Kulan ku saabsan ka hor tagga iyo la dagaalanka Argixisada iyo horumarinta hawlaha Xisbiga UDUB & Xukuumadda JSL oo ka dhici doona Cardiff, UK

 

Shir balaadhan oo socon doona muddo laba cisho ah Sabtida iyo Axadda ama weekend ka 22-23/11/2008 ayaa UDUB UK ku qabanayaan Magaalada Cardiff, Wales UK. Kulankan oo loogu talo galay inay ka soo qayb galaan dhamaan Xubnaha Gudiga Fulinta UDUB UK, Gudiyada Laamaha afarta Waaxood ee London iyo Gudiyada magaalooyinka kale ee ay ka mid yihiin: Bristol, Cardiff, Birmingham iyo Sheffield.

Kulankan waxa kale oo lagu marti qaaday Xubno ka tirsan Gudiga Fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga UDUB oo hore ugu sugnaa dalkan Britain iyo Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasadda UDUB, Mudane Cumar Jaamac oo booqasho hawleed ku jooga Carigan Ingiriiska iyo waliba Madax kale oo ka mid yahay Dr. Maxamed Aar, Safiirka wareegga ee JSL iyo Mudane Cabdi Fataax, Safiirka Ireland, Mudane Aadan Jibril, Safiirka Ingiriiska iyo Marti sharaf kale oo qadarin mudan.

Shirkan oo mid noociisa oo kale ah aan hore loogu qaban qaabin UK waxa uu ka dhashay ama sabab u ah dareenkii Murugada lahaa ee qofkasta oo Muwaadin Somaliland ah qalbigiisa taabtay Arbacadii 29th October 2008 iyo xidhiidh iyo wada tashi masuuliyadeed oo dhexmaray madaxda iyo Xubnaha Xisbiga UDUB ee Ingiriiska ku sugan maalmihii ka dambeeyey dhacdadaas lama ilaawaanka ah. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu falanqayn doono shirkan waxaa ka mid ah Dardargalinta iyo horumarinta hawlaha xisbiga UDUB iyo Xukuumadda JSL iyo Ladagaalanka iyo ka hortagga Argagixsada ka soo horjeedda Qaranimada JSL taasoo nacaybka ay xukuumadda iyo shicibka Somaliland u hayaan kasoo ifbaxday Ismiidaamintii dhicisowday ee Argagixisada bishii hore.

Qodobada kale ee shirka laga hadli doono waxaa ka mid ah kaalinta iyo midnimada Shacbiga Somaliland iyo sidii horumarka, doorashooyinka iyo dedaalada kale ama waxqabadka cadowgu ka xunyihiin xawli dheeraad ah loo sii galin lahaa.

 Habka iyo hanaanka kulanku u socon doono oo ku salaysnaan doonta Ajendaha shirka iyo Jadwalka loogu talo galay waxa qaybaha ugu badani noqon doonaa Xogogaal waranka, aqoon iyo waayo-aragnimo isweydaarsi waxaana lagu soo bandhigi doonaa xaqiiqooyin qoraal ah ama qaababka kale ee wax laysaga dhaadhiciyo. Waxa si gaar ah diiradda loo saari doonaa waxqabadka Xisbiga UDUB , Guulaha, Dhaliilaha, Dhibaatooyinka iyo Fursadaha jira sidii looga faa'iidaysan lahaa, waxaana la rajaynayaa inay ka soo bixi doonaan qodobo muhiim iyo talooyin qiimo leh. Ugu dambayntii waxa lagula dardaarmayaa dhamaan Xubnaha Kulankani khuseeyo inay u diyaar garoobaan sidii ay uga soo qayb gali lahaayeen, kaalintoodana uga qaataan. Wixii Faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan kulankan waxaad kala soo xidhiidhaa:
 


 


Axmed Naasir Xirsi Maxamed

Gudoomiyaha UDUB UK
Tel: (0117) 9425239
Mobile: 07958569215
Ahmedlibaah@hotmail.com
 


iyo Cardiff


Abdulkarem Ahmed

Gudoomiyaha gobalka Wales ee UK

Mobile: 07958462556