UDUB iyo UCID oo Bilaabay in ay Dhex-Dhexaadiyaan Labada KULMIYE ee Khilaafku ka dhexeeyo

 

        

Shirkii ugu dambeeyey ee Xalay ay labada garab isku soo horfadhiisteen oo ka dhacay Hutelka Ambasador, ayaa waxa labada garab ay xubnihii dhexdhexaadinayey ku soo kordhiyeen xubno cusub, kuwaas oo tiradii hore ee Todobada ahaa ka dhigaya Siddeed xubnood, xubnaha cusubna waxa ka mid ah Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Qareen Maxamed Jaamac iyo Ibraahim Axmed (Sandheere).

Dhinaca kale labada Xisbi Qaran ee UDUB iyo UCID oo wadajira, ayaa gaargaar ula kulmay labada garab ee uu xisbiga KULMIYE isku hayo.

Sidoo kale kulan xalay ay labada garab isku soo hor fadhiisteen ayay xubno kale oo cusub ku soo biiriyeen xubnihii hore ee todobada ahaa oo ay qaar ka cudurdaarteen dhexdhexaadinta khilaafka ka dhex jira xisbiga.

Xubno labada xisbi Qaran ee UDUB iyo UCID ka tirsan oo ay hoggaaminayeen Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha UDUB Maxamed Ismaaciil Bullaale oo labada garab la kulmay, ayaa labadaba kala hadlay sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen ee ay u dhawri lahaayeen xaqa uu Dastuurka Somaliland ku jideeyey jiritaanka Saddex Xisbi Qaran oo u tartama hoggaanka dalka.
Ergadan labada xisbi Qaran ee UDUB iyo UCID waxay labada garab u soo jeediyeen in khilaafka ay ku dhamaystaan wadahadalada dhexdooda ka socda si loo afjaro burbur Xisbiga ku yimaada, waxaanay labadooduba ku baraarujiyeen inay gaadhaan is faham dhalasho ah.

Labada garab ee Xisbiga KULMIYE, ayaa iyana dhinacooda midba afkaartiisa iyo halka uu taagan yahay uga warramay, waxaanay qaarkood u soo jeediyeen dhibaatooyinka hannaan socodka Axsaabta ka dhex jira, taas hadaan si dhakhso ah wax looga qaban sahayan doonta iyagana.




Source: Waaheen