Todobaadka iyo
Somaliland: "Dalkeennu ma Maraykanka ayuu hoostagaa?"
Guuleed: "Geyigaan ilaashaa, Dalka gebi ahaantii guulbaan la
jecelahay, Danahayga gaarka ah, ta guudbaan ka doorbiday, Geesiyada
dalkeennaan garabkooda taagnahay, Goldalooladaan arko, farahaan ku
gudayaa, geedbaan u gooyaa, kii gufeeya baan ahay, Dadkoo
gama'sanbaan, gaadh aan u taagnahay, Qalinkaygu godob ma leh,
Xaajadii gurracanbaan, Hadba gaar u sheegaa".
Geeddi: " Reer guuraa ayaan ahay, nin guurguurayaan ahay. Reer
Geediyaan, hadba gees u rarayaa, Guushaad ka hadashay iyo geyigaad
tilmaantay, nin u heellan baan ahay, Arrimaha dalkeenna, geesta aad
ka joogto, geesta kalaan ka taagnahay. Guddoonkii la doortaan
garabkiisa taagnahay, waxse aanaan garanayn, labadeenan geeljire,
kay gartiisu saxantahay, dadweynoow gartaa naqa, idinkaa garsoore
ah."
Guuleed: Waar bal tanoo kale, miyaa aragteen. Waxa aan moodayey in
dalkeenu yahay dalkeennii Somaliland.
Geeddi: Waar! Inta aad wax la yaabantahay aniguna adigaan kaa yaabaa!
Maxaad uga jeeddaa dalkeennii---haddaa meel kalaad joogtaa.
Guuleed: Saaxiib ha ila yaabine, saaka ayuunbaan ku soo toosay
Xaruntii CIA iyo M16ka Ingiriska ayaa ku wareejinaya meel ay ugu
talogaleen in dadka ay ku xidhaan ciidanka Sirdoonka Somaliland---miyaanay
yaab ahayn. Haddii ay u dhiseen, jeel ahaan oo ay dee iyagu dhisteen,
maxaa sirteenna halkaa dhigaya---innagu miyeynaan sir lahayn. Meesha
CIA dhisatay ee uu gacanyare ka ahaa Ingiriiska iyo M16---maxay kula
tahay marka sirdoonkeennu u guuro, ma sirbaa halkaa inoo taalla? Dee
waa Maya.
Geeddi: Ma dhismahan la ainnaga caawiyey ee habaysan ee
isgaadhsiinta ku xidhan aad yaabto ayaad, maanta shaki gelinaysaa.
Waa caawimo la innoogu deeqay oo ciidankeenu ka faa'iidaysanayo.
Guuleed: Maxaad tidhi! Waa caawimo---anna waxa aan ku leeyahay waxa
ay la midtahay " Nin habeenimo wax u dhiibtay tuug oo yidhi ii hay
oo aan kuugu soo noqdo"
Geeddi: Waar ninyahaw bacbaa kugu xidhane iska goo! Khaakhaayiraadda
iska daa, oo Ictiraafkiiba, intaas baa innooga hadhay ee ha innagaga
qaylin.
Guuleed: Dawladdii Daahir Rayaale, ayaa waxa ay ku caan ahayd in ay
tidhaahdo Aqoonsibaan caalamka ka raadinaynaa oo albaab kasta waanu
garaacaynaa--xataa albaabada shayaadiinta. Waxa uu Daahir kula
magacbaxay "Daahir Albaab", Haddii Xukuumadda Siilaanyona ay
albaabadii garaacdo ama daaqadaha, oo Siilaanyana loogu yeedho Axmed
Daaqad---waa halkeedii iyo wadheedii. Aqoonsigu halkaa kuma jiro, ee
tolow wasiirkan yar ee xiiqsani, hawshaa muu garan.
Geeddi: Keebaad sheegaysaa?
Guuleed: Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdilaahi
Geeddi: Ma Dr Maxamed Cabdilaahi, maxaad ku odhan lahayd?Maxaadse u
aflagaadaynaysaa, ee xiiqsanaantiisa kaa galay
Guuleed: Xiiqsanaani aflagaaddo ma aha'e, Waxa aan u sheegi lahaa
meesha Ictiraafku uu yaallo!
Geeddi: Waaryaa qosol doonaya, ma waxa aad odhan doontaa halkaasuu
yaallaa Ictiraafku.
Guuleed: Haa ee i dhegayso oo gaadhsii adigaa madaxtooyada iiga
dhowe. Ma xasuusataa xilligii SNM? Dhammaan dalalka dibedaha oo dhan
waxa ka furnaa xafiis ay SNM tu lahayd. Dhammaan dadkii taageeri
jiray SNM waxa ay lahaayeen warqadda aqoonsiga, waxa ay bixinjireen
gunnada ururka, waxa ka dhexeeyey wada shaqayn iyo iska warhayn. Bal
u fiirso---20 sannadood bay jirtay Somaliland, weli ma jiro xafiis
ay dibedda ku leedahay oo si toos ah u hoostaga xukuumadda, oo ay
xataa ka bixiso kirada oo calanku hoosyaallo, xataa waa la dulsudhi
lahaa. Ingiriiska aad maqashay ee boqolaalka kun ee reer Somaliland
ay deggenyihiin, waxa ka furan afar jaaliyadood oo ku magacaaban
Somaliland, boqolaalka kale waxa ay ku qoranyihiin Somaliya.
Geeddi: Kuma aan fahmin, ee bal ii faahfaahi. Maxaa se SNM innagu
celiyey, hadalka ha ii dhuubin, oo Siilaanyo iyo SNM ha isla
doonanin, ee ujeedadaada ii sheeg.
Guuleed: dee saaxiibkay baad tahay oo si fiican baan kuu aqaan oo
hadalku shanshub buu kuugu dhacaaye, bal horta shaaha maanta inoo
shub oo odayga halkaa fadhiyana koob u dalab.
Geeddi: Odaygaa miyaad garanaysaa?
Guuleed: Maya
Geeddi: Waxa la igu yidhi, weligii intaasuu le'gaa, ma gaboobo, ma
cirroobo, qofkasta oo aad weydiisaa waxa uu ku odhanayaa waan ku
garaadsaday isagoo intaa le'eg.
"Waar bal shaaha noo keen, oo odaygaana fujaan sii".
Guuleed: sheekada aan kuu balballaadhiyo. Ninkan aad Dr-ka ku
sheegayso, waa in uu ka bilaabaa qurba joogga. Dalkasta waa in uu ku
lahaadaa xafiis, waa in dadka ku abtirsada Somaliland loo sameeyaa
diiwaangelin iyo aqoonsi. Kuwaasaa aqoonsi u baahan. Oo haddii aad
aqoonsato iyagaa, ku aqoonsanaya. Xubin kasta oo aqoonsigaa leh--dalka
uu doonaba ha joogee waxa uu bishii bixinayaa, gunnada xubinimnada.
Waxa uu xaq u leeyahay in uu codeeyo oo halkaa uu joogo uu ku
codeeyo. Tusaale: " Haddii 500 oo qof oo keliya laga helo Yurub, oo
ku xidhan xafiisyadaas hoos taga Wasaaradda Arrimaha dibedda, oo
laga qaado qofkiiba $10 USD. Waxa ay noqonaysaa 10*500 = 5000 /Bishii
--- $60 000 /sannadkii. Maxay kula tahay 100 000 oo reer Somaliland
ah oo bixiya tobankaa doollar. Sidaasay ku ahaan lahaayeen safaarado
iyagu is bixiya. Waxa aad iga gaadhsiisaa Maxamed Cabdilaahi,
halkaasuu ku jiraa aqoonsigu.
Geeddi: Waan gartaye, maalintii isugu keen danbaysay waxa aad igaga
tagtay eray aan garanwaayey, oo ahaa Raiisalwasaaraheenna.
Guuleed: Waxa aan ku moodayey in aad dalka ka warhayso. Maalintii
xukuumadda uu madaxweynuhu soo dhisay, dad badan baa qayliyey,
laakiin waxba lagama soo qaadin oo waxa ka muhiimsanaa in xukuumaddu
koobnaato. Dee dhanka kalena, kaftanku waa inoo furanyahay'e odayga
beeshiisa ayaaba la lahaa wuu ku yareeyey, bahasha xarfadda ah waa
loo kala dhashaye, mar keliya ayuunbuu kubbaddii xagga kale u laaday
oo raysalwasaare sameeyey isla beesha ah.
Geeddi: Oo waa kee. Waar bal nimayahaw ninkaa dhegaysta
Halkaa martkay sheekadu marayso baa waxa kursigiisii soo jiitay
odaygii ay shaaha u shubeen.
Odaygii: Adeer, liibaana, waan idin maqlayey sheekadiina,
magacyadiina bal ii sheega?
Geeddi: Geeddi baa la i yidhaa ninkanna Guuleed.
Odaygii: Geeddiyoow dhegayso, waad garanysaa Raysal wasaaraha'e ma
in uu Guuleed kuu saafaad doonaysaa. Raysalwasaaruhu dee waa ninka
la yidhaa Xirsi.
Geeddi: KKKKKK---waar Guuleedow ma Xirsibaad sheegaysaa ee Jiif of
kabinetka laga dhigay?
Guuleed: Car! Bal adigu macnee, oo afsoomaali kusheeg. Waxa aad
leedahay Jiif balabalalbala. Dee waxaynu maqli jirnay Jiif Caaqil
sida Cabdiwaraabe, dee mar hadduu yahay Jiifcaaqilka dawladda. Muxuu
yahay Raysalwasaaruhu "oodi qaadis iyo jiidid waa isla guryogeyn"
baan ku idhi waxba maraykan baa nidaamkan leh ha igula meeraysan.
Geeddi: waar! waataa duhurkii la addimay ee inna kici.
Guuleed: Waa inoo berri
Nabad iyo caano
Sayid-Axmed M Yuusuf
(Dhegey)
Sweden |
|