UCID oo u Metalay Somaliland Shirweyne ka Dhacay Dalka Mexico ee
Koonfurta Ameerika

Xisbigiga UCID oo ku baaqay in xukumaadu dejiso qorshe siyaasadda
khaarajiga lagaga wada qayb galo si Somaliland looga saaro go’doonka
Mexico city (TNN):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng.
Faysal Cali-waraabe iyo xubno kale oo xisbigiisa ka tirsan oo
metelayey qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kaga qaybgalay
dalka Mexico ee woqooyiga qaaradda Ameerika shirweyne caalami ah.
Shirka Mexico ka qabsoomay oo la soo gunaanaday Salaasadii shalay,
waxa isugu tagay xis biyada shaqaalaha iyo hanta-goosadka ee caalamka
oo xisbiga UCID xubin ka yahay, iyado o shirkaasna ay ka qaybgaleen
weftiyo ka kala socday ilaa 79 waddan.
Qoraal ka soo baxay xisbiga UCID, ayaa lagu sheegay in guddoome
Faysal Cali-waraabe iyo weftigiisu kala qaybgaleen ergooyinka
shirkaas doodu ku salaysan xallinta dhibaatooyinka hortaagan
dimuqraadiyadda, ku-dhaqanka sharciga iyo nidaamka, iyagoo
masuuliyiinta UC ID u bandhigay ergooyinka shirka ka qaybgalay
doorashooyinka soo socda ee Somaliland iyo hannaanka
dimuqraadiyadeed ee dalka ka jira.
Guddoomiyaha UCID iyo xubnaha la socday, ayaa wufuudda ka qaybgalay
shirkaas ka cods aday inay goob-joogayaal u soo diraan doorashooyinka
la filayo inay Somaliland ka dhaca an badhtamaha sannadka 2015,
iyagoo sidoo kale ergooyinka u sharraxay siyaasadda UC ID iyo qaabka
ay u ilaaliyaan danaha muwaaddiniinta .
Xisbiga UCID, ayaa ugu baaqay xukuumadda talada haysa ee madaxweyne
Siilaanyo inay dhaqangeliso, lana dardargeliyo hannaan suurtogeliya
in la sameeyo sidii looga wada qayb qaadan lahaa siyaasadda arrimaha
dibadda si dalka looga saaro go’doonka uu xilligan ku jiro, maadaama
waddamada jaarku xidheen xadkooda.
Masuuliyiinta xisbiga UCID, ayaa sidoo kale ergooyinka shirka Mexico
u faahfaahiyey hanna anka dimuqraadiyadeed ee ka jira Somaliland iyo
sida dastuurka u dammaanad qaaday gan acsiga xorta ah iyo isku darka
dhaqaalaha, arrintaasoo ay ku sifeeyeen mid dalka u horseedi karta
horumar iyo barwaaqo.
Sida qoraalka UCID lagu sheegay Guddoomiye Faysal Cali-waraabe, ayaa
ergada shirka u iftiimiyey caqabadaha Somaliland ka haysta inay
fagaarayaasha caalamka ka muuqato iyo qaabka ergada shirka joogay
uga caawin karaan inay dunida ka hesho aqoonsiga ay sharci ahaan
xaqa u leedahay, maadaama ay buuxiyeen shuruudaha dawladnimo iyo
xeerarka caalamiga ah ee u horseedi kara inay aqoonsi ka helaan
adduunka.
Source:Jamhuriya
|