Todobaadkan iyo weriyaha laanta curdinka
Todobaadkan waxaan indiin soo gudbineynaa waraysi uu qurbaawi la
yeeshay Weriyaha Laanta Curdinka. Qodobaduu uu ka waraystay waxaa ka
mid ah:
1.Xamarje iyo rag
kale ee xujoobey
2. Xidhiga Boqor
Buur Madaw, Madoobey Xasarad.
3. Sulayman
Maxamud Aadan oo weli garba-duub u xidhan.
Waraysigii oo dhamaystirani waa kan:
Qurbaawi: Weriye; bal iiga waran arrinta xidhiga Xamarje iyo
saaxiibadii?
Weriyaha L.curdinka: Xamarje lama xidhan ee wuu xujoobey!
Qurbaawi: Waa maxay wuu xujoobey? Ma xarunta Sayid Maxamed Cabdille
Xasan baa la joogaa?
Weriye LC: Meeshii wareegto lagu xukumo ee golayaasha sharciga iyo
Maxkamadu aanu Madax banaanayn ee M/weynaha ka ammar weynaado, waa
iska Xaruntii Ina Cabdilla Xasan keligii laga ammar qaadan jirey ee
uu ina Cali Qablax ka yaabay ee uu ka deyriyey.
Qurbaawi: Ayuu ka xujoobey?
Weriyaha L.curdinka: Wuxuu ka xujoobey Xarunta Madaxtooyada?
Qurbaawi: Siduu uga Xujoobey xarunta?
Weriye LC: Waxaa lagu eedeeyey Xatooyo Xoolo Dawersi ah, oo danyarta
looga soo qaraamaaday Carrabta.
Dadka qaar waxay leeyihiin waa Hashii Laaca aragtay aan Laagaba
ogeyn. Qaar kale ayaa ku doodaya qabtii inna xasan rakuub ayaa ku
dhacday, Qaarna waxay leeyihiin waa sakaaradii budhka la kulantay.
Qaarna waxay ku doodayaan hadday tuuktu is khilaafto xaqaa dilaaca.
Isku soo wada xooriyoo waxaa dhammaan lagu kalabaydhi waayey
Garsoorka qaranka oo aan la hubin in uu madax banaana yahay iyo in
kale, in ha la horkeeno. Taasina ceeb ma ah. Ninkii diidaa danbiile
ah.
Qurbaawi: M/weynaha waxaa looga bartay markay suruqdo ee xaajo la
isku mari waayo in uu guddi xul ah oo xaqaani a, u saaro. Tabtaasi
miyay katibtey?
Weriyaha lC: Haa, oo way katibtey, maxaayeelay wuu ku talax tegey
adeegsigeedii oo muu beekhaansan mana kala hanbaysan ee wuu is wada
keeb raaciyey, waxay noqdeen guddi, guddi saran, guddi kale saran
iyo raad gadasho. Dadweynahu way ka kharaareen guddi, waxay ka
kharaareen Golayaasha shacbiga oo isku bedeley wasiir sugayaal
islamarkaana xalaalaystay in iyaga oo xilkii huwan ay ururada la
tartamaan. Sidaa daraadeed Intaan guddiba la magacaabin dhallinyarta
iyo ahelkiisii ayaa la wareegey oo yidhi waa in la horkeenaa garsoor
xaq ah oo xalaal ah, oo lana qanciyaa. Waxay leeyihiin in keligii
daalin yahay iyo in uu keligii la dulmane, in uu baadil yahay iyo in
uu barii' yahay, maxkamadu ha kala caddayso.
Qurbaawi: Xamarje, muxuu ku doodayaa?
Weriyaha LC: Xamarje wuxuu ku doodayaa anigii roonaa ayay i rogatey.
Waa mu’aamarad cad oo loo cummaamaday. Ha, la baadho kiiska oo
maxkamad ha la i geeyo.
Wuxuu leeyahay baadhitaanka Cammaan ha laga soo bilaabo. Ha la soo
qaado wareegtadii Mr. X M/tooyadu ugu wakiilatay in loo soo dhiibo
deeq. Ha la soo helo wakiilkii warqada dawliga ah Cammaan ula tegey,
ciddii la heshiisey ee go’aamisey in aan dadkii la gaadhsiin ee lagu
wareejiyo ganacsato. Ilaa hadda waxaan isku haystaa ayuu leeyahay
Kashife loo koodhay.
Qurbaawi: Warbaahinta madaxa banaan, ta dawliga ah, ta dayesan, ta
beelaysan, ta belo sheega ah iyo ta barkhad sheega ah, ta
taabaalaysan iyo ta lagu qadhaabtaba ma laga yaabaa in maxkamadaa
loo ogolaado si ay toos dadweynaha, ula socodsiiyaan geedi socodka
kiiska, si ay xani iyo beeni u hadho, oo looga badbaado ku tidhi ku
teenay, hunuu hunuu iyo hinbiriisi?
Weriyaha LC: Horta adduunka ma jirto warbaahin madax banaan. Waxaa
jira warbaahin xaglisa iyo tu xag jir ah. Teenu waa wada xagjir
aragti gaar ahna ma laha. Waxay xag jir ku tahay: Ereyadii
af-somaliga, waxay qaateen oo kobcinayaan qaybta ku salaysan aabahay
goblanta ee halista ah. Waxay ka duulaan "Gujis baan uga dhig nahay
gebiga daarood" iyo "loo diid danood iyo hadduu degi lahaa ciid",
waxaa naafoobey oo curyaamay waa erayadii debecsanaa ee Xagliska ee
xagliska loo adeegsan lahaa sida: "Heedhee ina abti, abbaay, aadoo,
huunn. Warbaahinta casriga ah ma banaana xagjirnimadu, laakiin waxaa
banaan xagliska iyo dhinac u janjeedhsato.
Horta warbaahinteenu waa taa haddii loo ogolaanayo iyo haddii kalaba.
Hawshaasi waxay u taalaa wasiirka cusub, dad badan ayaa ku calool
fayow in uu xujadaa ka dabaalan doono oo loo ogolaan doono
warbaahinta iyo ciddii kale ee danaynaysa ee xaqiiqo raadis ah.
a
Xidhiga Boqor Buurmadaw, madoobey xasarad
Qurbaawi: Bal ka waran xadhiga Boqor Buur Madaw?
Weriyaha LC: Xidhiga Buur Madaw wax sidaa u sii ridan ma ah, anshax
beeleed ayuu u xidhan yahay. Siyaasad qaran umma xidhna, Xootooyo
xoola dadweyne umma xidhna. Sir Madaxtooyada ah oo bixiyeyna umma
xidhna.
Qurbaawi: Oo haddaa muxuu u xidhan yahay?
Weriyaha LC: Wuxuu xidhan yahay xeer beeleed. Tiraba dhawr jeer ayuu
ku xadgudbey shirkii Gar adag. Xasarad iyo Aflagaadooyin ayay beeshu
ka tirsanaysaa. Xaduudii maxdax dhaqameednimada wuu ka gudbey. Sidaa
daraadeed beeshuu u xidhan yahay. Waa arrin beesh u yaala oo aan
qaranka khusayn.
Qurbaawi: Waar ninku xabsi beeleed kuma jiro, xabsigii qaranka ayuu
ku jiraa oo lagu masruufaa. Ciidan beeleed soo qabtana beeluhu ma
laha, xabsi ay ku xidhaana ma laha, siduu arrintu ku noqonaysaa kiis
beeleed?
Weriye: Waayaha iyo isbedelka cusub ee KULMIYE soo kordhiyey weeyi.
Wasiirada beesha ka soo jeeda ayaa ciidankii qaranka, xabsigii
qaranka iyo masaariiftii qaranka u adeegsanaya in Buur Madaw lagu
takooro.
Kol hadday sidaa tahay dadka qaar ayaa ku doodaya in xabsiga laga
kireeyo beelaha, ciidanka qaranakana ay ammaaneystaan oo wixii
xeerkooda jebiya ku soo xidhaan, kii qaadhaanka bixin waaya iyo kii
maalinba beeshu afkay ku hadlayso ku hadli waayana soo garba-duuba.
Qurbaawi: Oo sidaasi Boqor af-duubis miyaanay ahayn?
Weriyaha LC: Ha, oo waxaa laga af-duubay Madaarka dhexdiisa. Loolama
dhaqmin sidii muwaadin xil-haya, ha iska xasarad batee. Xasaradu
denbi qaran iyo denbi qoys midna ma ah. Yako ayay mudan tahay iyo
ganaax, laakiin xidhig ma mudna.
Qurbaawi: Sidee loo furdaaminayaa arrinkiisa?
Weriyaha LC: Horta maxkamad qaran lama keenayo. Wuxuu sugayaa Guddi
beleed iyo shir guddoonkii Garadag ee uu ku gacan saydhay. Ciddii u
Boqorka u ahaa iyo golah beesha ayaa ka wada xaajoon doona. Markay
soo daayaana waxaa laga sugayaa in ay kharashkii dawlada kaga baxay
jiifkii, jalkii iyo daryeelkiisii, intuu uu xidhnaa.
Garba-duubka iyo garaad-duubka Sulayman Maxamud Adan
Qurbaawi: Guddoomiyihii Guurtida iiga waran, siyaasigii gaamurey?
Weriyaha LC: Sulayman Maxamud Adan, siyaasigii brofishinalka ahaa;
tan iyo Kulmiye siduu xilka ula wareegey, Hargeysa sooma caga dhigin.
Waxaa la leeyahay Xanuun waa jiraa, waxna way u weheliyaan.
Qurbaawi: oo Muxuu u garba-duuban yahay?
Weriye LC: Beeshiisu way ogtahay, beelaha kalana loo sheegi maayo.
Immika iyo dana arrinta Sulayman way ka qota dheer tahay ta xamarje
iyo Buurmadaw aan mar kale kaaga waramo, Salaadii bay gaadhey.
|