Udub Oo Ku Hungawday Meelo Ka Mida Fagaaraya asha Gobolada Iyo Degmooyinka  Soma liland

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Ololaha loolan doorashada  madaxtoo yada ayaa maanta sidii aan la filayn uga bilaamay gobolada somaliland iyo qaar ka mid degmooyinka hoos yimadaa gobolka maroodi jeex.

Magaalada Hargaysa ayaa waxaa maanta laysugu soo baxay beerta xoriyada Somaliland oo ay isugu soo biyo shubteen dad aad u tiro yar oo ku labisnaa calanka xisbiga udub, iyada oo ay baabuurtii la soo kireeyay ka bateen  dadw aynihii loogu talagalay.

Loolanka doorashooyinka oo ay si weyn isugu hayeen asxaabta qaranku oo aanay wali ka gaadhin natiijo la taaban karo in kastoo ay labada xisbi mucaarid isku mawqif ka qaateen go’aankii ahaa laalista diwaangelinta.

Wararka ilaa hada naga soo gaadhayaa qaar ka mida gobolada dalka ayaa  sh eegaya in aan maanta sidii laga filaayey looga olalayn, in kastoo ay jiraan  wa rar sheegaya in waxyeelo loo gaystay qaar ka mida baabuurta ka olalaynaysay gudaha magaalada Hargaysa.

Saaka mar aanu booqanay beerta xoriyada ayaa waxay indhahaygu qabteen dad aan sidaas u tiro badan oo ka yar intii laga filaayey taageerayaasha  xis biga talada haya ee Udub.

Shacabka isugu soo baxay fagaaraha beerta xoriyada ayaa waxay  dareenk ooda ku muujiyeen sida ay u taageersan yihiin xisbiga talada haya ee Udub.

Waxaana ka soo qayb galay ololahan xubno ka tirsan wasiirada xukumada madaxweyne riyaale iyo madaxweyne ku xigeenka ahna murashaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Udub

Waxaanay indhahygu qabteen intii uu socday olaluhu, caruur, hooyooyin,  dhal inyaro ku labisan calanaka xisbiga udub iyo garamaan ay ku sawiran yihiin labada murashax ee ka sharaxan xisbiga Udub.
 


 


Mustafe future
Longlivesomaliland News Desk
mccfuture@longlivesomaliland.com
Hargiesa/Somaliland