UCID iyo Wadani wa in ay noqdan laba xisbi oo mucaarid ah oo meel kaso wada jeeda haddii kale xaalkeenu wa Bariga dhex oo maalin ba mid ba lagu guuri doona

 



Waxan maanta qalinka iyo waraqadan isku dul dhigay in an bal inaan aragtideyda ka dhiibto khilaafka labad xisbi mucaarid iyo labadooda gudoomiye oo an u arkey kuwo laga faa'iisan karo haddii ay ku si jiraan marxaladaasi maanta ay ku sugan yihiin ee ah khilaafka ragaadiyay mucaaridadii loo baahana ee xakameyn laheyd dawlada iyo xusbul xaakimka kulmiye.

Runtii intii la cilaamiyay sadexda xisbi qaran ee doorashooyinkii golayaasah dagaanka kuso baxay wuxu shacabkii dareensan yahay ama shaki iyo mugdi kaga jira xisbiyada so baxay ee UCID iyo Wadani oo khilaafkoodu wali sii socdo iyagoo ah labada xisbi oo mucaarid aha islamarkan uu shacabku usoo doortey si loo helo mucaarid mideysan o xisbul xaakimka la xisaabtama..

Shacabka iyo qofwalo o dareen somalilandnimo ku jiraaba waxay rajo xumo ku tilmaamayaan ama ka qaban labada xisbi qaran ee mucaaridka ah o an aheyn kuwo mucaaridadoodu noqon doonto mustaqbalka mid midho dhal ah oo shacabka u adeegi karta mustaqbalka.

Waxay runtii shacabku calool xumo iyo mas'uuliyad daro ku tilmaamayan markaad xanta hoose hoos ugu si dhaadhacdo wada shaqeyn la'aanta labada gudoomiye xisbiyad mucaaridka ah Faysal iyo Abdiraxman, oo runti mudo ba an isku sanbanaaneyn oo u wali jiro khilaafkii xisbiga UCID ka dhex dilaacey ee mudada socday islamarkan wali ay ku kala qeybsan yihiin ila haddan an xal rasmiya laga gaadhin iso soo jeedka madaxda ama labada gudoomiye xisbi, ila haddan ma jirto ergo dhexdhexaandin ah oo dhexgashey khilaafka labada masuul oo runta u kala sheegtey iyo mas'uuliyada saran iyo in ay ku qasban yihiin in ay wada shaqeyn yeeshan maadaama ay yihiin laba xisbi siyaasi oo mucaarid ah.. sowtii LA ODHAN JIREY SIYAASADU MA LAHA SAAXIIB JOOGTA AH EE DAN JOOGTA AH BEY LEEDAHAY.. MAANTA WAA IN AD DANTA LABAD XISBI EE MUCAARIDKA AH AD HOOS U EEGTAN IYO DANTA SHACABKIINA IDIN SO DOORTEY.. EE MUCAARIDKA AH..


Khilaafkaasi labada mas'uul runtii wuxu dib udhac ku tahay wada shaqeynta labada xisbi ee mucaaridka ah madaxdooda, khilaafkaasi wuxu faa'iido uuleeyahay xisbul xaakimka oo doonaya inu labada xisbi qaran e mucaaridka marwalba isku dhufto iyaga o jahawareer iyo kalsooni la'aan dhex dhigo, maalin ba wuxu doonaya inu awrkiisa ku kicsto xisbiga u rabo kuna guuro.

Si taasi looga hortago waxan odhan laha labada xisbi qaran ee UCID iyo Wadani madaxdooda sare e an iyagu khilaafka iyo muranku hore uso dhexmarin e doonaya in mucaaridada mideysan laga yeesho xisbul xaakimku ay isku yimaadan oo ay fududeyaan sidii labada xisbi wada shaqeyn iyo iskaashi u lahaan layeen.. haddii midba midka kale ilgaar ah ku eego waxa lumeysa mucaaridadii iyo hawlihii labadan xisbi loo igmaday ama loo doortey..

Waxan leeyahay madaxda labada xisbi qaran ee UCID iyo Wadani wa in laga gudba jarjarandan ina hortaala o la noqda laba xisbi oo mucaarid ah o aragtidoodu mideysan tahay haddii kale xaaladeenu wa BARIGA DHEX IYO KULMIYE OO MAALIN BA MID KU GUURA.

Wa aragtideyda ee maaha mid cid kale ila qabto ama ila wadaagto waxan odhan laha wa in laba gudi o labad xisbi qaran ee UCID iyo Wadani isku yimaadan oo ay ka wada tashadan sidii ay wada shaqeyn iyo mucaaridada mideysan u yeelan laheyn.. ila taasi la helo mucaaridadi ma jirto xusbul xaakimkan lama xakameyn karo..shacabkuna wuxu u baahan yahay mucaarid mideysan o isku aragtiya.. looma baahan mucaarid iyagu isku muuqda oo si gaar ah isku eegaya iyagu..Wa in xal loo hela khilaafka labada gudoomiye xisbi ee Wadani iyo UCID, si ay mucaaridadu isula jaan qaado oo meel looga so wada jeedo hawsha qaranka.

Maanta Xaalada wadanku meesha ay mareyso wa mid qofwal o waxgaradihi ba maanta og yahay.. wa xaalad u baahan dawlad iyo mucaaridba meel looga so wada jeedo oo qaranimadeen aynu difaaco, oo dhibaatooyinka jira aynu damina oo aynu caqli saliim ah la nimaadna.

Wa bilaahi tawfiq

 



Omar Darood Hassan
Norway