UDUB:Xulashada Musharaxiinta + Xerada Qoodha+Xulashada Gudoomiye Cusub Iyo Xiisaha Ka Danbeeya ?

 


Madaxweynaha Talada Dalka haya ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa haatan u muuqda mid mar kale xisbigiisa UDUB u Cumamadi doono musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi uga qayb galayaa tartanka Doorashooyinka madaxtinimo ee lagu wado in ay dalka ka dhacaan Horaanta Sanadka 2009.

Sida laga soo xigtay masuuliyiin sare sare oo ka mid ah xisbiga UDUB oo uu gudoomiye u yahay isla madaxweynuhu, kuwaasi oo iyagu shaaciyay in uu Madxweynuhu yahay musharaxa Gajadaasi kula loolami doona Musharxiinta kale ee dhigiisa ah.

Ilaa iyo hada ma Jiro xili rasmi ah oo loo cayimay Qabashada shirka Golaha dhexe ee xisbiga UDUB oo iyagu dooran doona Musharixiintooda Madxweynaha Iyo Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga ee ka qayb galaaya tartanga Guud ee madaxtinimada Dalka

Musharaxa Madaxweynaha ee UDUB

Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ahna Madaxweynaha Talada Haya ee Daahir Riyaale Kaahin ayaa isagu Hore daboolka Uga qaaday In uu Mar kale isu soo taagaayo Tar-tanka Doorashooyinka Somaliland Hadii ay Doortaan Golaha Dhexe ee Xisbigu isagoo taas Rajo weyn ka muujiyay.

Waxaanu xusay in ay taasi awood u leeyihiin in ay Musharixiintooda doortaan Golaha dhexe ee xisbigiso oo uu sheegay in ay ku dhaqmaan Nimaadka Dimuqraadiga ah ee hanaanka Xisbiyada Badan.

Waloow aanay ilaa Iyo hada Muuqan Cid kale oo uu damac ka hayo in jagadani kula loolamaan Madxweyne Daahir Riyaale, hasa yeeshee waxa ay hadal hayntoodu muuqataa Shaqsiyaad Miisaan weyn ku dhex leh Masraxa Siyaasada Somaliland Xubin buxdana ka ah Golaha dhexe ee xisbiga Iyo Ka Fulintaba

''maaha in dadkii la afduubo, dalka iyo Xisbigana xil ayaa naga saaran, waxaanan arkayaa in dalku isbedel u baahanyahay, isbedelkaasna cidda fulinaysa ama taladiisa wax ku yeelanaysa ayaanu noqon doonaa, oo gacmaha ka laaban mayno kana aamusi mayno.

Markaas waxaan ku leeyahay dalku isbedel ayuu u baahanyahay,xisbiguna maaha sagaalka qof ee xafiiska fadhiya ee dadkaa codka siinaya weeye" Sidaasi waxa Laga soo wariyay Xil.C/Qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka Mid ah Golaha wakiilada ee xisbiga UDUB ka Soo baxay Xubin weyna ka ah Xisbiga talada haya oo ka hadlaayay Musharixiinta Xisbigiisa

Erayadani ayaa dhadhankooda Siyaasiga ahi u muuqdaa mid aan ku Qanci karin Mushaaraxnimada Rayaale ee Marlabaad uu Xisbigu u soo Diran doono tar-tanka Doorashooyink

Dhan kastaba ka eego ilaa Iyo Hada ma Cada Cid kale oo Rayaale kula Loolami doonta Gudaha Xisbiga UDUB, oo si Cad ugu dhawaaqda Musharaxnimadooda Marka laga reebo Shaqsiyaad Miisaan weyn ku leh Xisbiga oo la Hadal Hayo

Musharixiinta Madaxweyne-Ku-Xigeenka

Inkasta oo kursiga weyn ee Madaxweynuhu u Muuqdo Mid aan Lagula Gorgortami Karin , has yeeshee waxa uu Ifafaalaha Loolan adag oo loo gali doonaa ka Muuqdaa Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga, ka dib markii ay isla Bishan gudeheeda soo Bexeen shaqsiyaad ku dhawaaqay in ay isu soo taagi doonaan Musharxiinta jagadaasi ee gudaha Xisbiga UDUB,

"Waxa aan rabaa in xisbiga UDUB dhexdiisa ay ka muuqato dimoqraadiyadda aynu qaadanay,Xilku waa Meerto" Somaliland haddii aynu nahay waxaynu qaadanay nidaamka dimuqraadiyadda waxa aanu rabnaa in xisbigayaga dhexdiisa dimuqraadiyad noocaas oo kale ahi ay ka muuqato, Sidaasi waxa ku Dhawaaqay Axmed Maxamed Axmed (Jowhari) oo sheegay in uu isu soo taagaayo Musharaxiinta jagadaasi ku-xigeenka ee Xisbiga Gudihiisa.

Xubinkale oo ka Mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga UDUB ayaa isaguna Si rasni ah ugu dhawaaqay in uu yahay Musharaxa Madxweyne-ku-xigeenka Xisbiga dhexdiisa, waxana uu sheegay in uu aad ugu kalsoon yahay in Golaha dhexe codkooda siin doonaan,

Sidoo kale Madaxweyne Ku Xigeenka Haatan xafiiska fadhiya ee Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isaguna Si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu mar labaad isu soo taagi doono Musharaxa Madxweyne Ku Xigeenka ee Xisbiga UDUB," Waxaanu Nahay Koox (UDUB),waxna aan isu Sharaxayaa Mar Labaad Madxweyne-Ku-Xigeenk" Sidaas waxa Yidhi Madxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin oo ka Jawaabaayay Su,aalo Arintan ku saabsan oo lagu waydiiyay Madasha Ururuka Somaliland America Councel (SAC)

Jawabaha uu Madxweyne ku Xigeenku madashaasi ka Bixiyay kuwooda ku saabsan Doorashada Doorkan ee Gudaha Xisbiga UDUB, Ayaa badan koodu u dhadhmaayay , in isaga iyo Madxweyne Daahir Riyaale Mar labaad la wada Dooran Doono.

Dhinaca Kale Xoghaya Guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale, ayaa isagu si Cad u sheegay in Xisbigisu Mar wada Dooran Doono Labada Musharax ee uga qayb galayaa Tar-tanka Doorashooyinka Dalka," Labada Musharax Marbaa lawada Dooranayaa" Ayuu Yidhi Mr Bulaale waxana uu intaasi Ku Daray, "Ninkii Musharaxa Garoonka UDUB waa u Furan yahay.

Hasa yeeshee Xoghaye Bulaale Muu Cayimin Goobta Iyo Goorta la Qaban Doono Shirweynihii Xisbigiisa oo isaga Laftiisu uu qiray In uu Mudo dhaafay.

Gudoomiyaha Xisbiga Iyo Dareenada Ku Xeeran

Ka sokow musharaxiinta Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenka Xisbiga Gudihiisa waxa isaguna Su,aalo badani ku xeeran yihiin Cida Noqon Doonta Ama loo dooran doona Gudoomiyah Xisbiga UDUB, Iyo Qaar ka Mid ah Kuraasta Sare Sare oo qaar ka Mid ahi Laga Yaabo in la Doorta marka la Qabto Shieweynaha Sadexaad ee Xisbiga UDUB oo haatan Mudo dhaafay.

Ma kala Cada in Madaxweyna Riyaale shirweynaha Sadexaad ee Xisbigan ku Wareejin doono Iyo In kale Jagada Gudoomiyaha Xisbiga oo uu hada Hayo Iyo In kale , hasa yeeshee waxa ay dad Xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw xisbiga Laga Soo xigtay in xisbiga loo dooran doono Gudoomiye cusub oo hogaanka u hayn doona shanta sano ee soo socda
Waa markii ugu danbeysay ee uu isa soo sharaxo Madxweyne Riyaaale , Sida uu dhigaayo Dastuurka Jamhuuriyada oo madaxweynaha Laba goor uun u ogol in uu tar-tamo, Taas badalkeedana waxa ay su,aalo Badni ka Tagan Yihiin Cida gacanta ku Qaban Doonta Hogaanka Xisbiga UDUB Iyo Guud ahaanba Mustaqbalka Xisbiga ,

Damaca Gudoomiyaha Xisbiga UDUB

Sida ay Sheegayaa warar lagu kal soon yahay oo laga soo Xiganaayo ilo ku dhaw dhaw Xisbiga UDUB, ayaa Muujinaaya shaqsiyaad laga yaabo in lagu wareejiyo Hogaanka Xisbiga UDUB, Sidoo kale waxa ay hada hayntoodi soo ifbaxaysaa Shaqsiyaad Damac ka Hayo in lagu wareejiyo Gudoonka Xisbiga .

Kuwaasi oo ay ka Mid yihiin, Wasiirka Maaliyada S/Land Xuseen Cali Ducaale,(Cawil),Wassirka Duulista Hawad Iyo Gaadiidka Cirka Cali Maxamed Warancade, Labada Masuul oo ka Mid ah xukuumada Madaxweyne Riyaale, ka Sokow waxa iyaguna Jira Shaqsiyaad Ka Mid ah Masuuliyiinta Sare Sare ee Xisbiga oo uu Jagadani ka Hayo Damac weyni, Sida Xil,C/Qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka mid ah Golaha wakiilada ee ka soo baxay Xisbiga UDUB, Wassiirkii Hore ee Duulista Hawada Axmed Cabdi Dheere, Iyo Wassiirkii Hore ee Caafimaadka Iyo Shaqada, C/Laahi Xuseen Iimaan (Darawel).

Damaca Baarqabada Gudahaha Xisbiga UDUB, oo miisaan ahaan aan kala Dhicin ayaa u muuqda Mid isku huursan, kuwaasi oo la sheegay in Qaar ka Mid ahi ay kalsooni badan ka haystaan Madaxweynaha oo haatan u Muuqada in ay Gacanta ugu Jirto inta badana Awooda Guud ee Xisbigu.

Hasa yeeshee ilaa Iyo hada ma kala Cada in Madaxweynuhu wareejin Doono Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Iyo In kale,lakiin waxa iska cad in Mustaqbalka Xisbiga UDUB uu xiligan u Muuqdo Mid Dusha ay ka Ilaashanayaa Siyaasiyiin Fara badan oo Miisaan Culus ku dhex leh Gudaha Xisbiga.


Xulasha Musharaxiinta Iyo Xiisaha Ku Gadaama

Xulashada Musharaxiinta Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenkiisa ee Xisbiga UDUB u soo Dirta Tartanka 2009, waxa ay Saamayn Culus ku yeelan doontaa Rabitaanka Guud ee Taageerayaasha Xisbiga, Si ay u meel marta Rabitaanka Guushu,
Sidoo kale Doorashada Gudoomiye Cusub oo loo dhiibo Hogaanka Xisbiga ee Shanta Sano ee Soo Socdaa waxa ay Saamayn taas la Mid ah ku yeelan Doontaa Hanaanka Guud ee himilada ka Midho dhalinta Guul uu UDUB Mar labaad ka Soo hooyo doorshooyinka Madaxtinimada ee Somaliland ,

Dhan kastaba ka eegoo marka uu qalinku isku soo wada Min guuriyo Dareenada ku Xeeran Shirweynaha Sadexaad ee Xisbiga Talada dalka Haya ee UDUB, Iyo Damacyada Is-huursan ee ay la Dariska Yihiin Shaqsiyaad Miisaan weyn ku leh Xisbiga Gudihiisu, waxa uu khadka Qalinku ka dhur sugayaa " Dooga ka Baxa Roobka Dayrta Da,a |"
 

 

 


Qore Foosi Saleebaan Aw-Bindhe

Freelenc Journalezim
E-Mail: foosi36@hotmail.com