Todobaabkan iyo Weriyaha Laanta Curdinka: Xaqsoor
waajiraayee-garo-waana joogi doonaayee

Doorashadii waxay dihatey wax cirka taar ku leh, dhulka taar ku leh,
tagoogo orgi leh, tunka shashaash ku leh oo tag xun.
Doorashadii Somaliland ee deegaanadu waxay dihatey waxaan la eegeyn.
Waxay dhashay wa x an dhicis ahayn, dhamaysna ahayn. Waa wax
af-dulaaqan oo miciyo doofaar leh. Indho ma leh, dhego ma leh oo
dhamays ma ah. Madax dad bay leedahay uu gees dheeri oo faraaro ka
dul baxayl (dirsooc). Waa afar qooble dugaaga shaabaha oo aan xanuun
loo dili Karin, cabsina loo haysan Karin oo laga yaabo hadduu koro
in uu qaranimada cuno. Waa wax cirka taar ku le h, dhulka taar ku
leh, tagoogo orgi leh, tunka shaash ku leh, oo shar ka acuud
bilaahiye jin iyo insi midna ahayn.
Sidaa daradeed dawladu waxay ugu waqlalashay wiilal gacamo madhan oo
ka gadoodey, kana argagaxay waxan sibaaban ee siloon, yaabka iyo
lama aragta, hoostada laga dayey. Dhiig bay ugu fool dhaqaday oo
xabkii kaga tirtay, iyadoo ku luuqaynaysa qowysal waraabe iyo warkii
jaahilnimo, qasaa’idkii qabyaalada iyo madadkii odayaashii iyo
habrihii waa hore la duugey-inn aa lilaahi wa innaa ileyhi
raajucuun-tolow geel ku durduriya oo si dadban innooga dila doorso
onkan dhashay, miyaa la waayey?.
Maya. Xaasha. Diga hoos ka nool weli., Shacbi colaad ka kharaaray,
oo musuqmaasuq maal, m aan iyo maamul fasahaadshe, ayaa iska acuud
bileystey, oo kala doortay labada daran. Kadibna bismilaystay
natiijadii fasaqnayd ee komishanka, kuna luuqayey intuu naaska ku
duwey wixii siibaabnaa: “shar gudban shaydaan xijaaban”. Waxkasta oo
ahaydba shifo lagu af-saaray, cidna aan shar u lahayn, iyaga oo ka
baqa qaba; in haddaan la kala roonaan; rooba di’i waayo.
Hordhaca waraysigan qurbaawi iyo Weriyaha Laanta Curdinka(WLC)
haddii aan intaa kaga gu dubo, waxaan guda geleyaa, waraysigii
qurbaawi iyo weriyaha laanta curdinka oo meelo bad an doca
docaynaaya dibin daabyana ma ah ee waa maadda miideedee(Satire).
Waraysigii oo kooban
Qurbaawi: Miyaa la iska dhigi karaa
Ururka Wadani?
WLC: Mayee waa loo dhashaa wadani.
Qurbaawi: Miyaa la iska dhigi karaa
Kulmiye?
WLC: Mayee waa loo dhashaa , waana loo
dhaxaa Kulmiye.
Qurbaawi: Miyaa la iska dhigi karaa
UCID la dhoodhoobay?
WLC: Mooyaan, ma ogi. Waa maryo alool
mucaarid ah ee dhalasho iyo dhaxdin midna ha u malaynina.
Qurbaawi: oo haddaan xeradu, waa wada
uloo, ul la qaatana ma leh?
WLC: Weligaa lagama quusto bulshada iyo
wax nool, bal day ereyadii Xafladii UCID Cali Gurey ka yidhi markay
Faysal iyo Jamaal is qaroofeen: “Mooyi waanadaydaa wax ku
qaadanaysee, mooyi talada waafiya weydaar doontee, Mooyi waayaha is
doorshaa nooga kiin wax sheegaa, in xusbinimada daw tahay, abnimada
ka door roon, sharci iyo distuur tahay, doorasho iyo xalaal tahay,
aragti iyo adeeg tahay, ergisiyo ammaah lahayn, kaltan loogu tala
gelin iyo beelo wacad dhigta iyo waa markoodii iyo markeenii, waa
weli asteeyee, Muuse Biixi weydii..
Qurbaawi: Warka badan dhaafoo ma
codaysay adigu?
WLC: Maya. Codkaygii ayaa hangool
noqday. Labadiisii faraar, waa Marwo Faadumo Siciid iyo Cali Guraye,
waxay ku yaaliin UCID, Gantadiisiina waxay ku taal ururka UMMADDA,
ushii dheeraydna waa ta gudban Xudur ilaa Saylac ee Xaqsoor ku taal.
Qurbaawi: Maashaa Allaa tabaaraka lahaa
intaasi waa intaan aniga iyo beesha caalamku kasi weyne, ee waagii
beryaba xinjiraha loo daadsho. Waa Ilaahay Mahdii mar haddii la
iswaafajiy ey golayaashii kala gaarka ahaa ee la isku dheelitiray oo
la mideeyey golihii guurtida, golihii wakiilada iyo golihii fulinta.
Waa Ilaahay mahadii mar haddii qiil loo helay , oo weliba Somaliland
u heshay, oo weliba M/weynaha maanta joogaa ku ammaan mudan doono,
midaynta lamana yaashii kala caagan ee aan isgeyin ee mid ba, midka
kala lidka ku yahay, sida cudurka iyo caaf imaadka, caydhiinka iyio
bisaylka, colaada iyo nabada, daacada iyo daalimka, aqoonta iyo jah
liga, jacaylka iyo nacaybka, xaaraanta iyo xalaasha, dherega iyo
gaajada, runta iyo beenta, riyada iyo dhabta, ribada iyo ribixa,
dimoqraadiyada iyo shareecada Islaamka.
Qiilkan iyo qaaciduud ku fadhiyo ee loo bogay ee lagu faani karo waa
in beesha caalamka lagu fidiyo oo wasiiradu tabliiq u baxaan, amma
mushruuc ka dhigaan lagu qadhaabto, oo qadar la cag ah lagaga helo
beesha caalamka.
Waraysigii faahfaahsan ( La soco).
By:
Hamud Duale
|