ilaa dawladahii lixdameeyadii, dawladii dictatorka iyo
ilaa intii ka horeysay xukuumadan maanta jirta. Nasiib darrada
dhacdayse waxay tahay in xukuumadani ay diiday suuqii xorta ahaa ee
xoolaha soona fara gelisay oo ay iyadu adhigii dhoofisay nin
ajaanibana suuqii xorta ahaa u xidhay diidayna qiimahii qofku
neefkiisa ku iibsan lahaa oo iyadu qiimo yar qofkii u goysay si
danteeda gaarka ah ugu fushato.taasina waxay dhibaato wayn u
gaysatay dadwaynahii reer Somaliland oo ay dhaqaale xumo,iyo
macaluul baahsan oo saamaysay miyi iyo magaalaba.
waxay sababtay inay dekadii berbera xidhanto berberina ka guuraa
noqoto magaalooyinkii lagu bakhtiyo oo ay sayladahii xoolahu iyo
dhaqdhaqaaqi ganacsiguba meesha ka baxaan, gaar ahaan magaalada
burco oo ahayd saylada xoolaha ee ugu wayn mandaqada geeska afrika
iyadoo ay raacday dhibaato kale oo ah inay dawladdu lacagtii hore ee
somaliya ka badali wayday isla markaana ay ay taalo lacagtii lagu
bedali lahaa.
2-Nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo cashuuraha oo aan ahayn kii
dastuurku tilmaamayey cidina aanay ogayn xukuumada mooyaane.
3-waxay dawladu xanibtay ilihii dhaqaale ee dalka ay lacagta adigi
ka soo geli lahayd, sida dekadii berbera oo ahayd meesha dhaqaalaha
ugu badani dalka ka soo galo,haamihii shidaalka oo ahaa hanti qaran,
warshadii sibidhka oo ahayd tii sibidhka ugu tayada sareeya
mandaqada soo saari jirtay oo la diiday in la dhiso.
ka haqab beelkii biyaha oo dawladu is hortaagtay kadib markii ururka
bisha cas ee dawlada imaaraadku siisay riigii u waynaa wax biyaha
lagu qodo looguna talo galay inuu buuxiyo baahida Somaliland biyaha
u qabto riigaas oo meel uu jaan iyo cidhib dhigay aan la garanayn
kadib mashaqadii dawladu gaysatay ka dhacday dadkii u
mudaharaadaayey markii ceelka laga qaaday ee ay ku balan qaaday inuu
week maqnaanaayo.
Hadaba dadkii wax garadka ahaa ee dalka u dhashay iyo aqoonyahankii
dalka dhibaatada ka saari lahaa, xisbiyada dhisi lahaa samayn lahaa
dawlad xalaal ah dalka horumar gaadhsiin lahaa, dimoqraadiyada
gaadhsiin lahaa, dad waynahii himiladoodii rumayn lahaa oo ah 90%
dadka reer Somaliland oo ah isbadal doonka ahna dadka waxbadali kara
ayey u la tageen xisbiyada.
Xisbiga kulmiye ayaa u horeeyey oo balan qaaday barnaamujka isbadal
doonka ee talo wadaaga iyo cadalada ah iney kula shaqeeyaan ayaa
markii burco lagu shiray ee xisbiga dhexdiisa laga soo bandhigi
lahaa dimoqradiyad xalaal ah iyo tala wadaag ayey ku danbaysay dhedo
roob noqon wayday.
Sidaas oo kale waxa sameeyey labadii xisbi ee kale, ucid isna waxuu
mid ogolayn talo wadaag iyo in loo sinaado tartanka xisbiga
dhexdiisa. Udub oo ah xisbul xaakimkii ay ka dhalatay dawladda
dhibtaas manta jirta ka mas`uulka ahi waynu aragnaa sida
dhaqankeedii siyaasadeed,xisbiyeed,iyo maamul uu maanta yahay.
waxa la yidhi mayd maxaa u danbeeyey iyo kaa la siisido, maanta
waynu aragnaa shirweynahii Udub in xisbiga dhexdiisii tiniko loo
adeegsaday oo uu ku wareejiyey maansoor isagoo si xaaraan ah u
isticmaalaya ciidankii qaranka. Waxa xusuus mudan inay mar hore
dawladu ciidanka qaranka u adeegsatay inay shacbiga ku layso oo
rasaas ay ku furto dad shicib ah ka cabanaya sida arintii riiga loo
maamulay,tii xaafada maxamuud haybe,tii cusbitaalka guud, tii burco,
tii berbera, iyo qaar kaloo badan.
waa xaaraan qayral dastooriya in xisbi ka mida xisbiyadu uu
isticmaalo ciidanka qaranka iyo hantida qaranka si danahiisa gaarka
ah ugu fushado.
waxaa loo diiday dadkii udub aasaasay iyo kuwii ka sharaxnaa xisbiga
dhexdiisa inay ka qayb galaan shirka sababtuna waxay ahayd iyagoo
doonay inay ka tartamaan xisbiga dhexdiisa.
waxaa la yidhi hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho imminka
waxaynu leenahay xisbi xaaraan ahi dawlad xalaal ma dhalo.
waxa is waydiin leh oo aan dadku ogayn in ay ogaadaana waajib ku ah
waxii dadkani u dagaalamay ee ay 100000 ee qof kaga dhinteen ee
Somaliland ay u samaysteen ee ay u goosteen ee ay dastuurka u
samaysteen ee u heshiiyeen ee in laysa saamaxo u qaateen waxay ahayd
inay helaan dawlad ay iyagu soo doortaan.kuna timaada doorasho
xalaal ah oo loo simanyahay oo si xalaal ah dadku u doortaan cida ay
iyagu doonayaan,in baarlamanku sharcisamaynta ay leeyihiin dawladuna
fuliso sharcigaa maxakamadaha iyo labada gole ee sharci dejintu ay
dawlada ka ilaaliyaan inay sharciga jebiso.
Dadkani waxay hore ka dagaalameen oo diideen
1-Madaxweyne dictator ah oo aan talada lala wadaagin oo keligii
taliya
2-madaxweyne ciidanka qaranka dad aan denbi gelin u isticmaala oo ku
laaya kuna xidhxidha,uguna caga jugleeye si uu baqdin u geliyo oo uu
dantiisa ugu fushado.
3- Dadku waxay ka dagaalameen in dhiigooda la xalaashado oo aan
deero deero u hirdiyin.
4- Dadku waxay ka dagaalameen in hantida qaranka ee waddanka wax
loogu qaban-lahaa la lunsado.
5- dadku waxay ka dagaalameen dawlad aan lala xisaabtamin.
6- dadku waxay ka dagaalameen in loo diido xurriyatul qawlka iyo
inay fekerkooda siyaasadeed cabbiraan.
7- dadku waxay ka dagaalameen in layska xidho iyagoon denbi gelin
iyo in xuquuqdooda iyo karaamadooda meel lagaga dhaco.
Markii la ogaaday lana xaqiijiyey in arimahaa aynu kor ku soo
sheegnay oo dhami dalka ka dhaceen majirahii siyaasadeed ee dalkuna
waddo qaloocan raacay oo keeni karta burbur umadeed oo baahsan ayaa
doodan isbadal doonku hana qaaday lagu heshiiyey in ururka UDHIS la
sameeyo si wadanka loo badbaadiyo laguna soo dabaalo waddadii
nabadda, talo wadaaga, iyo dimoqraadiyadda.
UDHIS waxay doonaysaa dawlad dadwaynahu leeyahay oo aan dawladdu
dadka lahayn, dawlad aanu uu sharcigu yahay ka ugu sareeya oo aan
nina ka sarayn kii jebiyana laga abaal mariyo oo aan loo habran nina
oo aan sharci darrada u sameeyey loogu abaal gudin.Arrimahaas oo
dhana waxa lagu gaadhi karaa sidan soo socota waana aragtida dhabta
ah ee UDHIS aaminsantahay in dalka iyo dadkaba horumar lagu
gaadhsiin karo.
1-UDHIS waxay aaminsantahay in isbadal buuxa lagu sameeyo dhaqanka
siyaasadeed ee waddanka lagu xukumo iyadoo laga bilaabayo axsaabta
qaranka.
Axsaabta qaranku hadii aanay dimoqraadiyad, cadaalad iyo talo wadaag
lagu dhaqi waayo micnaheedu waxa waeeye inay dastuurkii wadanka
jebiyeen.xisbi aan talo wadaag,cadaalad, iyo dimoqraadiyadi aanay ka
jirinina ma dhisi karo dawlad cadaalad,talowadaag iyo dimoqraadiyadi
ka jitro dalkana gaadhsiisa horumar.
2-UDHIS waxay aaminsantahay in distoorka qaranka dib u eegis lagu
sameeyo si loogu daro waxa ka dhiman ee wanaagsan waxii aan loo
baahnayna looga saaro meelaha uu muranku ka jirana loo saxo.
3-UDHIS waxay lagama maarmaan u aragtaa in seddexda hay,adood ee
dawladda ay noqdaan qaar kala madax banana oo is kaaba iskuna dheeli
tiran.
4-UDHIS waxay lagama maarmaan u aragtaa in hantidhawr madaxbanaan
iyo baan dhexe oo si dhaba u hogaamin kara siyaasada maaliyada la
sameeyo.
5-UDHIS waxay lagama u aragtaa in la helo dawlad dadka u shaqaysa oo
dhista hay,adaha dhaqaale iyo shaqo ee dadwaynahu u baahanyahay sida;
a)In la dhiso hay,ad shaqo abuur (Employment services) sida in la
abuuro mashaariic shaqo laga helo sida bada oo laga faa`iidaysto
khayraadka ku jira, ikaashatooyin xor ahna loo sameeyo.sayladaha
xoolaha oo la habeeyo suuqa xorta ahna lagu kala iibsado,mashaariic
macdan baadhis ah oo la sameeyo,iskaashatooyinka gaadiidka oo la
sameeyo.baayacmushtarka oo la dhiiri geliyo lana kaabo si ay
shaqooyin u abuuraan. Mashaariicdaas hadii la hir geliyo waxaa la
hubaa in ay dad aad u fara badanishaqooyin ka helayaan
b) In la dhiso hay,ad caafimaad (National Health services) oo sugta
in dhinaca caafimaadka dadwaynaha laga gaadho isku filaansho, sida
in la sameeyo xarumo cilmi baadhiseed oo caafimaad, in la dhiso
hospitalo, laguna sameeyo qalabayn buuxda iyo dhakhaatiir
kalkaaliyayaal ku filan,lana sameeyo isu dheeli tir caafimaad sida
gobolada, magaalooyinka, degmooyinka,iyo xaafadahaba.
c)In la dhiso hay,ad tacliimeed(National Education services) oo
raadisa in dhinaca tacliinta isku filaanshiiyo laga gaadho
manhajkana midaysa, sida horumarinta tacliinta dadka reer miyiga ah
oo halka ay deganyahiin looga abuuro tacliin ku filan, badinta
shoolada, samaynta xarumo cilmi baadhis ah gaar ahaan dhinacyada
sayniska iyo technologiyada,isu dheeli tirka tacliinta dalka
dhinacyada gobolada, magaalooyinka, degmooyinka,tuulooyinka iyo
xaafadahaba.
d) In ladhiso hay`ada adeega bulshada National social services) oo
kaabta baahiyaha bulshada sida quudinta dadka faqiirka ah dadka
da`da way nee aan cidi caawin, kuwa waalan, caruurta yaryar ee aan
wax koriya lahayn, curyaamiinta,iyo dadka laxaadka la.
e) In la dhiso hay`ada guriyeynta oo ka baahi tirta dadwaynaha hoy
la,aant.(National housing service).
f) In la dhiso hay`ad degaamayn (National Enviroment services) oo
lagu ilaaliyo degaanka sida mamnuucida jaridda dhirta kordhinta
kordhinta iyo hagaajinta qalabka beeraha, dhawrista iyo dhaqaalaynta
xoolaha nool, dejint reer miyiga ama barista sida wax loo beerto iyo
sida ugu haboon ee xoolaha loo manaafacadsado. soo saarista tamarta
kaydsan.beerista dhirta iyo kaymaha,dhawrista badaha iyo ilaalinta
khayraadka dabiiciga ah iyo soo saarida biyo saafi ah oo dadka iyo
xoolahaba ku filan.
Gebo gabayn.
Ururkani waxuu ka turjumayaa baahida dadka reer Somaliland u qabaan
inay helaan sharci kala haga iyo dawlad wanaagsan oo iyaga u
shaqaysa, xisbiyo wanaagsan oo talo wadaag ogol oo dawlad wanaagsan
abuura, shaqo la`aanta baahsan iyo baahida dhaqaale xumida oo ay ka
baxaan, caafimaad darrida oo ay ka baxaan, jahliga tacliin la`aanta
oo ay ka baxaan, hoyla`aanta oo ay ka baxaan, dadkooda waalan,kuwa
laxaadka la, caruurta,yar yare e baahan, dadkooda da,da ah iyo kuwa
faqiirka oo la kafaalo qaadto oo aan gaajo u silcin,xoolahooda iyo
beerahooda oo la tayayeeyo lana kordhiyo,iyo guud ahaan noloshooda
oo kor loo qaado.
Ururkani waa mid ay ku bahoobeen dadkii wax garadka ahaa ee dalka
danaynay waa meel hoy u noqondoonta aqoonyahanada haday noqoto xaga
cilmiga maadiga diinta,bulshada iyo dhaqankaba. Waa urur ku dhisan
sinaan iyo cadaalad,oo aan ku salaysnayn qabyaalad, gobolaysi,iyo
dana gaar ahaaneed.waa urur hoy u noqon doonta, cilmi baadhis dheer
oo ah dhinacyada tacliinta,caafimaadka,shaqaada,guriyeynta,adeega
bulshada,iyo dhaqaalaha.
Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu arimaheena wanaagsan inoo
fudideeyo oo ina fahansiiyo, dariiqa toosana inagu hanuuniyo baahida
dhinac walbana inaga dul qaado dalkeenanaka dhigo kii horumarin
gaadha alena lagu caabudo oo aan cadhidiisu ku dhicin.
Wa bilaahi tawfiiq
Abdi Mohamed farah abdul alim
Gudida UDHIS
|