UDUB & RIYAALE HA OGADAAN INAY DUSHODA TAHAY AYNA QAADAAN WIXII KA
DHASHA WARSAXAFADEDKA DHAGARAYSAN
Mudane Cabdi Raxmaan Cabdi Qaadir
Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE
ayaa jawaab aad u kuluul ka bixiyey warsaxaafadeedkii
Xoghaya Guud ee xisbiga Talada haya ee
UDUB, Jaamac Yaasin, uu dhawaan
ku weeraray Xisbiga Kulmiye kuna tilmaamy Qaar Dalka ka wada qas iyo
dhibaato ilaa 91 kii.
Haddaba war-saxafadeed uu ku saxeexan yahay Mudane C/raxamaan C/qaadir
oo soo gaadhay Xafiiska warqabdka ToggaHerer ayaa u qornaa sidatan:-
“Eedeynta naxliga xambaarsan iyo aflagaadooyinka ku jihaysan hogg
aanka Kulmiye waxay ka mid noqdeen farsamooyinka ay hawl wadee nka
Udub iyo xukuumaddu ku hantaan kalsoonida
War saxaafadeedkii uu xisbiga udub soo saaray, wuxu na xusuusiyey
dhammaadkii 1990 markii dalkii Soomaliya la odhan jirey badankiisu
gacanta u galay jabhadihii hubaysnaa sida SNM, SPM iyo USC, isla
mark aasna uu kacdoonka dadweynuhu ka bilaabmay xaafadihii
madax tooyada ku xeerna, dabadeedna kooxdii la magac-baxday
Manifesto ay talo ula tageen Maxamed Siyaad Barre kuna yidhaahdeen
muddo bad an ayaad madaxweyne dalka xukumaysay iminka dadkii
wuu kaa soo hor jeeda ee iska tag oo aan dawladda Talyaaniga
magangelyo kuu weydiino, halkii wax kale laga filaayey ayuu Maxamed
Siyaad Barre Odayadii ergada ahaa ugu jawaabay (Mucaaridku, iimaanka
laga qaad maxay doonayaan, may Dalku waa barwaaqee wax-soo-saarka
beeraha iyo kaluun badda kala soo baxaan).
Jawaabtii Maxamed Siyaad Barre iyo warsaxaafadeedka Xoghayaha Guud
ee xisbiga Udub waxay wadaagaan mid waliba wax aan looga fadhiyin
bay la shir yimaaddeen. Labaduba xaalad khalkhal mustaqbali ah bay
ku sugan yihiin.
Waa lagu yaqaan miyir beelka nidaam ku mamay hantida ummadda marka
waqtigiisu dhammaado, cidda uu ifka ugu neceb yahayna waa cidda
xusuusisa inay saacaddii dhammaatay. Waa taas tan Kulmiye u soo
jiiday eedeynta iyo aflagaadada qaawan ee war saxaafadeedkaasi ku
sifoobay.
Eedeynta naxliga xambaarsan iyo aflagaadooyinka ku jihaysan
hoggaanka Kulmiye waxay ka mid noqdeen farsamooyinka ay hawlwadeenka
Udub iyo xukuumaddu ku hantaan kalsoonida Riyaale hore ayaa qaar ugu
dallaceen ama mansabyo ku heleen cayda Kulmiye iyo aflagaadooyinka
anshaxa iyo asluubta ka baxsan ee madaxda sar sare ee Kulmiye lagula
kacay.
Isweydiintu waxay tahay maxaa xilligan isaga ah waxaas oo colaad ah
Kulmiye kaga galabsaday Udub? Maxaa keenay baraq-nuglaanta Udub iyo
Xukuumadda Udub?
Jawaabtu way fududdahay. Waa mawqifka Kulmiye ee ku aaddan arrimaha
muddo kordhinta kaas oo ah:
Udub iyo Xukuumadda Riyaale way ku guul darraysteen inay doorashadii
ku qabataan xilligeedii ahaa 14 abriil, 2008,
Kulmiye muddo kordhin sanad ah oo aanay taageerayaashiisu ku
qanacsanayn ayuu hore u oggolaaday.
Udub iyo Riyaale waxay mar kale ku fashilmeen inay doorasho qabtaan
muddadii cusubayd ee lagu heshiiyey oo ku beegan 29 March, 2009
Udub iyo xukuumadda Riyaale waxay quuddarayeen inay helaan
korodhsiimo saddexaad, taas oo aanay UDUB u qalmin loo kordhiyo.
Arrintaas Kulmiye mawqif cad ayuu iska taagay, inaan korodhsiimo
danbe dhicin. Wuxuna aaminsan yahay inay khalad tahay in Udub iyo
xukuumadda Riyaale lagu abaal mariyo xilgudasho la’aanta iyo
fadhiidnimada ay ku sifoobeen. Loona baahan yahay in golayaasha
qaranku ka talo bixiyeen ciddii umadda gaadhsiin lahayd doorashada.
Ugu danbayn, xisbiga Udub iyo xukuumadda Riyaale ha ogaadaan inay
dushooda tahay ayna qaadaan masuuliyadda wixii ka dhasha
warsaxafadeedka dhagareysan ee fidno abuurka iyo naxliga
xambaarsanaa.
Gabagabadii waxaan doonaynaa in aan halkan ku xusno:
1. in aan Xisbiga KULMIYE marna u soo bandhigin Ummadda Somaliland
balanqaadyo been ah.
2. Xisbiga KULMIYE marna dhiig iyo dhagar toonna kama gelin Qaranka
iyo Bulsho weynta reer Somaliland, kumana weerarin taangiyo iyo
beebeeyo cisbitaalka guud ee Qaranka.
3. Xisbiga KULMIYE marna ma urursan hanti Qaran, ma iibsan dhul dan
guud i.w.m.
4. Xisbiga KULMIYE wuxuu mar walba diyaar u yahay inuu ka qaybgalo
Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo Dalka ka dhaca.
ilaa maalintii Xisbiga Kulmiye la aasaasay ilaa maanta kama
qaybgelin wax dagaalo ah ama shaqaaqooyin oo Dalka ka dhacay.”
Togaherer
|