“Turkigu Xil ayuu iska Saaray Wada-hadalka Somaliland & Somalia,” Wasiir Xirsi

 



Hargeysa (TNN)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka warbixiyay natiijada socdaal ay dhawaan ku tageen isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxa med Biixi Yoonis dalka Turkiga,

kaasoo salka ku hayay u gogol-xaadhka wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo dalka Soomaaliya oo la filayo inay dib u furmaan.

Wasiirka oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in safarkaas si haboon ugu soo idlaaday, isla markaana ay gaadheen ujeedooyinkiisii.

wasiirku waxa uu tilmaamay in dawladda Turkigu ay xil iska saartay wada-hadalka labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, si dawlad kastaa miiska u keento masiirkeeda mustaqbalka. "Guud ahaan safarkan oo qaatay mudo todobaad ah ayaan ku joogay dalka Turkiga halkaas oo aan aniga iyo wasiirka arrimaha dibedda jamhuuriyada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis u tagney gogol xaadhka iyo samaynta Ajendeyaasha shirka wada-hadallada dawladdaha Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas ku daray, isagoo xusay inuu si wanaagsan ugu soo dhamaaday ujeedkii socdaalkaasi. "Socdaalkan shaqo ayaa noogu soo dhamaaday si haboon isla markaana aan soo gaadhnay ujeedooyinkii aanu u tagney.”

"Sida aad la socotaan dawlada Turkigu waxay xil weyn iska saartay wada-hadashiinta dawladdaha Somaliland iyo Soomaaliya, si dawlad walba miiska u keento masiirkeeda mustaqbal,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiirku waxa uu sheegay in markasta xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay xaqiijinta rabitaanka shacabka, waxaanu yidhi, "Xukuumada Somaliland-na marwalba waxaa ka go’an xaqiijinta rabitaanka shacabka Somaliland oo ku dhisan afti shacab iyo rabitaan umadeed.”