WAR MURTIYEED

 


 




KU: Dhammaan Daneeyayaasha Doorashooyinka JSL.
OG: Golaha Wakiillada JSL.
OG: Golaha Guurtida JSL.
OG: Guddiga Doorashooyinka Qaranka
OG: Xisbiyada Siyaasadda JSL.
OG: Madaxweynaha JSL.

WAR MURTIYEED.

Dhab ahaan doorasho qaran oo ka hirgasha waddan waa arrin muhiimad weyn kufadhida oo aan sina loo fudaydsan karin, sabatoo ah macnaha ka dambeeya doorashada waa in ay ka soo baxaan golayaashii iyo madaxweynihii go’aamin lahaa masiirka ummadda muddada markaa loo dooranayo xilkaas.

Sidaa darteed mar haddii natiijada doorashadu ay khusayso nolosha muwaadinka si guud iyo si gaarba waxa lama huraan ah in aynu si qoto dheer u eegno hadba halka aynu dhigeyno jiritaankeena iyo qaranimadeena, si aayaha nolosheenu uu dhaxalgal u noqdo uguna gacan gelin ashkhaas aan masuuliyaddaa culus xilkasnimo ku hanan karin.

Hadaba waxa hubaal ah in sifaha ay ku qabsoomi karto doorasho dastuuri ah isla markaana si xor iyo xalaal ah u hanaqaadda ay gundhig u tahay oo aan laga fursanayn diiwaangelin sharci ah, sugan oo ka hufan been, shaki iyo ceebo kale dhamaantood.

Sideedabana doorasho ma noqon karto mid run ah haddii aan lagu jaangoyn mabda’a HAL QOF – HAL COD. Haddaba inaga oo ka shidaal qaadanayna waayo aragnimada aynu ka dhaxalnay doorashadii ugu dambeysay ee dalka ka dhacday iyo nooca ay ahayd diiwaan shacbiyeedka lagu hirgeliyey marka laga eego dhinaca shuruucda, Komishanka iyo saameynta ay ku lahaayeen ururro ajanabi ahi waxa muuqata goldaloolo badan oo indhaha laga qarsaday duruufo adag awgood.

Si hadaba loo xaqiijiyo in dooroshooyinka heer qaran ay ahaadaan cadaalad, sharci, markhaati raadraac muuqda leh si ay natiijadiisu u qanciso muwaadin kasta waxa markaa waajib ah in aynu dib u eegno daahana ka rogno dalba-juuqooyinka diiwanka codbixiyayaasha aynu haatan hayno taasi oo wax la dedo ka xeeldheer oo macnaheedu yahay in ay ka fogtahay wax lagu dhaqmi karo maxaa yeelay waa masiirkii iyo xaqii muwaadinka oo gef laga gelayo.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay hay’adda ERIS oo loo xilsaaray kala shaandheynta diiwaanka waxa ay shaaca ka qaaday:

1. Inkasta oo ay guddiga dooroshooyinka ay u suurto gashay in ay qabataan doorashadii madaxtooyada ee june 2010, hase ahaatee, diiwaanka codbixiyaha ee ay ku salaysnayd ay ku jiraan khaladaad badan iyo ku celcelin xad-dhaaf ah, iyadoo qalabkii loo isticmaalayna uu ahaa mid ka gaabiyay kala hufka iyo kala haadinta heerkii loo baahnaa si loo saxo.
2. ERIS waxay talo ahaan ugu jeedisay Komishanka in aanay kusii wadi karin diiwaanka codbixiyaha sida uu yahay, mar haddii aanu sax ahayn isla markaana cillado laga helay loo maaro waayey.

3. Waxa si aan muran lahayn loo cadeeyey in diiwaanka guud ay 30% khalad yihiin, taasoo macnaheedu yahay sadexdii qofba mid ayaa si aan sharci ahayn loo diiwaan geliyay.

4. Diiwaanka aynu haynaa ma yahay mid mar labaad la isticmaali karo? Jawaabtu waa MAYA, Sababtoo ah:
a. Waa mid loogu talogalay sidiisaba in hal mar la adeegsado oo aan dib loo isticmaalin.
b. Ma laha awood uu astaamaha gaarka ah ee shakhsiga si sax ah u qaado (sida sawirka iyo faraha), Si uu u soo saaro waraaqaha aqoonsiga jinsiyadda iyo codbixinta oo sax ah.
c. Barnaamijka Software-ka ee la adeegsaday ma ahayn mid ku habboon ujeedada loo adeegsaday haba yaraatee.

Waxa haddaba layaab leh sida ay Komishanku uga gaabsadeen, iyagoo si buuxda u ogsoon xaqiiqada dhabta ah ee diiwaangelintii hore loo qaaday in ay ummadda u soo bandhigaan, Arrintan oo ahayd sababtii Komishankii iyaga ka horeeyay ay isku casileen.

Sidaa darteed annaga oo tix raacayna soo jeedinta khubaradaas ERIS waxaanu ummadda ku baraarujinaynaa in Xogta iyo Qalabka diiwaangelinta labaduba ay dhinteen oo aanay rajo dambe lahayn.

Waxaanu markaa si lexejeclo ku jirto u soo jeedinaynaa:

1. In aan qorshaynta iyo maamulka sirta ama xogta muwaadinka iyo tan ummaddaba aan ajaanib sinaba gacanta loogu gelin karin.
2. In si rasmi ah loo bilaabo diiwaan gelin guud (Civil Register), iyada oo hawshaa ay fulinayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kaashanaysa dawladaha hoose isla markaana ay ka qayb qaadanayaan madax dhaqameedka si loo xaqiijiyo muwaadinimada qofka la diiwaangelinayo.
3. Marka hawshaa Diiwaangelinta guud ee shacbiga si wacan loo dhameeyo, waxa si fudud looga dheegi karaa diiwaanka codbixiyayaasha.
4. Ilaalinta, dhawrista iyo ka midho-dhalinta qorshaha arrimahan xasaasiga ahi waxay dhabarka u saarantahay oo ka masuul ah labada gole ee Guurtida iyo Wakiiladda.
5. Waxa kale oo waajib ah in golayaasha qaranku dajiyaan shuruucdii loo baahnaa, ka hor inta aan la guda gelin qorsheynta iyo hirgelinta hawshan.
6. Waxaanu magan uga nahay labada gole in aan la dhayalsan waajibka qaran ee arrintani leedahay una saaraan gudiyo gaar ah oo dabagala, hubiyana xaqiiqada hawshan, si aynu uga hortagno ugana gaashaamanno inay qarba-qarbo inagu noqoto mar aan waxba la qaban karin, sidii DHIDAR ONKOD KICIYEY.
7. Waxaanu afeef ka dhigaynaa in labada gole u gonda-degaan qaabka iyo waxa lagu galayo labada doorasho ee foodda inagu soo haya (Degaanka iyo Wakiilada). Maadaama ay caddahay in hirgelinta diiwaangelinta cusub ee muwaadinka iyo tan codbixiyayaashu ay u baahan tahay muddo aan yarayn.


Allaa Mahad Leh,

Axmed Yusuf Yassin
K/S Guddoomiyaha Xisbiga UDUB