Todobadii
Xubnood ee Cusbaa ee Komishanka Doo ra
shooyinka Qaran oo Maanta loo Dhaariyay Xilkii

Hargeysa (Longlivesomaliland News) Komishanka Cusub ee
Doorashooyinka Qaran ka Somaliland ayaa Maanta si Rasmi ah
loogu dhaariyay Xarunta Madaxtooyada S omaliland.
Dhaartan ayaa waxa ka soo qayb galay Labada Guddoomiye Xisbi
Mucaarid ee Kul miye iyo Ucid, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo
Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Xirsi Oomane oo dhaarinaya
Todobada Xubnoodba ayaa dhammaantoodba ku dhaariyay
inay daacad u noqonayaan Dadkooda, Dalkooda iyo Diintoodaba oo ku
Ummada ku dhaqayaan Cadaalad iyo Sinnaan
Madaweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo halkaasi hadal
kooban ka jeedi yay ayaa sheegay in Komishanka cusub ay
Xukuumad ahaan siinayaan Kalsooni bu uxda “ shaqo weynbaa
halkaa idiin taala, kalsooni baanu idin siinaynaaye shaqada halkaa
idiin taala wada shaqayn wadareedbaad kaga baxaysaan. waxaan
idinkula dardaarmayaa wada-jir inaad ku shaqaysaan, anaguna ducaanu
idiinku daraynaa inuu Illaahay hawshaa idin hortaala idiin fududeeyo.”
Waxa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga
Mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo “ maanta waynu
ognahayoo dadku dareemo far abadan buu qabaa, dareemo
farabadanbaa imankara waayo waxbaa la soo maray, baqdin badanbaa
jirta, walwal badanbaa jira, hawshaa wada-jirkiina iyo
daacadnim adiina iyo dhaartaa aad maanta marteen iyo idinkoo
shaqeeya, xilka la idinka suga yaana mid fudud maahee waa mid
aad iyo aad u farabadan weeyi. illaahayna waxa anu ka
baryaynaa inaanaan faraglin badan idinku samaynin. Dabcan waxaanu
jece lahay siday marwalba tahay fadaanu Murashaxiintii nahay aad u
xaqsoorayseen in si siman oo cadaalad ah oo aanaan idinla kala fiqin
anaan yeelan, ee aad hawshaa si wacan uga soo bixi doontaan, waananu
idinla shaqaynaynaa”
Sidoo kale, waxa isaguna hadal aan badnayn oo isugu jira tusaale,
duco iyo dhiiri g alinba iskugu jira halkaasi ka jeediyay
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali War aabe, “ illaahay
waa inuu hawshaa idiin sahlaa oo xilka idinku asturaa. Ta labaad
w axa weeyi arrinta la idiin dhiibay waxa weeyi arrin wadankeenu u
xayiran yahay ta aasoo ah I doorasho wanaagsani inoo dhacdo.
Doorashadii dib bay inooga dhacday waxaan filayaa inaad halkaa ka
wadi doontaan oo aad doorasho wanaagsan inoo samaysaan. Ta kale waxa
weeyi waxa ilaa imika la eegayaa waxaad ku bilowdaan bilowgiina
taasoo ah sidaad wax u doorataan. Hadaad maanta aad madax fiican oo
ah yaa ina wadi kara oo yaa inoogu qalma yaa ka soo bixi kara isku
hayn kara dalka gudihiisa iyo dadka dibadaba aad wax ku doorataan
waynu ka baxaynaa hawsha, laakiin hadaad tidhaahdaan ana waan geyaa,
ana waan geyaa oo yaa wadi kara me esha aydaan ka dhigan
tartan baa idinka dhaxayn doona ka ku soo baxana ha dhawto
lala shaqayn maayo laakiin waa inay noqotaa waxaad isku hanayseen oo
aad tidhaahdaan waar hebel baa halkaa inoogu haboon”
Dhaartan Xubnaha cusub ayaa timid markii Komishankii hore ay
xilkoodii iska casileen, kolkii ay ku fashilmeen in ay ka soo baxaan
waajibaadkii Qaran gaar ahaan in ay Dalka ka qabtaan Doorashada
Madaxtinimadda oo khilaaf wayn Dalka ka abuurtay.
Dastuurka iyo Shuruucda Dalka u taala ayaanay midkoodna dhigaynin in
lagu dhaariyo Qasriga Madaxtooyada.
Waa Markii labaad oo komishanka lagu dhaariyo Komishanka
Doorashooyinka. Waxana imika ka horaysay in Komishankii hore ee
Doorashooyinka lagu dhaariyo Madaxtooyada Somaliland.
Hawlaha hor yaala Komishanka Doorashooyinka ayaa waxa ugu muhiimsan
in ay si dhaqso ah u soo saaraan Natiijadii Tirakoobkii
Muwaadiniinta taasi oo ah wixii ugu waynaa oo ay ku fashilmeen
Gudidii iyaga ka horaysay.
Tallaabada tan xigta ayaa noqonaysa in la cayimo waqtiga ugu haboon
ee
In la qabanayo Doorashada Madaxtinimo ee Somaliland.
Mustafe Future
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeysa Office
mccfuture@hotmail.com
|