Toloow Ma Ogtahay Somaliland, In ay La Galayso Wada-Hadal Soomaaliya + Puntland!

 

 

 


Saamaynta reer Puntland ee Soomaalida-koonfureed waa siyaado!

Waa laga yaabaa dadka qaarkii inay la yaabanaayeen bishii hore markii uu madaxwaynaha maa mul goboleedka Puntland Md, Cabdi-Raxmaan Maxamad Faroole lahaa, wada hadal ma dhex mari karo Somaliland iyo Soomaaliya hadaan Puntland ku jirin! Dad aan ku jiraase waan ogayn in aanu iska hadlin Faroole ee uu ogyahay in ay isaga iyo dadka dega Puntland uun ka go'do arimaha Soo maaliya!. Taariikhdii hore adigoon baciidsan bal intii ka danbaysay burburkii waxii la isku odhan ji ray Soomaaliya ee ay ku midoobeen Somaliland iyo Somali-italia dib u milicso.

Dawladii Cali-mahdi (1991-kii) ee ay Mani-feesto dhistay iyaga ayaa dabada ka riixayay, oo oday aal badan oo markaa Xamar joogay oo reer Puntland ah ayaa, la sheegay inay Cali-mahdi aad ug u guntadeen soo bixistiisa, sababta ay sidaa u samaynayeen waxa ay ahayd ka carar Gen, Caydi id ah (AHUN). Arintaasi waxa guud ahaan Soomaalidu ay ka dhaxashay, gaar ahaan-na beesha koonfurta ugu badani waa laga dheregsan yahay.

Ugu-horaynba, waxa taasi ka dhashay inay Soomaaliya waxii la odhan jiray ee ahaa Koonfur iyo Waqooyi kala baxaan oo arintaasaa raad wayn ayay ku lahayd. Somaliland meesha markay bana ysayna koonfuri waxa ay qaaday wado qardo jeex ah oo Xero belaayo iyo baas hurdaan ayay ku hoyatay, dagaal sokeeye ayaa mulacyeeyay oo qoortaa la isku dheereeyay, xaajaduna marba marka ka danbeeya way ka sii dartay oo ay murgtay ilaa iyo jeer ay gaadhay halka ay maanta joogto ee ay ka soo waaqsan laadahahy!

Waxase yaabkeeda leh, inay dadka ku abtirsada Puntland ay iyaga taasi dheef-uun u biirisay, oo waxa ay ku mutideen in wax kasta oo dhaqaale iyo awoodba ah oo Soomaali-koonfuri leedahay ay kaalinta kowaad ama labaad iyagu yeeshaan oo ay helaan, waxa xusid gaar ah mudan shirkii Carta (Djibouti) ee dawladii Cabdi-qaasim lagu soo dhisay, in Puntland gacan wayn ku lahayd qaaciidada 4.5- ee ay hada dawladahan ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya adeegsadaan, isla shirkaa Parliment-kii lagu dhisay oo ka koobnaa 245-kursi waxa ay reer Puntland ka xasiliyeen oo ay ka heleen 22-xubnood oo weliba markii ay reer Puntland diideen uu ergo ka galay madaxway naha Djibouti oo uu ku qanciyay, halka la yidhi waxa loo qoondeeyay 24-xubnood Beel-waynta Isaaqa ah oo dhan, miyaanay sheekadaasina wax qofka caadiga ah ee xay-ga ah dhaygag galin aya ahayn. Ku darso oo nidaamkan Federaalka ah ee Soomaaliya la rabo inay isku maamusho aay aha soo socda cida isna hoosta ku wadataa ee aadka ugu ad-adagi waa reer Puntland, sababtu wax kale ma aha ee waa Somaliland-diidnimo. Waxa intaa iyaga u dheer maamulkoodii Puntland oo u gaar ah oo wax-tar badan-na sida uu doonaba ha ku yimaadee ay ku qabaan.

Dhaqaalaha, iyo awood qaybsiga Soomaaliya iyo reer Puntland.

Laga soo bilaabo dawladii Gen, Caydiid ee 1993-kii ee dhawrka madaxweyne ku-xigeen lahayd, waxa ay reer Puntland ka bislaysteen oo u hirgashay in maamul kasta oo Soomaaliya loo sameeyo ay cadka ugu shilis ka helaan, oo ay ka noqdaan madaxweyne ama ku xigeen, labaatankaa sano oo malaha la soo dhisay 5-maamul laba mar oo qudha ayaa nin aan haybtiisu Puntland ahaynin ( Cali-Khaliif iyo Farmaajo) qabtay markaana waa la ogaa waxii ka raacay! Dhaqaalaha waa sidaa iyo si le'eg oo iska-daa wax kaloo xataa Schooler-ship-yada deeqaha lagu helo iyagaa ugu badsada. Waxii kale ee gargaar loo fidiyo Soomaalida Koonfurta Tsunami kol ay ku tahay qayb dheeraad leh ayaa ay ka hantiyaan.

Ma aha waxa taasi suurto-galiyay in dadka ku dhaqan gobolada bariga Soomaaliya (Puntland) ay tiro ahaan iyagu ugu badan yihiin Soomaaliya (ex-Soomaali-Koonfur), oo runtu sida ay tahay hadii ay ugu bataan waxay ka noqonayaan 8-10%, ee sadbursigaa ama damacaa waxa siiyay reer Puntland waa dhaliil iyo dhoohnaan siyaasadeed oo ay leeyihiin dadka kale ee Soomaalidu siiba beesha ugu badan Koonfurtu. Haa way jirtaa firfircooni badan oo ka aloosan mar kastaba Puntland, waxase tamaradeedu ay ku xidhan tahay hadba Isha- ay arkayaan.

Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Waa guul siyaasadeed oo 20-gu' soo dhismaysay oo u soo hoyatay reer Somaliland in maanta caalamku ku qanco, in Somaliland iyada oo qaran ah ay kala hadasho Arimahii ka dhaxayn jiray Soomaalida Koonfurta xalintooda, oo dawlad Soomaaliya matasha ha ahaato tan Sheekh Shariif ama tu iman doonto-e ay is hor-fadhiistaan. Waxase haboon in aad loo baandheeyo oo aan saxar yarina ku rognaan cida ay Somaliland la hadlayso iyo waxa lagala hadlayo. Sida ka muuqata Sheekh Shariif gudida uu soo magacaabay oo tiradoodu ay ka kooban tahay 7-wasiir, laba ka mid ahi wasiiradaasi waxa ay ka socdaan maamulka PUNTLAND. Markaa halkaa waxa ka cad in arimaha la murginayo oo dawlada Sheekh Shariif ay u dhegowadan tahay reer Puntland, sidii tii Aadan Cade! Oo hadalkii madaxwayne Cabdi-raxmaan Maxamad Faroole ee ahaa '' ma wada hadli karaan Somaliland iyo Soomaaliya hadaan Puntland ku jirin'' oo dadka badhkii fududaysanayay uu run ahaa, oo Sheekh Shariif iyo Maamulkiisu aanay ka talaabsan karin awooda qarsoon ee reer Puntland ku leeyihiin Soomaaliya. Waa taa lagu soo daray Laba-wasiir oo ka socda maamulka-PUNTLAND (liiska hoose ee wasiirada eeg)!

Iyada oo adeegsanaysa barashadii aan ka kasbanay 30-kii gu' een ku jirnay Soomaaliya, Somaliland ha hufto oo ha kala haadiso arimaha oo dhan intaanay wada-hadalka bilaabin, oo shuruudo ha keento badka! Soomaaliyaan wada hadlaynaa uun yaan loo dhiman, waa ayo Soomaaliyada ay rabto inay Somaliland la hadasho, ma dawlad dhexaa? ma maamul-goboleedyaa? Sida hada wafdiga uu soo diray Sheekh Shariif magacaabay ka muuqata waa labada oo isku jira cida uu u soo diray inay hor-fadhiistaan Somaliland, taasina wax faa-iido ahi uguma jiraan Somaliland oo muran iyo xaalad-abuur uun baa ka dhalanaya. Ta kale tirada wasiirada ee labada dhan iskuma dheerli tirna, waxa ku siyaado ah labada wasiir ee reer Puntland ee waa inay Somaliland ka fiirsataa arintaasi!

Wax Fudud ma aha sida ay iila muuqato xaajadani, dadka ay wax inaga dhaxeeyaana dad garawshiiyo aan degdeg uga filayno ma aha, sidaasi darteed, guud ahaan qaranka Somaliland, gaar ahaan xukuumada iyo cida ay horayso iyo danbayso u xil-saartaa hawshani waa inay foojignaan, digtooni iyo hal-adayg siyaado ah la shir-tagaan.

Wasiirada Sheekh Shariif iyo Faroole Magacaabeen waa kuwan.

1- Md. Cabdisamad Macallin Maxamuud, wasriika Arrimaha Gudaha iyo Aminiga Qaranka, DKMG.
2- Md. Cabdillaahi Xaaji Xasan, wasiirka Arrimaha Dibadda DKMG.

3- Dr. Cabdinaasir Maxamed, wasiirka Maaliyada DKMG.

4- Md. Axmed Xasan Gaboobe (Ugaasi Bile) Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka DKMG.

5- Md. Jeylaani Nuur Iikar, Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska DKMG.

6- Md. Cabdillaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) wasiirka Arrimha Gudaha, ee maamul goboleedka Puntland

7- Md. Daa’uud Max’ed Cumar, Wasiirka Qorsheynta Iyo Xiriirka Caalamiga ee maamul goboleedka Puntland.

Gaba-gabo.

Dadka reer Somaliland maanta maalin ay ka bisil yihiin oo ay Soomaalida-koonfurta la garamaan hore uma soo marin, oo haday tahay gumaysigii Ingiriiska ee 80-ka gu' socday, haday tahay midowgii khasaaraha wayn keenay ee waxii la isku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya ee socday 31-ka gu' iyo haday tahay, madaxbanaanida iyo xoriyada aan ku naaloonayno haatan ee 20-ku jirsatayba, mid la inooga waramayaa ma jirto oo mid kasta waa gaadhnay guntiisa, sidaas darteed wada-hadalka Soomaaliya waa inuu ku koobnaadaa uun ''HELLO and Goodbye- philosophy'', oo ah, Falsafad ku qotonta, is-bariidin iyo nabad-galyayn wada socota oo qudha! Nuux-nuuxsi kale ma jiro.

''Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto-Weligeed''
 

 

 

 

Cali Cumar Xasan