Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community oo guddi cusub dooratay

 

 

Maalintii Sabtida ee bishan February ahayd 23-ka ayaa waxa xarunta urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community (WLSC) ka dhacay shirwaynihii 5-naad ee ururka oo jawi farxad iyo xamaasadi ku dheehantay ku qabsoomay.

Urur jaaliyadeedka WLSC oo imika jira muddo 6 sanadood ah ayaa waxay gudidii hore iyo agaasimaha ururku  si tafatiran uga warameen ujeedooyinka ururku u taaganyay, wax qabadkiisa iyo adeegyada guud ee uu siiyo bulshada reer Somaliland. Sidoo kale agaasimaha ururku, Iid Xasan Aw Muuse, wuxu ka waramay halka uu ururku kaga jiro ololeynta qadiyada Somaliland iyo qorshaha ururka ee mustaqbalka dhaw.

Ka dib warbixinta gudidii hore iyo agaasimuhu bixiyeen waxa xubnihii iyo martidii shirwaynaha joogtay waydiiyeen gudida su’aalo ku aadan wax qabadka WLSC, kuna amaaneen dadaalka uu ururku u gallay kor u qaadista magaca Somaliland.  Intaas ka dib, xubnaha WLSC waxay doorteen guddi cusub oo masuuliyada WLSC haysa sanadka soo socda.

 

Gudida cusub ee WLSC waxa ay kala yihiin sidatan:

Iiman Mazamed Ciise (Gudoomiye)

Saynab Cumar (Gudoomiye ku xigeen)

Ifrax Xasan (Qasnaji, Treasurer)

Warda Maxamed Axmed (Xoghaye)

Maxamud Cabdillahi Cige (Xubin)

Xasan Aadan Tarabi (Xubin)

Hana Xirsi (Xubin)

 

Doorashada ka dib waxa gudida cusub ku wareejiyay masuuliyadii gudoomiyihii hore ee WLSC mudane Saleeban Cabdillahi Faarax una hambalyeeyay oo u duceeyay in ilaahay xilka u fudaydiyo kuna najaxiyo hawlaha urur jaaliyadeedka.

 

Ugu dambayntii xubnaha WLSC iyo martidii kasoo qayb gashay shirwaynaha ayaa gudida cusub hambalyo, duco iyo dardaaran usoo jeediyay.

 

Maamulka West London Somaliland Community