UDUB oo Xaflad Soo Dhaweyn ah u Sameysay Xubno Reer Sool ah oo ka Baxay UCID

Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa xaflad soo dhaweyna ah shalay ugu sameeyey xaruntiisa dhexe ee magaalada Hargeysa .saddex xubnood oo hore xilal uga hayey xisbiga mucaaradka ah ee UCID Gobolka Sool.

Saddexda xubnood ee loo sameeyey soo dhaweynta oo dhammaanto od sheegay in UCID isku afgaran waayeen dhinaca siyaasadda, isla markaana ku eedeeyey in xisbigaasi hanan kari waayey bulshada Gobolka Sool, waxa xafladooda ka qaybgalay xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Degaanka, Wasiirul-dawalaha Waxbarashada, Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade iyo xubno ka tirsan UDUB.

Prof Cali Caydiid Xasan oo ka mid ahaa xubnihii xisbiga UCID dhexdiisa doonayey inay uga tartamaan jagada Madaxweyne-ku-xigeenka, isla markaana xubnaha xafladda loo sameeyey ka mid ahaa, ayaa hadal uu halkaas ka jeediyey waxa uu ku weeraray Guddoomiyaha xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay mid siyaasad xumo hayso oo taladii xisbiga oo dhana maroorsaday. Waxaannu ku dooday in badi xubnihii xisbiga UCID ee Gobolka Sool maanta laga bilaabo awoodoodii ku biiriyeen UDUB, taas oo ay sabab u tahay buu yidhi; “Markii aannu door iyo kaalintii aanu doonaynay ka qaadan kari waynay xisbiga UCID oo taladiisii ku soo ururtay guddoomiyaha oo qudha. Waxa halkan UDUB na keenay markii aanu isa soo fahmi waynay xisbiga UCID, guddidiisa fulinta iyo Guddoomiyaha oo waxyaabo badan hore nooga ballanqaaday, markii uu fulin waayay ballanqaadkiisii waxaanu ku tashanay inaanu isaga baxno.

 


TogdheerNews