Todobaadka iyo Somaliland: "Waddo Halaqmareen"

 

 


Guuleed: "Geyigaan ilaashaa, Dalka gebi ahaantii guulbaan la jecelahay, Danahayga gaarka ah, ta guudbaan ka doorbiday, Geesiyada dalkeennaan garabkooda taagnahay, Goldalooladaan ar ko, farahaan ku gudayaa, geedbaan u gooyaa, kii gufeeya baan ahay, Dadkoo gama'sanbaan, gaadh aan u taagnahay, Qalinkaygu godob ma leh, Xaajadii gurracanbaan, Hadba gaar u shee gaa".

Geedi: " Reer guuraa ayaan ahay, nin guurguurayaan ahay. Reer Geediyaan, hadba gees u  ra rayaa, Guushaad ka hadashay iyo geyigaad tilmaantay, nin hadh iyo habeen guntiga u xidhaan ahay, balse geestaad joogto, geesta kalaan ka taagnahay. Guddoonkii la doortaan garabkiisa taagnahay, waxse aanaan garanayn, labadeenan geeljire, kay gartiisu saxantahay, dadweyno ow gartaa naqa, idinkaa garsoore ah."

Guuleed: Waar waxa aan ku weydiiyey, sheekadani ma runbaa ma riyaa?
Geeddi: Sheekadu waa tee?
Guuleed: Waaba yaab oo waa yaabka yaabkiiye, waa maxay batalyan ciidan ah oo badda ka soo degey oo todobaad dhan dalka ku sugnaa, oo dhawr jeer ka soo degey xeebteena ayaan warba loo hayn, oo reermiyigii soo sheegeen, oo laga hoos qaadi waayey.

Geeddi: Waar ma waxaad sheegaysaa ciidankan sida hillaaca ku dhaafay Somaliland, ee habaysnaa, ee saacadaha yar ku gudbay. Mise wax kalaad sheegaysaa.?

Guuleed: Saacaddaaba dhacday, waar waxa aan inbadan maqlayey, maamulkii Daahir Rayaale, ha iska liitee, dhanka ammaanka aqoon fiican bay u lahaayeen, oo Daahir laftigiisa ayaa ahaa nin u tababaran habka xuuraanka, iyo la socodka dhaqdhaqaaqa, dee Wasiir cirro, wasiir Cawil iyo Warancadde, saddexduba waxa ay ahaayeen rag u tababaran dhanka sirdoonka. Maamulkan maanta ee Siilaanyo, dee waxa ay u badanyihiin raggii Qaaxo. Waxan se la yaabay, bal muxuu wasiirka warfaafintu ka garanayaa wixii dhacay, nin qurbe ku raagay, oo aan waxba kala socon dalka ayaa la yidhi soo baadh wixii dhacay.

Geeddi: Waar dee wasiir Geeljire kama uu iman qurbaha, ee waa ninkii Dubbe ee hadalka badnaa, mafrishkaa hawada sare fadhiyi jiray. Waar waa nin ruug caddaa, siyaasi ah, waa nin mujaahid ah, maxaad ka taqaan reer Qaaxo, dhammaantood (Kooda yar iyo kooda weyn) habka ay wax u baadhaan, cid gaadhi kartaa ma jirto.

Guuleed: Waar waxa aad i xasuusisay, Dubbe. Ninkan wasiirka Warfaafintu, waxa uu ka yimi Kanada, waan hubaa taa. Beryahanse Dubbe iyo Doolaal, ma aan maqal, oo waxa igu maqaalo ah in uu Wasiirka warfaafintu ka mamnuucay hadalkii, samaacadihiina uu ka qaaday, ay dadka ku gaadhsiin jireen hadba waxa jira. Ma kaasaad leedahay waa Dubbe, waar ninkii Dubbe wuu yaabanyahay oo Xisbigii uu u ololaynayey ee Kulmiye, wax aanuu filayn baa kaga soobaxay.

Geeddi: Waa runtaa, oo Dubbe weligii kama uu tegin Somaliland, beri uu Jigjiga gaadhay baa ugu fogayd meel ka baxsan Somaliland oo uu tago, laakiin, ma maqashay nin la odhanjiray Aw- Faarax oo reer Burco ahaa?

Guuuleed: Aw Faarxyadu farabadane, maxaan ka garanayaa!

Geeddi: Aw Faarax waxa uu ahaa nin miskiin ah, Ilaah ka cabsi badan, naxariisbadan oo dadku jeclaayeen. Abaartii dabadheer, buu tukaan ka furtay Burco, Wadaadku weligii kama uu bixin dalka. Waxaase yaab noqotay, saddex sannadood oo isxigay, baa Xajka lagu soo arkay isagoo dawaafaya, Allahuma Labayk, labadii go'ee cadcadda sita, oo xajkii jooga. Saddexdaa sannadoodba dad aan is ogayn oo Aw Faarax Garanayey baa, ku soo arkay Xajka, sidaasaa intii danbe loogu yeedhay Xaaji Faarax. Ninkan Dubbe ee aad doondoonaysaa, waa isagii uun, balse Kanada waa lagu arkay, ee weligii muu dhaafin Togga Herer.

Guuleed: Waar maxaad ku hadlaysaa, isku mid maha xajka lagu arkay Aw Faarax iyo ninkan Kanada deggeniye, hadal kale keen. Danbi afka ha ii gelin

Geeddi: Waar Guuleedoow, waa aynu isku xiiqnay, oo weligeen isku aragtiba ma noqone'e, ma waxa aad isleedahay malaa Wasiir baa lagaa dhigi xukuumadda danbe? Da'daaduna ma yara, immisaa u hadhay xukuumaddan, waar murankan badan innaga daayoo, shaaha innoogu yeedh.

Guuleed: Manqaxwoow, laba afdabayl ah noo dhiib. Waar Wasiirkaba qaado, haddii uu meel kuu buuxinayo, ee Xaajadan taagan ka hadal. Siday ku dhacday in ciidanka intaa le'eg dalka dhexmaro.

Geeddi: Waar waxa la yidhi--geed baa yidhi: "Gudinyahay imaad goyseen haddaan badhkay kugu jirin".

Guuleed: Bal aflagaadada intaa le'eg eega, waar dadka meel ha kaga dhicin, haddii xukuumaddani ku fashilantay in ay ammaanka ilaaliso, dee waxba kuma ay jabnayn in ciidanka intaa le'eg Hargeysa oo la hurdo ka dhextooso, yaa ka horjoogsan lahaa. Maanta ka horow maan werwerin. Waa maxayse istusnimada intaa le'eg ee dadka masaakiinta ah loo xidhxidhayaa ee Tigreega loogu gudbinayaa.

Geedi: Waar yaa ku yidhi, Tigree baa loo gudbinayaa? War aan jirin baa la buunbuuniyaa, miyaan la xidhi karin ciddii tuhun galo?

Guuleed: Waar bal shaaha ugu soo celi, oo miyuu kaa daatay shaahii hore?
Geeddi: Muxuu naga daataa dhiiggaad nagu kicinaysaaye!
Guuleed: Yaa isgaadhayba. Waxa aad ka warrantaa Wasiirkeennii arrimaha dibedda, muxuu u qaabili waayey wasiirkii arimaha dibadda ee Itoobiya, ee loogu gudbay Wasiiru dawle?

Geeddi: Inta aad taa eegayso maad eegtid wasiirkeennii oo la kulmay Raysal wasaarihii Kenya, hadda waa Ra'iisal waarihii, ee dawladdii hore, la garanwaayey magaca wasiirkii arrimaha dibedda.

Guuleed: Xilligii qadada ayey gaadhaye, waa inoo berrito.
Geeddi: Marka runta laguu sheegaabaad qado ku marmarsootaaye, waxyar fadhi
Guuleed: Yaa is gaadhayba, waxa aad iiga warrantaa Raysalwasaarihii Somaliland muxuu dibedda ugu bixiwaayey?
Geeddi: Waa kee Raysalwasaaruhu?
Guuleed: Oo maba taqaanid Raysalwasaaraheenna, waar innoo Berrito.

Nabad iyo Caano

 

 

 

 

Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)