WAR-SAXAAFADEED

 


ASC Dhamaantiinba:

Sidda bulshada Somaliland inteeda badani ka warqabto waxa in muddo ahba aad ka dareema ysay in barnaamijyaga siyaasadeed iyo wareysiyada ka baxa warbaahinta Somaliland gaar ahaan TV-ga qaran iyo HCTV iyo kuwa kale ee af-Soomaaliga ku baxaba ay noqdeen qaar u adeegga xukuumada Somalilind oo keli ah, fidiyana propaganda-ha liita ee ay goosatey inay xukuumadu ka iibiso bulshada haatan ka dheregsan maanta xukuumadani tubka ay qaadey. Sababta kaliftey in Television-adu u dhego nuglaadaan xukuumada Somaliland waxaweeye in dhaqaalihii dalka ay gelinlahay ama cashuurtii umadda ay ku bixiso siddii ay dhamaan warba antii uga dhigi lahayd qaar ay cabudhiso iyo qaar iyada u adeegga oo madaxtooyada hoos yimaada.

Warbaahintu, gaar ahaan television-nadu waxay ka mid yihiin saxxaafadda madaxa banana, waxaana loogu tallogalay inay u adeegaan dhamaan bulsho weynta, xukuumada, xisbiyada qaran iyo guud ahaan macaamiishooda. Sidaa awgeed waxaa ku waajib ah inay shaqadooda u gutaan si dhexdhexaad iyo inay ka fogaadaan in cidi sigaar ah ugu adeegato. Gaar ahaan TV-ga qaran-ka waxaanu xasuusinaynaa inuu yahay television qaran oo anay xukuumadu si gaar u lahayn uguna adeegankarin maadaa uu kudhisayahay cashuurtii umadda Somaliland.

Baadhitaan dheer oo uu Xisbiga UCID Laantiisa UK sameeyay kadib waxaa noo cadaatey in television-nada ka adeega dalka intooda badi ay dhinac ka raranyihiin, howgu darnaado TV-ga Qaran-ka. Markaa waxaan xasuusinaynaa mar haddii xukuumadii, maxkamadii, sharci dejintii iyo guurtidiiba isku milmeen oo ay taasi keentey in hantidii umadda kawada dhaxaysay xukuumadu sidaydoonto u isticmaasho. TV-gii qarankuna noqdey idheh iyo habdhaqankii lagu yaqiin warbaahinta dictatorship-ka, inay arinkan ka waantoobaan umadana dhex u noqdaan.

Waxaan uga digeynaa warbaahinta habdhaqanka nocon ah, waxaan xasuusinayna in dalkan UK iyo Yurubba shaci aan cidina ku tumankartin ka jiro. Markaa haddii aanay deg deg wax uga bedelin habdhaqanka noocan ee ay caadeysteen, xisbi ahaan helin xaqa warbaahineed in aanu taallo sharciga UK ama Yurub waafaqsan kaqaadidoono BI’IDNILAAH.
 


Guul iyo Gobanimo

Alle Mahadleh

Muhamad Jama Koodbuur-Shiine
Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee UK