Tartankii Quraanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan oo lagu soo Gabogabeeyay Gabiley

 

Gabiley (TNN)-Tartankii Quraanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan Ayaa shalay lagu soo   G abag abeeyay Masjidu Nuur ee Magaalada Gabiley, Tartankaasi oo Sanad walba lagu Qabto bisha  Ra madaan Gobolka Gabiley ayaa Waxaa soo Qaban Qaabiyay Jamciyada Tartanka Quraanka ee  Ga biley waxaana Maalgaliyay Ganacsatada Gobolka.

Xaflada Balaadhan oo lagu Gudoonsiinayay Abaal marino iyo Shahaadooyin oo shalay  halk aasi loogu qabtay ayaa waxaa ka soo Qayb galay Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi (Cali Case), Boqor Muxumed Geele Seed, Waalidiinta Ardayda, Maamulad a  Madarasad aha Gabiley,tartanka quraanka kariim ah oo ah kii sideedaad ee noociisa ah oo laga qabto gobolka gabiley kaas oo soo billaabmay sanadkii 2002, waxaa ka soo qayb galay marti sharaf aad u ballaadhan oo ay ka mid ahaayeen musheekh, waayeel, maamulka gobolka iyo waalidiinta ardayda ka qaybgalaysay tartanka.

Tartankan oo ay ka qayb galeen 85 araday oo ku Dhaqan Degmooyinka Gobolka sida  Gabil ey, Wajaale iyo Allaybaday oo ka kala socdeen 30 arday oo ka socday Wajaale, 5 araday ka socday allaybaday iyo 50 Arday oo ka socday Gabiley.


Ardaydaasi oo dhamaantood ahaa Ardaydii madarasadaha Gobolka ayaa ka koobnaa 50 wiil iyo 35 gabdhood oo ka mid ah ardayda u tartamaysay soddonka jiz, 15-ka jiz, 10-ka jiz iyo 5-ka jiz.

Kaalinta koowaad ee 30 jiz ee Quraanka Waxaa ku guulaystay Arday ka socday Degmada Wajaale oo Magaciisu ahaa Xasan Nuur Xuseen halka isla Kaalinta koowaad ee Dumarka ay ku Guulaysatay Jawaahir Aadan Ismaaciil oo ka Socotay Degmada Wajaale, kaalinta labaad ee 30-ka Jiz waxaa ku Guulaystay Arday ka socday Degmada Wajaale halka kaalinta Seddexaad uu ku Guulaystay Arday ka socda Degmada Gabiley.

Sh.Maxamed Muumin Aadan oo ka mid ahaa Culimadii halkaasi ka hadashay ayaa ku  dheer a aday Qiimaha iyo Fadliga Quraanka kariim ahi leeyahay iyo kaalinta looga Baahanyahay d a,yartu inay ka qaataan Akhriska iyo barashada Quraanka.

Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Gabiley Mudane Cali Cabdi C/laahi (Cali Case oo isaguna  M adasha ka hadlay ayaa u mahadnaqay Dhamaan Ardaydii ka soo qayb gashay tartanka  Q uraanka, Culimadii soo Qaban qaabisay iyo Dhamaan intii Gacan ka gaysatay.

Badhasaab ku Xigeenka Gobolku wuxuu ardayda u soo jeediyay inay Dadaalkooda halkaa ka sii wadaan isla markaana Xoojiyaan kana Faa,iidaystaan Akhriska iyo Fadliga Quraanka Kariimka ah.


Tartankan oo ahaa mid aad u Xiiso badan ayaa Abaal marin Farax galiyay lagu  gudoonsiiy ay ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartanka quraanka.



Mustafe Future
Timacade News Desk
Gabiley/Somaliland