Tixdani waxay dhalatay 18.5.2010, waxay ka hadlaaysaa callanka

 

Tixdani waxay dhalatay 18.5.2010, waxay ka hadlaaysaa callanka,isla goobta ay ku curatay oo ahayd munaasabaddii dabaaldegga la soo noqoshada madax bannaanida ee JSL ee  sann adkan 2010ka ee jaaliyadda somaliland ee Finland –Helsinki.

 

 

Callanyahaw dhalaalkaaga iyo dhinacyo saydhkaaga
Callanyahaw rag baa baa kuu dhintee laguma dhaabeene

*****
Dhinacayga kama muuqateen ma dhisnaateen
Dhibaatiyo xannuun baan u maray dhallashadaadii
Kuwii adiga kuu dhaawacmaa dheehan muuqaaga

*****
Dhiigii Huraan kugu subkiyo dhididkii Haaruun
Dhagax iyo waxa kugu maqan Yuusuf iyo Dheeg
Dhinacyada waxaan kaaga qoray dhuuxii Koodbuur

*****
Dhaxalkiyo xaqii baad tahay dhamacii Koosaar
Waxaan kuugu dhaataa shishaad iigu dheertahay
Misna kuugu dholalaa maryahaad iiga dhawdahay

*****
Dhaar ilaahay baan maray inaanad dhicin abidkaa
Is dhidhibi dabaylaha la dheel dhuuryadiyo haada
Is dhidhibi dhankii aad rabtaba dhinacyada u jeedi
Is dhidhibi ragii dhaartay baa dhoonbirkii sida’e
….

 

Cabdillahi Adan Roble  (Ilkacse)