UFFO maaha wada JABANE ee geesiyaal baa ku jiray

 


Ururkii UFFO runtii waxa ka mid ahaa rag badan oo qadiyadu dhuuxooda iyo dhiigooda ku  dheehne yd oo geesiyaal ah, iyo rag ay ula gashey oo an fileyn in ey sidan u dhici doonto oo cadawga loo  g acan gali doono, waad la wada socotan sida loo kala adkeysi badnaa markey runi run timid ee  cad awga gacantiisa lawada galay, ninka Axmed Jabane la yidhaahda waa raggii ama waa ninkii ugu horeyay ee gacanta cadawga gala, dabcan waa macruuf inuu saameyn weyn ku yeelan karo ragg danbe ee la soo ugaadhsaday isaga dabadii, waxa markii ba cadawgu aabaaray oo is toos ah u  w eeraray raggii kale ee hawsha kula jiray oo midh midh guriyahoodii loo abaaray, waxaanu  aaminsa nahay inuu Axmed Jabane ahaa muftaaxa lagu bar tilmaameedsaday raggii kale ee cadawga  qabt een, maadaama u Axmed Jabane u horeyay qabashadiisu runtii far baa ku godan, maalmahaasi  w areyska UFFO suuqaa lagu daadiya oo ay dawladii Siyaad Bare ka heshay sida ragg badan hore ba u sheegen, ragga suuqa ku daadiya hormood buu ka ahaa Axmed Jabane sidaan warka ku hayo, ninka marxuunka ah ee mj Aden Ali Guhaad maha runtii shakhsi lagu eedeyn karo isagaa faqashta u gudbiyay wargeyska, sidan aaminsanahay wargeyska shaarica Hargeysa ayaa lagu daadiya oo xaqiiqa ah rag daadiyayna waa ragga qoraalada qori jiray ee u ka mid yahay Axmed Jabane iyo Maxamed Baaruud.

Markii arinku adkaaday ee ragga xiniiyahay iyo wadanaha laga garaacey Axmed Jabane wuxu  ah aa raggii xamili kari waaya dhirbaaxada cadawga ee sida naagaha u musanaabay wararkan u  bixi yay, isaga iyo rag kalaba, runtii taariikhada qariban ee u Axmed Jabane kula ahaa halgankii UFFO cidna loo sheegi maayo oo sheeko iyo shaahid ba waa la og yahay, wareysiga Axmed Jabane  WU XU U MUUQDA - ILLAAHEYO COLKEYGA COL KU FURO, oo wuxu doonayaa in facaashii iyo fashilaadii isaga gaar ahaan ku dhacday inuu meel kale farta ugu fiiqo oo xaqiiqda ka fog, waxanse leeyahay Jabane WAR LA HEYA XIISO MALE

Waxan haddaba jecleystay inaan ilmaadeeraday iyo kuwanu asxaabta aheyn ee an wali wareysiyo laga soo qaadin an u digo arimaha qaar oo ay runta ka sheegan si aney ceeb iyo fashilaadii ugu dhici mustaqabalka sida Axmed Jabane, Axmed Muxumada Madar oo ololihii doorashada TViga ugu ololeynaya xisbiga kulmiye Faysal baan na xidhey hadii anu nahay UFF isagoo aan u ahey wax daliil ah, Dr. Taani oo runtii iyo xaqiiqdii sidey aheyd wuu baal maray isagana waxan leeyahay Abti  run ta inaad ku rafato ayeey aheyd oo ad sheegto sida ay waxa u jiraan ee mey aheyn inaad  tidhaah do aniga iyo Faysal waanu iska aragney waxna uma heysto maanta.

Kuwan talada siinaya waa inta an wali codkooda la maqal. Maxamed Cali Ibrahim, Maxamed  Maxa moud Cumar Xaashi, Axmed Hussein Abi. Maxamoud Cabdi Jiciir oo ay walaashey dhashay  isla mar kan an u ahey abti, Xussein Xabeeb oo ahaa macalinkeygii, Yussuf Abdillahi Geydh oo ah  saaxiibka y, Abdiraxman Masale oo isna ahaa saaxiibkey, dhamaantiin waxan idinka digayaa ineyda dhex dab aalan dhiigada u Jabane, Madar iyo Taani dhex fadhiisteen.

Maalintey adagtahay ragu si fiican bey u kala baxaan oo la iskuma safaado, mujaahiid Basha Abdi Yussuf wuxu bilaabay inuu godobtiisi raadsado cidey khuseysan doonto hadey Goondar kor u dha afto, ragga sokeyaha an waxba kalabsan ceebta dul marmarinaya ee ragga ka soo maagaya  wax an leeyahay GODOBTIISA WAA RAADIN JIRAY GEESI MIIGAN

Waxan ku soo gabagbaynayaa qoraalkeyga BEENEY WAA RUN

Wa bilaahi Tawfiq
 

 

 

 

Omar Darood Hassan
Norway