Umahaatul Khabaa'is

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
WASALI WASALIM WABAARIK CALAA SAYIDIL DAAKIRIIN, WA IMAAMUL MUTAQIIN
WA CALAA AALIHI WASAXBIHI WAMAN TABICA ILAA YOWMU DIIN.
ILAAHEY baa mahad leh, EEBAHA inoogu deeqay nimcooyinkiisa kala
duwan, ee aaney ci dina koobi Karin isaga mooyaane, ALLAHA Xaqa ah
eek ala garanaaya baahiyaheena ka la duwan, Aduunka & Aakhiro
labadaba. Intaa kadib Rasuulkeenii Suubanaa SCW waxa uu Xadiis
Saxiix Ah ku yidhi “Midkiina Ma rumeeyn ALLEH, Malaa’igtiisa,
Kutubtiisa, Rusu shiisa, Maalinta Qiyaamaha, Qadarka Sharkiisa &
Kheyrkiisaba, Ilaa uu walaalkii la jeclaa do, waxa uu naftiisa la
jecel yahey”. RABBINA SWT waxa uu qawlkiisa sharafka badan in oogu
sheegay “ Xaqiiqo eh wax kale maahee Muuminiitu Waa Walaalo”
ayaadkan shara fka badan ee ALLEH SWT inoo sheegay waxey ku fadhiyaan
xigmad aan guur guur la he yn oo run ah, wax badanbuu RABBI SWT
Aadamaha u cadeeyey, xaqiiqada dhabta ah ee aanu hureyn, in badan
buu uga digey dhabaha sheydaanka oo ah midka khasaaruhu ugu sugan
yahey, isla markaana u cadeeyey dariiqa toosan ee Hanuunka oo ah
midka Liibaantu ugu jirto, Wuxuu ALLEH SWT Qur’aankiisa ku yidhi “
Qabsada Xadhiga ILLAAHEY Dhamaantiin, Hana Kala Tagina’ Rasuulkuna
SCW waxa uu Yidhi “ Muuminiintu waxey isugu dhegan yihiin Sida
Lebanka” aayadan iyo xadiiskani waxey inoo tilmaamayaan Midnimada
walaalnimada & kalgacalka Muuminiinta.
Waxa jira dhaqamo xun xun oo ka reeban ummada Islaamka ah, waxaana
kamid ah:
Xaasidnimada
Isla weynaanta iyadoo dadka kalena kula yar yar yahey
Istuska, Acmaasha & hadalada aanad ILAAHEY SWT Dartii u qabaneyn una
Odhaneyn
Is Xaqiraada, sida: Hebel Muxuu yahey, Reer Hebel Maxey yihiin iwm.
Afartaasi shey sida ay Culimada muslimiintu kutubta qaarkood ku
qoreen, waxey sheeg een in afartan la isku yidhaahdo Hooyooytnka
Xumaanta (Umahaatul khabaa’is) waxaa na ka Dhasha Cudurada ku dhaca
Qalbiga, (Amraadul Quluub) sida kutubtaa Culimadu ku xuseen waxey ka
hadheen markey Cudurada quluubta ku dhaca tiradoooda marinayeen
800,000 oo Cudur (Sideed boqol oo Kun oo Cudur) Sidaa Daraadeed waxa
Is Weydiin Mu dan Dhakhaatiirta Caalamka Bari & Galbeed ee aduunka ku
sugani awood ma u leeyihiin in ay Daweeyaan Xanuunada Qalbiga ku
dhaca? Jawaabtu waa Maya ma Daweeyn kar aan. Hadaba halkee daawadaa
qalbiga laga deyayaa? RABBI SWT wuxuu Ku sheegay Aayaadkiisa qiimaha
badan leh”Kuwa hadii Ay falaan Xumaan, ALLEH Xusuusta, ee ILLAAHEY
ka Tawbad dalba, una noqonin wixii ay faleen iyagoo garanaaya, kuwaa
waxa RABBI Ku abaal mariyaa, Danbi Dhaaf uga yimid RABIGOODA, iyo
Janooyin ay hoos Mar ayaan Wabiyaal, waana kuwa ugu Bursada Nimco
Abaal Marin la isu siiyo”
Waxa kale oo RABBI SWT Qawlkiisa ku yidhi “ Qawmna ILLAAHEY Ma
Qayiro Ilaa iyagoo iyagu Is Qayira Mooyaane”.
Waxeynu manta ognahey in Masuuliyiintii Ummadani Caan ku noqdeen
Qaadashada & Bi xinta Laaluushka, intaa kuma joogsane waxey ku sii
faafiyeen Bulshada si ay taageero ugu helaan xukun jaceyl awgeed (
Xubul Wilaaya) Xumaantaasi waxey dhashey in Been tu Noqoto Astaanta
kaliya ee Ummadani ku can baxdey, kana dhalato Tacasub, Eex,
Qab yaalad, Iimaan yari, & Tafaraaruq, laguna kala qoqobayo midnimada
& Isku Duubnida Bu lshada.
Walaalayaal Siduu Rasuulkeenii Muxamed SCW inoo sheegay “ qofka
Laaluushka Qaata & Qofka Laaluushka Bixiya Labaduba waxey Galayaan
Naarta” Inagoo Waxaa ALLEH SWT & RASUULKIISUBA ka warameen faleyna,
Sidee ayey Suurto Gal u Noqoneysaa Ine ynu Is Jeclaano, Midowno,
Liibaan Gaadhno, Nifaaq La’aan ku Gaadhno Himilada aynu Higsaneyno,
Walaal lama Filo Ilaa & Raxmada EEBE Mooyaane.
Arrimahan aan kor ku soo sheegney, waxey Joogteeyaan Isnac, Kala
Durug & Colaad. Muwaadin Naftaada Ka Baadh, Ta Qoyskaaga Ka Baadh, &
Bulshada Aad Ku Dhawdhawdahey.
Waxaan Qormadan ku soo Geba gebaynayaa, Muuminiintu waxey Leeyihiin
Sifooyin Wan aagsan Kana mid yihiin:
Waji Furnaan ( Dalaaq Al Wajhi, Laa Khataal)
Deeq ( Al Juud)
Dulqaad (Xulam)
Amaano Dhawris
Balan Ilaalin
Isu Naxariisasho
Dhowrsoonaan
Iyo in kale oo faro badan oo RABBI & Rasuulkiisu Tilmaameen, Sidaa
Darteed Walalayaal Waxaan Nafteyda iyo Tiinaba ku Waaninayaa, ineynu
ka waantoowno, waxyaabaha dibu dhaca inagu keenaya If & Aakhiro
labadaba, RABBI Ha ina Waafajiyo Raalinimadiisa & Rabitaankiisaba.
Wa Billaahi Tawfiiq
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
Hargeisa
Somaaliland
|