UDHIS oo
Kulan Balaadhan u Qabatay Bulshada
Reer Burco
Burco (TNN)-Urur siyaasadeedka
Udhis ayaa maanta kulan balladhan oo uu u qabtay bulshada re
er Togdheer,uguna baaqay inay si nabad-galyo leh u galaan doorashada
foodda inagu soo haysa, isla markaana si wadajir ah uga hortagaan
waxkasta oo ay u arkaan inay carqalad ku yihiin degg
anaanshaha iyo nabadgalyada.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta sare ee urur
siyaasadeedka Udhis,Laguna qabt ay Huteel Quluumbe ayaa waxaa
ka hadlay xildhibaan Maxamed X. Maxamud, kaasoo sheegay in waxa
kaliya ee ummadda deeqaa ay tahay caddaalad, haddiise la waayo ay
beddelkeeda imanay so dhibaato badani.
Wuxuu intaas ku daray xildhibaanku in ninka helayaa doorashada uu si
nabadgalyo leh ku helo, is la markaana wuxuu sheegay inaan cidna
laga yeelayn inay doorashada khalkhal galiso oo dhiba ato ku
raadiso kursiga, wuxuuna bulshada Togdheer ugu baaqay inay noqdaan
kuwo isku xidhan oo ka shaqeeya degganaanshaha iyo xasiloonida.
Muj. Ibrahim Dhaga-weyne oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa
tilmaamay in Burco tahay goob xisaasiya oo hadday hagaagto
Somaliland oo dhammi hagaagayso, hadday xumaatana saamayn weyn ayey
ku yeelanaysaa dalka oo dhan, sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay
ayuu yidhi “ in reer Burco noqdaan kuwo meel uga soo wada-jeesta
ilaalinta amniga oo laga hortago khalkhal ku yimaadda doorashooyinka,
isla markaana qof kastaaba xor u yahay xisbiga uu codka siinayo.
Waxaanu Ibraahim Dhaga-weyne ugu baaqay saddexda xisbi Qaran inay
noqdaan kuwo ilaaliya n abadgalyada oo si degganaansho leh ku
gala doorashada, balse aan laga yeelayn ciddii isku day da
inay dhibaato abuuraan.
Muj. Maxamed Kaahin oo isna ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga
Kulmiye oo kulankaas ka ha dlay ayaa u mahad-celiyey Ururka
Udhis ee kulankan soo qaban-qaabiyey, isla markaana sheeg ay
in dhibaato kasta oo afirka ka dhacdaa ay ka bilaabanto
doorashooyinka,sidaas awgeed, loo baahan yahay in wadajir looga
shaqeeyo degganaanshaha iyo xasiloonida.
Kulankan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa hlakaas ka
hadlay Saciid X. Axmed Qulumbe,Aden Tarabi iyo Xasan Guure, kuwaasoo
dhammaantood ku dheeraaday ilaalinta iyo ad kaynta
nabadgalyada, iyo in si nabadgalyo leh ay bulshadu u galaan
doorashada.
Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Udhis ayaa muhiimaddiisu
ahayd sidii bulshada loogu baraarujin lahaa nabadda maadaama la
galayo wakhtigii doorashooyinka,ayaa Masuuliyiinta UDHIS goobtaa ka
cadeeyeen inaanay Saedxda Xisbi Qaran Midnaba taageersanayn.
Source:Togdheernews
|