Todobaadkan iyo weriyaha Laanta Curdinka
Bustaaloo barakadaada Xertaada u soo banaan dhig.
Hamud Duale
Golaha fulinta: M/weynuhu si uu u beeniyo habruhu isma xukumi karaan,
oo shisheeyuhu ku xaman jirey, wuxuu mideeyey sedexdii gole qaran
iyo sedexdii xusbi qaran. Maddaama ay shin dhaafeen, shuruucdiina
buryeen oo xusbi furteen, wakiilo kama ah dadka nool. Sidaa
daraadeed Waxaanu ka dhignay muriidyada meytida, tafiirtii sheekha
Maydh yaal iyo wuxuu caga ku qaato. Odayaal dhaqameedkuna waa
khaadimyada maqaamyada meytida, waa dir cunno iyo caado qaatayaal.
Tnabaha iyo waxqabadkani waa kuwa lagu xasuusan doono M/weynaha
maanta. Waa muriidka muriidyada. Golaha wadatashiga iyo toosintu
gudcur bay gudyaan, maba oga gu' iyo dayr mid la gaadhi doono. Ha ku
daallin warkooda.
Todobaadka wuxuu weriyaha laanta curdinku, innoo soo koobayaa,
aflagaadoonkii iyo majaro habaabintii loo adeegsadey warbaahinta
qaranka ee dhinaca keliya ahayd, laguna daadufeenayey xubno ka
tirsan Golaha wada tashiga iyo toosinta oo ay M/weynaha Axmed
Maxamud Silaanyo taariikh nololoodkoodu masa yahay, xummaan iyo
samaanba. Waxay ku hadaaqayeen iyo dawladnimo waaba kaaf iyo kala
dheeri. Wuxuu weriyuhu halkan ku soo tebinayaa, weedhihii Xerta
Bustaale iyo aragtiyihii qaar ka mid ah dhegeystayaasha. Golaha wada
tashiga iyo toosinta qaranku amma ardaaga wadatashiga iyo toosinta
qaranku, wuxuu u ololaynayaa danaha iyo hadba baylaha muuqata. Xusbi
ma ah hogaaminta qaranka u tartamaya. Wuxuu ka dhex ololaynayaa
golayaasha jira, xusbiyada jira iyo bulshada. Dimuqraadiyada iyo
Islaamka ayaa ku salaysan talo wadaag iyo xorital qawl in muwaadinku
yeesho.
Barnaamijyada waxaa dhextaal u ahaa:"Bustaaloo barakadaada, Adeeroo
oo adeerow, xerta u soo banaan dhig". Ma laha Adeer, Jaalle ayaa
dhaantey, marka dawladnimo laga hadlayo.
Furitaanka barnaamijka iyo dhextaalka barnaamijyada: Bustaaloo
brakadaada; xertaada u soo banaan dhig.
Madaxtooyada: UF UF iyo cankag, ishiish, akhas. Waa waxoodii xilka
lahaa, habartii timaadaba weligood darka way ka dhooqayn jireen,
laga soo bilaabo C/raxman Tuur. Golahani xagguu jirey markaan Gar-adag
ka ololeenaayey. Golahani xagguu jirey markaan hadhaagii faqashta ee
Cabdiraxmaan iyo Cigaal soo hogaaminayeyn, Riyaale iyo wixii la
saftay ku adyadoonaayey. Intuu Saylici cunni lahaa amma talin lahaa
Xirsi Xaaji Cali ha beesasto oo ha ka buruud sareeyo codadkii
dadweynuhu siiyey M/weyne ku-xigeenka, masabidka ah, maxaayeelay
laftuu faqash ka yahay, Soo sidaa ma ah?
Golaha fulinta: M/weynuhu si uu u beeniyo habruhu isma xukumi karaan,
oo shisheeyuhu ku xaman jirey, wuxuu mideeyey sedexdii gole qaran
iyo sedexdii xusbi qaran. Maddaama ay shin dhaafeen, shuruucdiina
buryeen oo xusbi furteen, wakiilo kama ah dadka nool. Sidaa
daraadeed Waxaanu ka dhignay muriidyada meytida tafiirtii sheekha
Maydh yaal iyo wuxuu caga ku qaato. Odayaal dhaqameedkuna waa
khaadimyada maqaamyada meytida, qaran ma haybsan karaan. Waa tabaha
cusub iyo waxqabadka M/weynaha lagu xasuusan doono. Waa muriidka
muriidyada. Golaha wadatashiga iyo toosintu gudcur bay gudyaan, maba
oga gu' iyo dayr mid la gaadhi doono. Ha ku daallin warkooda.
Xildhibaan: Sidaad wada ogtihiin, waxaynu leenahay sedex xusbi qaran
iyo sedex Gole Qaran oo KULMIYE hortii ku salaysnaa, dimuqraadiyada,
distoorka iyo talawadaag. Haatana KULMIYE ku saleeyey sedexda
ashahaado iyo sedexda habrood oo meel loo dhaafaa aanay jirin.
Maxaynu ka weyne. Sheikh meedhyaal ma ogola intaa wax ka badan.
Golaha wadatashiga iyo toosintu dibada ayay ka yihiin diinta iyo
dhaqanka oo waa danbiilayaal qaran oo laf cad toobin ku haya. Dadka
nool bay ka talinayaan. Adeega meytada iyo waalidiinta, way
dafirayaan.
Golaha la taliyayaasha guriga madaxtooyada hoganaya: Waa runtiisa,
been ma sheegin. habar baa iska haw haw leh, barjaha innoo doona.
Odayaal dhaqameedka: Golahan wadatashiga iyo toosintu, waa tolbiis,
qaadhaan diidyadu ku badan yihiin. Tolkii dimuqraadiyad bay ka
doorbidayaan. In la fakiro ayay doonayaan, taasi oo baalmarsan
hidaheena iyo dhaqankeena. Waa waajib in qof waliba waxay beeshoodu;
hadba ku hadaaqayso ee la toosan; uu fuliyo. Hadday beeshu kay
shalay ku dhaadan jirtey, maanta dhaliisho, waa in dhallinyaradu ku
raacdaa, maxaa wac, danta odayaal dhaqameedka ayaa ku jirta, qab
qabyaaladeed ayaa ku jira, beesaa ku jirta aan loo sinnayn.
Guddoomiyaha Kulmiye: Waar toloo aflagaadada jooja. Ataar xummada
iyo ceebta dhgaweyne, waa ceebta iyo ataar xummada M/weynaha iyo
tayda. Waxaana sii ataar xun kay beeshiisu qalad iyo saxba ku raacdo
ee daba sunsunto.
Xidhitaankii barnaamijka: Bustaaloo, barakadaada xertaada u soo
banaan dhig.
Dadweynuhu af-somaliga ku hadla iyo kuwa bartay, way wada
dhegeysteen doodahaa jaban, ee haybadii qaran iyo haybadii
dawladnimo shiiqiyey, meelkasta oo ay joogeen. Waana kuwan
faalooyinkoodii qaar ka mida dhegeystayaashii qaayaha lahaa, oo aan
waxba ka durugsanayn garaadka madaxdu ka duuleyso.
Dhegeysta1: Mar haddaan hantiyey hawshii dalkee nacab haysan jirey
oo aan wixii hore la iiga dhacay soo hooyey shalay
Dhukane: Waa yeelkadaa. Ma awl baan laba ku lulanayey.
Dhegeyste1: “Intee baynu joognaa, intee baynu joognaa. Ma ifkii baa,
ma aakhiraa. Ma israacii dhexdeenaan adkaynayaaye ilaalibaa.”
Dukane: Waa yeelkadaa. Maxaa iiga gidhiisha, haddii cirka iyo hawada
la israacsho, dhulkuunbaan iska joogi.
Dhegeyste2: “Habartaan gardaashee, gaadiid sidiisii ku xanbaaray
guudkaa, gondahayga goysee. Ma halayn gartaydee gacal baan la weeyoo,
golihii la doortiyo, guurtidii bilaydbaa, Axdigii burburisee.”
Dhukane: Waa yeelkadaa. Maxaa iga galay. Garaad diidoo, Kud iyo
qanjaad abnimo ku kala cugatee, ha ku cunno waraabuhu.
Dhegeyste3: Tunka ka leefa, waa taad kufriga nagu tilmaanteene.
Dhukane: Waa yeelkadaa. Shalay iyo maantu, waa dameer iyo labadiisii
daan, wax isma doorshaan.
Dhegeyste: Bulshooy adigaa bokhradaye, sidaa ma isku qabnaa, mise
waan qasnaa?
Dhukane iyo dhegeystayaashii oo dhan: Wagar. Mar haddii xaalku kaa
yahay, hadda aan dhammaynee ku jar hadalka ku jar, hadda aan
dhammaynee ku jar hadalka ku jar. Kula qasan maynee, ku jar hadalka
ku jar, ku jar hadalka ku jar.
|