Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable TV oo Somaliland Keenay
Qalab Casri ah oo uu ku Ballaadhinayo Adeegiisa
Hargeysa (TNN)-Telefishanka caalamiga ah ee Horn Cable TV (HCTV),
ayaa Somaliland ke enay qalab casri ah oo ay ugu tallo galeen
daawadayaashooda iyo guud ahaanba dadka Afsoomaaliga ku hadla,
kuwaasi oo ka kooban kun xabbo oo isugu jira anteenooyinka TV-ga
iyo Risiifaro (Receivers) laga dawaan karo 30 Janal (channel) oo
qaybo kala duw an isugu jira.
Madaxa wararka telefishanka HCTV Mr.
Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo shalay u wara may shabakada
wararka ee Hadhwaanagnews, waxa uu sheegay in telefishankoodu ku
hawlan yahay sidii ay bulshada reer Somaliland uga haqab tiri
lahayeen qalabka ay ka kireeyaan si ay uga helaan macluumaad badan
oo xiiso leh oo ay ka mid yihiin wararka, ciyaaraha adduunka iyo
barnaamijyo kale oo anfac u leh bulshada.
Mr. Maxamed Cabdi Ili goo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi;
“Telifiishanka Caalamiga ah ee Horn Cable TV
waxa uu ku hawlan yahay sidii uu bulshada Somaliland uga haqab t iri
lahaa qalabka uu ka kireeyo dadweynaha ee lagu daawado adeega kala
duwan ee HCTV-ga ka baxa, ayaa waxa uu todobaadan gudihiisa u
keenay qalab cusub oo casri ah oo isugu jira 1000 xabo oo Receiver-s
iyo Antenna, kuwaas oo ah 30 Channel oo ay dad ku ka daawan
doonaan Ciyaaraha Koobka adduunka [Sports-ka], Animal planet, Show
Movies, Discovery, National Geography, Soomaali, Maadeys, Diini,
News, iyo wixii la mid ah, annaga oo ka guurnay Channeladii hore”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Imika qalabkan oo ay
dadku si xawliya u i ibsanayaan iyada oo 24-sacadood ee ugu danbeyey
waxaanu iibinay 200 oo xabadood oo ah Receiver-s iyo Antenna, annaga
oo ah Shaqaalihii markii aanu dadka ka tahli kari-weynaya ayaanu
xafiiska xidhnay markii lagaadhay wakhtigii fasaxaada oo ay
dadweyn ihiina sii bateen oo ay isa soo tumeen Xafiiska oo ay
doonayeen inay iibsadaan qalabka, taasi waxay ku tusaysa baahida ay
bulshada reer Somaliland u qabaan in laga haqab tiro inay helaan
Channel-o badan oo ay daawadaan maadama aanu nahay Telefiishanka
kaliya ee awooda u leh inay bulshada reer Somaliland awoodooda u
gudbiyaan, maraa arrimahani waxay ka mid yihiin mid aanu ku
balaadhinayno awooda TV-ga Horn Cable TV, maadama uu Telefiishanku u
qeybsamo labada qeybood eek ala ah qeybta Kirada ah ee bishii dadka
laga qaado 10$ iyo qeybta ku jirta Santa light-ka ee bilashka ah ee
aan dadka waxba laga qaadin”.
Mar uu ka hadlayey Maxamed Cabdi Sheekh
Ilig waxa ka hadlayey adeegan cusub waxa uu sahli karo waxa uu
yidhi“Telefiishanka Caalamiga ah ee Horn Cable TV waxa
arrimaha n ku kalifay isaga oo doonaya inuu mustaqbalka wada gaadho
guud ahaanba Somaliland, isla markaana Channel-da kale ee ay dadku u
baahan yihiin aanu uga haqab tirno, sidaa nu horeba u balan-qaadnay
waxaanu doonaynaa inaanu gaadho Magaalooyina waa-we yn ee dalka,
gaar kuwa ugu soo horeeya ee ay ka mid yihiin Burco, Boorame,imika
waxa gaadha gobolada dalka qaybtayda somaliga ah oo kaliya balse
qaybta cablka ah waxaa nu doonaynaa inaanu ciyaaraha ka haqab
tirno dalka oo dhan si mug leh waxaanuna do onaynaa inaanu
xafiisyo ka furano Magaalada Nairobi iyo Yurub-a iyo dalka
mareykanka oo aanu doonayno in aanu gaadho madama haatan nalga
daawado balse aananu lahayn xafiisyo active ah oo shaqeeya marka
laga reebo xafiiskayga london oo haatan dib u ha bayntiisii ay
socoto isla markaana shaqeeya dadwayanaha reer yurubna si toosa ay
no oga dawadaan qalab cusub oo lagu iibiyo london oo netka la
raacinayo.”ayuu yidhi Max amed Cabdi Sheekh Ilig.
“Haddii aanu nahay bahda Telefiishanka Caalamiga ah
Horn Cable TV, waxaanu ku rajo-weynahay
inaanu sanadkan gudihiisa muujin doono awood laxaad leh dhinaca
warbaah inta ku hadla afka Soomaaliga aanu muujin doono, taasi oo
aanu la iman doono dedaalk eeda, wax ka qabashadeeda,
kobcinteeda, dhaqaale bixinteeda iyo firfircoonideeda uu
dhamaanteedba uu leeyahay Guddoomiyaha
Horn Cable TV,
ahna Masuulka isagu iska l eh,
Farxaan Xaaji Cali Axmed oo isagu ah nin
qurba-jooga oo u yimi
wadankiisa inu horu mariyo, gaar
ahaan Warbaahinta oo kaalin mug leh ka qaatay sidii warbaahinta
Somalil and ula mid noqon lahayd ta caalamiga ah ee horumartay,
taasina ay ku tusinayso dha qaalaha badan ee uu telefiishanka
HCTV uu geliyey” ayuu yidhi Maxamed
Cabdi Sheekh Ilig.
Telifiishanka Caalamiga ah ee Horn Cable TV
ayaa guud ahaanka dadka ku dhaqan Soma liland ay si weyn u
daawadaan, gaar ahaan meelaha uu sida fiican u gaadho, iyada oo
dadka daawada ay aad u xiiseeyaan barnaamijyada iyo Channel-ada uu
baahiyo.
Source:Jamhuuriya Online
|