UDUB Miya Laga Waayay
Waayeel Runta Sheega
Dalkeena Jamhuuriyada Soamaliland Waxaa lagu tirayaa dalalka
dimuqraadiga ah ee nidaamka xisbiyada badan ku dhaqma. Dalka waxaa
ka jira sedex xisbi oo siday u kala hor aasaasmeen kala ah xisbiga
UDUB oo ugu da¢ wayn oo u aasaasay 2001 ILLAAHAY naxariistee
madaxweynihii hore marxum Maxamed Ibrahim Cigaal, xisbiga UCID oo
isna 2001 la aasaasay iyo xisbiga KULMIYE oo ugu wada a¢ yara
xisbiyada oo dhan lana aasaasay May 2002.
Sedex xisbi siyaasi ee dalka ka jira hadaba laba ka mid ah oo ah
KULMIYE iyo UCID ayaa ka soo gudbay caqabada manta hortaal xisbiga
UDUB ee ah shirweynaha mudo dhaafaka ah. Xisbi kasta waxaa u yaal
shuruuc iyo xeer hoosaad ay kala baxaan oo ka dhigan distoorka
xisbiga ee kala saaraya muranka iyo markay xaalado cakiranto ee ay
mugdi mugdi gasho.
Waxaa xisbigii UDUB hogaankiisii noqday anigaa wax walba ah kadib
markii madaxweyne Riyaale uu magacaabay raxan wasiiradiisii ah inay
noqdaan gudida qabanqaabada shirweynaha UDUB ee uu waliba madaxweyne
ku xigeenkiisiina uu gudidaas gudoomiye uga dhigay inuu ka noqdo !
hadaynan is yeelyeelayn ilmaha afar jirka ah ayaa khiyaamada intaa
le¢eg fahmi kara. Taas waxaa Daahir Riyaale Kaahin uga hawl yarayd
war ordoo isoo magacaaba aniga iyo Axmed Yusuf Yaasin waxaan se
meesha qaban hoosaasinta iyo waayeel habaabinta jarta la isu wada
dagayo. Horta la yaabi mayo wasiirada la magacaabay ee mid kastaa ka
baqayo in mansabkiisa uu waayo haduu runta sheego, bal aragnay mid
baqay iyo mid wax ku maqanyihiin oo wax cunaye miyaa la waayay mid
isagu dhexdhexaad ah oo waar heedhe ka daaya yidhaahda. Waxaa xaqiiq
ah oo run ah in UDUB raga Daahir Riyaale iska barbarsharaxay mahee
dad runta ka hadlay oo kale aan wali xisbiga laga maqal.
Daahir Riyaale waxaad mooda inuu dalkan ku qabsaday inqlaab milatari,
wuxuu kaga bilaabay markii uu ururka Qaran iska hortaagay xaqoodii
distooriga ahaa ee u fusaxaya inuu yeeshaan urur siyaasadeed oo uu
waliba niman siyaasiyiin ah oo aan hubaysnayn xoog iyo muquunin
intuu ku soo qab qabtay jeelka Mandheera mudo dheer ku hayay. Maanta
oo xisbiga UDUB dhexdeeda ay xalaal tahay in lagu dhex tartamo ayay
noqotay in ergooyinkii shirweynaha lagu soo xulo isna sidii
guulwadayaadsha xisbigii kacaanka. Daahir muuxu Cabddilahi Xuseen
Iimaan (Deereewal) uu uga baqayaa haduu kalsooni naftiisa ku qabo?
Maxaa xildhibaanada UDUB ee golha wakiilada qaar ka mid ah looga
saaray golihii dhexe ee xisbiga? Maxaa loo xagxaganayaa Alxaji
Saleebaan Maxamud Adan gudoomiyenimada golha guurtida? Maxaa ragii
UDUB aasaasayna dibada loo dhigay ergooyinah shaqaalihii dawladana
gobalada iyo degmooyinka looga soo ururinayaa?
Xisbi , magaciisii waxaa dilay Daahir Rayaale Kaahin iyo
wasiiradiisa aan xaqa iyo xaqdarada kala aqoon ee macnaha iyo
xishmada dimuqraadiyadu leedahay ku badalanaya mansab bariba aanay
ku waari doonin. Tartanku waa xalaal in la tartamaa xisbi dhexdii
haduu yahay iyo haduu yahay xisbi mucaarad ahba. Siyaasada
Somalilandna waxay sharaf ku leedahay marka si dimuqraadi ah loo
tartamo. UDUBTA Daahir Riyaale se siyaasadii waxay ka dhigatay in la
dagaalamayo, in la kala tagayo, inaan dib la isu arkayn. Waar nin
yidhi waan tartamayaa wax muu dhimine UDUBTII Riyaale mid dhiirada
oo runta iyo xaqaba sheega ma laga waayay. Mid runta ka sheega
caqliyada odhanaysa anigaa ka gudoomiye ah, anigaa gudididii
qabanqaabada ah, anigaa kii aan lala tartamayn ah, anigaa kii wax
dooranayay ah, anigaa kii la dooranayay ah, anigaa kii tirinayay ah,
anigaa kii ku dhawaaqayay ah. Hadii hadaba UDUBTA Riyaale ee
guulwadayaasha ah laga waayay nin intaa sheega waxaa xaqiiq noqon
doonta in shirweyne xalaal ah oo lagu tartamo shuruucda iyo xeerarka
xisbigana waafaqsan la qaban karo.
Maxamud Lafcanbe
Toronto , Canada
|