UCID iyo KULMIYE Waxay Soo Qaateen Mashruuc Ku Jihaysan Afduubka iyo Burburinta Somaliland

 

Xanta Siyaasada ee kusoo korodhay Dalka Somaliland laga soo bilaabo intii aynu dhoofka xoolaheena dib usoo furnay, waxa inagu soo kordhay mashruuc lagu burburinayo Jiritaankeena iyo madaxbanaanideeda mana aha wax sahlan hadii aanay shacabku ka hor tagin.


Intii uu kor usoo kacay dalabkii sayladaha xooluhu ee dalkeena Somaliland, ayaa waxa suuqyadii soo gashay lacagta adag ee doolarka maraykanka (US Dollars).Lacagtani waa mid inaga soo gashay laba dhinac oo kala ah: dhanka iibka  xoola ha iyo dhinaca Axsaabta mucaaridka oo ka helay sida shacbigu isla dhex  maraya an Shariifka Xamar. Mashruucani waa mid si dadban uu u maalgashaday Sheekh Shariif waxaana ku baxay bajid dhan 6 million oo Doolar($ 6,000,000).Qadarka lacagtan ayaa si isu dheelitiran ugu qaybsantay masuuliyiinta fulinaysa  mashr uuca burburinta Somaliland oo ah labada xisbi mucaarid, una gutaan waajibkooda (Tirtirista Jiritaanka Somaliland) si isku mida, shacbigana u gayaysiiyaan  lugooy adii 1960-kii.Mashruucan waxa kalifay iyadoo kalsoonidii Mucaaridku ku lahaayeen shacabkooda Somaliland ay dhimatay dabadeedna ay noqdeen Xaydhawantii Dabka isku shubtay!!

Hadaba ka hor intii aanu Shariifku bixin lacagtan ayaa uu ku xidhay shuruud  taa soo ah inuu Faysal Cali Waraabe afkiisa kaga dhawaaqo inuu Sheekh Shariif  adhi ga u furay Somaliland isna waxuu fuliyay shuruudii maalintii 17/11/09 Qarankii Somaliland-na ku noqotay meelkadhac aan cidi hore ugu dhicin. Mashruucan ayaa hadaba waxa u banbaxay Gudomiya UCID iyo Xogmahayaa KULMIYE ee kasoo dira lacagta shariifka UK. Waynu is uur garanaynaa weedha iyo hadalka lays leeyayna waa mid saamayn ku yeelanaya shacabka oo dadku wax ku qaadanayaan haduu sax yahay iyo haduu qalad yahay. Bal hadaba suaashan Gudoomiye Faysal hawga jawaabo shacabka labada su’aalood ee soo socda:

April 14, 2003 ayaad saxaafada afkaaga uga sheegtay hadalkan: NINKII KURSI DOONAYOOW KURSIGII NIN (MW DAAHIR R KAAHIN) AYAA HELAY, NINKII  SOMA LILAND DOONAYOOWNA SOMALILAND WAY JIRTAA, wakhtigaa Anigu dalka ayaan goobjoog ahaa khaasatan xarunta Komishanka iyadoo dadku ay aad ula dhaceen sidaad u qirtay doorashada xorta iyo xalaasha ah ee dhacday. HADANA  WAA DIGAN IS BURIYAY EE YIDHI November 18, 2009: DOORASHADII RAYAALE KUSOO BAXAY MAY AHAYN DOORASHO BALSE WAXAY AHAYD KU XUMEE.


1- Hadaba adoo raaliya Gudoomiye umada u sheeg ilayn adigaa qiray inuu ku  guul aystay Rayaale kursiga si xalaala, ee waayo cida aad ku xumaynaysay??

2- Maxaa xisbigaaga looga waayay mujaahidiintii ma dhacdadii hore u dhacday ayay wali xasuusan yihiin hadal waa guud mare. U fiirso xibigaan ka tirsanay UDUB waxa gundhada ugu jira Waayeelkii SNM – Mujaahid Siciid M Nuur iyo Mujaahid Cali Guray oo ah madaxda SNM kuwa ugu waawayn inta ku jirta UDUB hadaanay kaba waawaynayn kuwa kalena.


Akhristayaal: Qoraalada is daba jooga ah ma jecli, laakiin mucaaridkii ayaa  bilaab ay wax olole u eg balse Qaran dumisa. Anigana way ila gudboonaatay inaan difaac mujiyo.


Ha ilaawina waxaynu nahay Dad walaalo ah, laakiin xaga siyaasada  Dameerahee nu isma gayaan - UDUB,KULMIYE IYO UCID.

 



SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB

QATAR.
E-Mail Address: muwadin01@hotmail.com