Tolow Reer Awdal Xuquuqda Ay Somaliland ka Waayeen Waa Maxay

 

Tolow Reer Awdal Xuquuqda Ay Somaliland ka Waayeen Waa Maxay Waa Iyaga Habeen Iyo Dharaarba La Soo Taagan Soomaali-weyne!


Waxaa iswaydiin mudan in la baadigoobo xalna loo helo cabashooyinka ay tirsanayaan mujtamaca ku nool gobolka Awdal oo taariikhiyan ahaan jiray degmo ka mida degmooyinkii laga xukumi jiray gobolkii weynaa ee la odhan jiray waqooyi galbeed (maroodi-Jeex) xilligii isticmaarka ilaa dabayaaqadii dawladdii dhexe ee maamulaysay Soomaaliya oo dhan dhibtii ay ka tagtayna loo caal waayay lagagana quustay xal  siyaasade ed iyo mid milatariba ee aynnu arkaynnu halkii looga talin jiray  Soomali ya oo dhammi maanta wajiga naxdinta leh ee ay ku sugantahay ee  nink a taa u halqan taagayooy waad aragti gaabatahaye armaad  candhuuf taada dib u liqdaa ood wax la qaybsataa ninka wax kuu oggol oo adoo gob ku ah Somaliland armaad gun ku noqotaa Muqdisha oo kii u dhashay iyo ma quustaba ka huleeyleen.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa dabkii baxaya baa dab lagu qabsadaa oo maanta Somaliland waxay mudantahay ku dayasho iyo in wax lala  qabs ado sababtoo ah 18kii sano ee ay jirtay Somaliland waxay ku suganayd wax Ilaaha wayn looga mahadnaqo oo ah NABADGELYO taamaa oo aysan la wadaagin intii kale ee dal waynihii la isku odhan jiray  Soomaa liya taana waxaa abaalkeeda iskaleh shicibka reer Somaliland oo dhaq an ahaan aad uga gaddisan Soomaalida inteeda kale. Dhaqanka iyo caadooyinka Somaliland wuxuu ka badbaadshay dadkeeda inay ku  dhac aan badweynta masaai’b ee ay ku jirto koofurta Soomaaliya oo cudud milatari iyo shiraar dibadeed aan kala go’lahayn lagaga quustay  mees ha Somaliland ay xallisay mashaakilkii uu kala dhexdhigay maamulkii garmaqaataha ahaa ee faashasha isugu dhiibay shacabka Soomaaliya meel kastow joogaba.

Cidi umay soo gurman dhaqaalena cidi may siin ay shararkooda ku  qabs adaan ka dib markay afka goosatay dawladdii kaligi-taliyihii Siyaad  Barr e oo aadka u sii nibcayd beesha dhexe ee ka mida beelaha wadadaga Somaliland laakiin hiddo iyo dhaqan wanaagii ay waligood geed hoosti ku kala dhammaysan jireen hadbaa wixii dhibee yimaada baa u suurto galisay inay shir isugu yimaadaan beelaha daga Somaliland si ay  aaya hooda uga wada tashadaan iyadoon cidi cidda kale ka lahayn talo soo jeedinta iyo wixii laga yeelayo masiirka ummada mar haddii la waayay Soomali-weyn ee Muqdisho noqotay meel balo-degtay iyagoo  isticm alaya hadalkii gabadhii tidhi haddii wadaad la waayay miyaa loo nin la’aanayaa!!!kkk

Iyadoo maanta madaxweynaha Somaliland uu yahay nin ka soo jeeda gobolka Awdal ee cabashada badan ee la la’yahay wax lagu raalli galiyo ayaad arkaysaa inaysan dadka deegaankaasi ka raalli ahayn gooni-isutaaga Jamhuuridda Somaliland oo dadkeedu u soo maray halgan adag oo qaatay sanooyin badan kaasoo keenay khasaare naf iyo  maal ba leh laakiin looga samray inay xoog kula soo noqdeen  xorriyado odii luntay maalmo ka bacdi markay la midoobeen koofurta Soomaaliya July 1st 1960gii. Waxay taariikhdu ina xasuusinaysaa in markii  Somalil and calkeeda qaataday June 26,1960 ay reer Boorame durbaanka u tumeen sidii loola midoobi lahaa Muqdisha oo aysan wax aqoona u lahayn  dadk eeda ee ay ka ahayd intii Hargeysa la idinka xukumi lahaa Xamar halla idinka xukumo mana garanayo muddadii 30ka sano ahayd ee dalka Muqdisha looga talinayay wax uga soo kordhay reer Boorame oon ka ahayn dhawr nin oo laantii danbi baarista u shaqayn jiray oo uu ka mid ahaa Daahir Riyaale.

Reer Awdalow waxaa la yidhi oodi ab ka dhaw ee adinkoo maanta  hor mood ka ah dalka oo ka sharraxan 3da xisbi qaran oo kii soo baxaba aad awood siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba aan cidi idiinka awd roona andoon baan waxaan idin leeyahay adeerayaal maxaa idinku kallifay cabashooyinkan joogtadaa iyo Somaliland nacaybka iyo inaad u  halqan taagtaan Soomaali-weyn uusan jirin melay ka shaqeyso mise waxay idinka tahay Isaaq nacaybkii la idinku xaman jiray oo si kastoo la idiin soo dhaweeyo ama la idiinka tanaasulo xuquuq badan ee beelaha kale wali way idinka mayrmi la’dayay reer Booramanimadii qarnigii 19aad.

Sababta igu kalliftay inaan sidaa canaanta leh wax idiinku sheego waa midaad runteeda isdiidsiinaysaan laakiin aadamahoo dhammi wada arkayo Soomaaliduna waxay tidhaahdaa fallaadhi gilgilasho kaagama harto ee adinkoo waxaad gar iyo xaqba u leedihiin aan cidi idiin  diidana yn maxaad adinku isaga ciidaysaan cadkiina mise waxaa idinku cusub sida loola xaajooda RAG maxaad markiiba u cadhootaan ood masiirkiina iyo kii ummada aad dal-wadaagta tihiin qarka uga tuuraysaan  miyayd aan caqli kala hara lahayn sida Soomaalida kale.

Gunaanadkii waxaan ku soo xidhayaa hadalkayga reer Awdalow qaata go’aankii xeer-beegta oo gardiidi waa Alle-diide gartii guurtidu  go’aam isay siduu ahaa u qaata hana dhaleecaynina dadkii 100 habeen ku  haw lanaa kala badbaadinta beelaha isku haya dhulaan ka badnayn 10KM. Waxaase looga fadhiyaa madaxweynaha S/L Md Daahir Riyaale inuu  ful iyo go’aamadii xeer-beegtu ka soo saartay arrinta Ceelbardaale ee  uu san ka dhigin go’aamada guurtida la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan ee madaxweyne xasuusnow markay kaa dhammaatay  mudda dii shacabku ku doortay waxaa laba jeer xilkii madaxweynenimada kuu gordhiyey golaha guurtida ee adoo taa qiimaynaya meel ha uga dhicin ciddii kugu sharaftay inaad xilka ummadda sii hayso ee fuli go’aamadii xeerbeegtu ka soo saareen Ceelbardaale hana noqon madaxweyne la kala safta beelaha uu hoggaamiyo, reer Gabileyna waxaan leeyahay ha yeelina wax ka yar go’aankii ka soo baxay xeer-beegtii xaq soorka ahayd mana ahan inaan u kala hiilinayo labada beelood ee waa gaal dil gartiisana siih taasoo macnaheedu yahay in laba jeer dhulkaa loo xukumay reer Gabiley!!


Wa Billaahi Tawfiiq

 


Qalinkii: Shueib A. Gaboose