Telesom oo maanta si rasmi ah u daahfurtay adeegga cas riga ah ee isku-xidhka farriimaha moobilka iyo emailka caanka ah ee gmail (Gmail-SMS Chat).

 

 

 


Mr. Mustafe Aadan Muuse , oo ka hadlay shirkaasi jaraa段d waxa.........Daawo Sawiradda

Hargeysa (TNN)_Shirkadda Telesom ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay adeegga casriga ah ee isku-xidhka farriimaha moobilka Telesom iyo emailka caanka ah ee gmail, oo ay leedahay shi rkadda Google.


Adeeggan oo cusub oo loogu magacdarro GMAIL SMS CHAT waxa uu u suurtogelinayaa in far riimo bilaash ah macaamiishu ay uga diraan gmailkooda moobilada Telesom, kuwaasi oo iyagu na u soo jawaabi kara.


Shirka Jaraa段d oo ay shirkaddu ku soo bandhigtay adeeggan casri ah oo ay ku qabatay Hotel Maansoor, waxa ka hadlay masuuliyiin ka socota shirkadda oo ka warramay faa段idada barnaa mijkan iyo guud ahaan adeegyada kale ee shirkaddu ay siiso Macaamiisha.Waxa kale oo masu uliyiintu ay ka warrameen in ay maanta la kulmi doonaan wefti ka socda Shirkadda Google, oo ay ka wada hadli doonaan horumarinta adeeggan iyo soo bandhigidda adeegyo kale.


Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha & Daryeelka Macaamiisha, Mr. Mustafe Aadan Muuse oo ka hadlay shirkaasi jaraa段d waxa uu sheegay in adeeggani uu ka mid yahay adeegyada loo yaq aano Value Added Services, oo ah adeegyo dheeraad ah oo macaamiisha loogu daro adeegy adii lafdhabarka ahaa ee sida codka, Zaadka iyo internetka ee ay ku isticmaali jireen moobilkoo da.


Mr. Mustafe waxa kale oo uu sheegay in ay hore u jireen adeegyo VAS ah kuwaasi oo ay ka mi d yihiin barnaamijka AqoonMaal, oo ay macaamiishu kala socdaan wararka iyo macluumaadka kale ee faa段idada u leh. Waxa kale oo sharaxaad ka bixiyay Adeegga Shaafi, oo ah barnaamij caafimaad oo loogu talogalay hooyada uurka leh.

Mr. Cadnaan Daahir Muxumed, Madaxa Xidhiidhka Caalamiga ah ee Shirkadda Telesom oo isna ka hadlay shirka jaraa段d waxa uu sheegay in shirkaddu ay la leedahay xidhiidho ganacsi oo waaweyn shirkado kala duwan oo ka mid ah adduunka sida Eeshiya iyo Yurub; kuwaasi oo ah shirkadaha soo saara qalabka isgaadhsinta casriga ah iyo shirkadaha kale ee telefoonda diba dda. Waxana uu Mr. Cadnaan sheegay in xidhiidhkaasi muhiim u yahay sidii ay macaamiishoodu u heli lahaayeen adeegyo tayo leh oo kuwajahan xidhiidhka dibadda iyo gudahaba.


Madaxa Xidhiidhka Caalamiga ah waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan wadamo badan oo ay ugu muhimsan yihiin kuwa ay bulshada Somaliland ku xidhan tahay oo ay ka hirgeliyeen 2 san no horteed oo ah adeegga loo yaqaano Mushaax, oo suurtogelinaya in macmiilku uu moobilkii sa Telesom la tago meelkasta oo adduunka ka mid ah; isla markaana ay qurbajoogga reer Som aliland la iman karaan wadanka simcardskooda dibadda oo ay kaga hadli karaan Network-ga Telesom.


Cadnaan waxa uu intaasi ku daray in adeegga GMAIL SMS CHAT loogu talogalay qurbajoogga, si ay si joogto ah ugula xidhiidhaan ehelkooda ku sugan wadanka ee isticmaalka moobilka Tele som; waxa kale oo adeeggan loogu talogalay dhallinyarada oo si fudud ula qabsan og teknoola jiyadda, isla markaana jeebkoodu yar yahay oo ka faa段idaysanaya farriimahan bilaa lacagta ah. Waxa kale oo GML SMS ka faa段idaysan doona goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo goobaha kale ee bulshada.
 



Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland