Tifaftirihii Guud ee HCTV, Cabdillahi adan Cumar (Wayab), ayaa xilkii iska casilay

 


 


Anigoo ah Cabdillaahi Aadan Cumar [Wayab] waxan iskay u go’aansaday inaan istiq aalad rasmi ah ka dhiibo shaqadii u hayey Horn Cable TV oo ahayd Tifaftiraha Guud, kadib markuu Mulkiilaha HCTV igu ixtiraami waayey hawshii iyo mas’uuliyaddii uu ii dh iibay,taasoo markaan weydiiyeyna uu iigu jawaaaybay aflagaado aanan gayin.


Waxa dhacday in anigoo jooga oo ku sugan goobta shaqada aan ku war helo warar aan isoo marin oo ka baxa Tva, markaan su’aalo Madaxa Wararkuna oo ii sheego in ay tahay amarka Mulkiilaha. Arrintan markaan weydiiyey Mulkiilaha sababta uu anig oo ah Tifaftiraha iila socodsiin waayey, xataa si aan uga jawaabo haddii wax layga weydiiyo, waxa uu iigu jawaabo erayo aanan doonayn inaan halkan ku muujiyo balse ahaa kuwa aad u qallafsanaa oo aan sinaba ii qaban, isla markaana ku fiicnayn in loogu jawaabo qof shaqo idinka dhaxayso.


Haddaba, anigoo ogsoon inaan ahay qofka kowaad ee leh masuuliyada wax kasta oo ka baxa TV ga xumaan iyo samaanba waxay ila noqon weyday inaan sidaa kusii dhex fadhiyo HCTV oo aan ku sugo in la ii xidho ama dhibaato kale iga soo gaadho waxana n war iyo wacaal midna u ahayn, sidaaa awgeed ayaan maanta oo ah 1da Nov,2014 go’aansaday inaan istiqaalad ka dhiibo xilkii iyo shaqadii aan u hayey Horn Cable.
 

C/LLAAHI AADAN CUMAR ( WAYAB)