udub vs kulmiye: no winner's
game
Haddii loo fiirsado baryhan dambe sida ay u socoto ololaha
siyaasadeed ee labada xisbi, Kulmiye & UDUB waxa si cad inoogu
muuqanayaa mug yaraanta siyaasadeed iyo xilkasni mo yarida ay
ku kacaan qaar ka mid ah masuuliyiinta labadaa xisbi. By. A Aw
Hussein.
Ummadda Reer Somaliland waxa la gudboon in ay ka tashato xisbiyada
UDUB iyo Kulmiye ee ololahoodii iyo hawshoodii ku soo koobay
hirdanka dhex yaal oo qudha. Sobobahan aan hoos ku soo taxay awgeed
ayaa kalifaya in dub looga fiirsado taageerista labadaa xisbi illaa
inta ay wax ka badalayaan hab dhaqankooda siyaasadeed:
Haddii loo fiirsado baryhan dambe sida ay u socoto ololaha
siyaasadeed ee labada xisbi, Kulmiye & UDUB waxa si cad inoogu
muuqanayaa mug yaraanta siyaasadeed iyo xilkasni mo yarida ay
ku kacaan qaar ka mid ah mas'uuliyiinta labadaa xisbi.
Xisbiga UDUB waxa uu ku guul dareystay in uu soo bandhigo wax
qabadkii iyo horumarkii ay qabatay xukuumada uu hormoodka ka yahay.
Wuxu awoodiisa isugu keenay ka jawaa bista eedeynta kaga
timaad xisbiyada mucaaradka ah. Waxa ay sheegi kari waayeen ba
rnaamujka ay dadka ku hogaamin doonaan hadii dub talada dalka ay ugu
soo noqdaan.
Xisbiyada mucaaradka oo uu ka mid yahay xisbiga Kulmiye iyaguna waxa
ay ku dheeree yaan sheegsheega galdaloolooyinka xukuumadda
UDUB hogaaminayo. Waxa ay fagaara yaasha ka sheegaan inta ay
dadkuba og yihiin ee musuqmaasuq, cadaalad darro iwm.
Nasiib darrose waxa ay ku guuldareysteen sida ay iyagu kaga
wanaagsanaan karaan ee ay iyagu dadka ku dhaqayaan ee ay u rarayaan
reerka haddii talada dalku gacantooda soo gasho. Waxa laga yaabaa in
ay ku andacoodaan in barnaamujkoodu uu diyaar yahay laakiin taasu
macno yeellan meyso kol haddii ay dadka codka ka doonayaan intooda
bada ni ka warqabin. Waxbaan hagaajin doonaa cid waliba way odhan
kartaa ama afkaar cid waliba way keeni kartaa laakiin muhimku waxa
weeyaan in la soo bandhigo afkaar practi cal noqon karta iyo
sidii loo hirgalinayo.
Waxa taa raaca in labadan xisbi ay u ku caan baxeen isdhaleeceynta
iyo is aflagaadeynta shakhsiga ah oo aan loo aabo yeellin. Waxa ay
miciin moodeen oo marar badan warbaahi nta lagu arkaa xaflado
lagu baratamo oo loo qabto dad ay ugu yeedhaan taageerayaal xisbi ka
soo baxay, run iyo been tay doontaba ha noqotee. Waliba UDUB iyo
xukuumadu taas waxa ay u adeegsataa warbaahintii ummadda ka
dhaxeysay oo ay u istcmaalaan si dii tu uu leeyahay xisbiga
talada hayaa.
Waxa iyana jirta oo laga wada dharegsanyahay sidii ay u qabteen
kalfadhiyadii goloyaas hooda oo runtii sidii wax u dhaceen ay
aheyd si aan diimuqraadiyad aheyn. Waxa labadaa kal-fadhiba dadka u
cadaatay in sidii la isku doortay ay ka fogeyd dimuqraadiyada. "Waxa
la yidhi ninkaad kabo ka tolaneyso kuwiisaa la eegaa"!
Labada hogaan ee u taliya labada xisbi waa kuwaa xisbigoodii ku
dhaqi kari waayey dimu qraadiyadda ee ay ku cadaatay
dictatornimadu. Kolkaa hogaanka ceynkaas ah u maleyn maayo in uu taa
tu ka duwan qarranka ku hogaamin karo. Waxa kalfadhiyadaasu labada
xisbiba dhaxalsiiyeen tafaraaruq iyo in ay waayaan taageerayaal
miisaan culus ku leh bulshada dhexdeeda.
Waxa iyana dhowaan dhacday in mas'uul ka tirsan xukuumadda
Somaliland uu iclaamiyey hadal aad ay uga naxday bulshada Somaliland
inteeda badani. Hadalkaas oo ahaa: In ay haboon tahay gudoomiyaha
xisbiga Kulmiye, Mj. Siilaanyo, aanu dub ugu soo noqon wada
nka isaga oo sobob uga dhigay waxan daw aheyn. Sidaasu kolka ay
dhacday waxa haboo naan laheyd ama wanaaga iyo mandaquba ahaa
in ninkaa la ciqaabo oo kolka ugu yar ta hay xilka uu ummadda
u hayo laga fahiisiyo. Waxa ay aheyd in xukuumadda iyo hogaanka
xisbiga UDUB ay iska fogeeyaan hadalka ninkaa ka soo yeedhay. Kolkii
ay sidaasu dhici weyday la yaab noqon meyso in dad badani aaminaan
in xisbiga (UDUB) iyo xukuumaduba ay la qabaan sidaas.
Waxa ay baryahan mas'uuliyiinta UDUB iyo xukuumadu wadwadaan oo ee
ay buunbuun iyaan dacaayado rakhiis ah oo la leeyahy Mj.
Siilaanyo ma aaminsaneyn gooni-isu-taagga Somaliland. Waxa kale oo
iyana jirta mas'uul ka tirsan UDUB in uu iclaamiyo in xubno ka mid
ah xisbiga Kulmiye ay xidhiidh la leeyihiin argagixsada caalamiga ah
isagoon wax daliil ah soo bandhigin. Waliba mas'uulkaas oo mansab
sare ka soo hayey xisbiga uu eedey nayo isagana xisbiga UDUB
wax talaabo ah kamuu qaadin.
Dacaayadahaasu waxa ay ka sii liitaan kuwii qaar ka mid ah
mas'uuliyiinta Kulmiye ee ay ku eedeyn jireen qaar ka mid ah xubnaha
xukuumaddu in Faqashtii gabalkeed dhacay la soo shaqeyn jireen.
Waxa iyana jirtay in mas'uul ka tirsan xisbiga Kulmiye uu iclaamiyey
in dawladaha caalam ku aanay la shaqeyneyn Somaliland inta uu
Md. Rayaale talada dalka hayo. Waxa kale oo aynu maqalnay in
mas'uuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradku ay ku war galiyeen
hayad aha mashaariicda samafalka ka wada wadanka in ay ka fiirsadaan
raashinka la siinayo Somaliland iyaga oo shaki galiyey halka
deeqahoodu ku dambeyn doonaan, iyagaa siinaya sawir ah in xisbiga
talada hayaa uu u adeegsan karo ololaha doorashooyinka. Hadaladaas
hogaanka xisbiga Kulmiye isaguna iskamuu fogeyn sidaa darteed ayaa
loo fasirran karraa in ay ogol yihiin afkaartaa.
Maxaa xal ah?
Xisbiga Sedexaad ee UCID labada xisbi ee kale waxa uu kala wadaagaa
dictatornimada oo kolka dub loo jaleeco sidii ay u qabsadeen
kalfadhigoodii, jawigii uu ku qabsoomay ee lagu soo gabagabeeyey
kamuu fogeyn sidii kuwa labad xibi ee kale. Waxa kale oo xisbiga
Kulmi ye kala mid yahay iyagoon soo bandhigin siyaasadooda ay kaga
wanaagsanaan karaan xisbiga talada haya maanta.
Sidaasaas oo ay tahay kolka laga
reebo hogaanka sare xubnaha xisbiganu waxad moodaa in ay ka asluub
iyo anshax wanaagsan yihiin xubnaha ku jira labada xisbi ee kale.
Inta ba dan lama maqlo aflagaadado iyo eedeymo shaksi ah oo ka
soo yeedha xubnaha ka tirsan xisbigan. Waxan u arkaa kuwa ka
mas'uuliyad badan oo ka mudakarsan kuwa ku jira UDUB iyo Kulmiye.
Hadaba kolka laga reebo mugdiga ku jira siyaasadda wadanka uu ku
maamulayo haddii uu talada dalka qabto taas oo uu kala mid yahay
labada xisbi ee kale, Waxa uu xisbigani kaga mudan yahay kuwa kale
isaga oo xubnihiisu badankooda laga dheehan karo qonyar socdnimo iyo
u tudhis dadka iyo dalkaba.
Alahayow Laba Talaba tii Roon. Alahayow Seddexda ka Waxtar Badan
Guuleysii. Alahayow Doorasho Cadaalad iyo Xalaal ku dhisan.
AAMIIN!!AAMIIN!!AAMIIN!!!
By: A. Aw Hussein
|